Dadka ku nool tuulooyin dhawr ah oo hoos yimaada magaalada Beledwayne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegay inay ka jiraan biyo la’aan, kuleyl iyo daaq la’aan haysta xoolaha taasoo saamayn baaxd leh ku yeelatay xoolo dhaqatada iyo beeraylayda.
Af yare Cabdulle Macaw oo ka tirsan xoolo dhaqatada deegaan lagu magacaabo Jiqeey oo 40 km u jirta Beledwyne dhanka waqooyi-bari ayaa Ergo u sheegay in laba sano wax roob ah uusan ka di’in deegaanka oo nolshu ay tahay mid adag, biyo meleh, xoolihi way bakhtiyeen badankooda inta soo hartayna way fadhiyaan oo ma kici karaan.
Ma jiraan wax dad ah oo dhintay balse xaaladda dadka aad bay u liidataa oo dhimasho wax ma dhammaan, waayo fuustada biyaha markii hore waxaa la iibin jiray 20 kun oo shilin Somaali ah balse hadda waa 80 kun mana awoodna oo xooluhu suuq maleh, deegaanka baraago ayaa biyaha laga cabi jiray balse waa ebar, sidaa waxaa Ergo u sheegay Afyare.
Falis Axmed Guuleed oo ka mid ah dadka ku nool Tuulada Bur-dhiigle oo 35 km u jirta Beledwayne dhinca waqooyi-bari ayaa Ergo u sheegtay in dadka intii socon kartay ama magaalada Beledwayne qaraabo ku lahayd ay ka soo guureen qaanrna ay ku biireen xeyaha dadka barakacay, balse waxaa jira dad guuri waayey oo carruur ku jiraan haween iyo dad xanuunsan oo hadda ku sugan xaaladda aad u liidatada mana haystaan biyo, baad, caafimaad iyo cid u maqan toona.
Hadda waxaan joogaa Beledwayne waxaana u imid in aan u qaylo dhaansho dadkaas dhibaatysan oo shacabka degan beledwayne kuwooda wax haysto aan u sheego inay u gargaaraan walaahooda dhiban Falis ayaa tiri.
Goobaha ugu daran ee hadda dhibaatadu ka jirto waxaa ka mid ah Jiqeey, Bur-dhiigle, Indho-caad, Dhaan-Jiife iyo deegaanno kale.
Cabdullaahi Salaad/FO









