Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Masiibooyinka

In ka badan 80 deegaan oo laga soo sheegayo biyo-la’aan

Radio Ergo by Radio Ergo
September 29, 2014
in Masiibooyinka
0
In ka badan 80 deegaan oo laga soo sheegayo biyo-la’aan
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

In ka badan 85 deegaan oo ka tirsan gobollada uu ka arrimiyo maamulka Puntland ayaa laga soo sheegayaa inay ka jirto biyo la’aan aad u daran oo dadku ay halis ugu jiraan inay u dhintaan harraad.

Heerka abaartu waa mid ka sii daraysa dhulka xeebalayda ah iyo howdka gobollada Mudug iyo Nugaal, iyadoo qiimaha biyaha ay booyaddii gaartay $300 halka gobollada qaarna ay ku dhowaatay $500 oo dollar, sida Ergo u sheegay agaasimaha gurmadka deg deg ah ee wasaaradda arrimaha gudaha Puntland Cawil Maxamed Xirsi.

Wuxuu intaa ku daray in dabayaaqadii bishi hore iyo bishan ay biyo dhaamin ka sameeyeen deegaanno dhawr ah oo ay ka mid yihiin Dangorayo iyo degmada Eyl oo ka tirsan gobolka Nugaal, biyo la’aanta ugu daran waxay ka jirtaa degmada Jariiban ee gobolka mudug, dhammaan gobolka Nugaal iyo degmooyin ka trisan gobollada bari iyo Sool,” Ayuu yiri.

Cabdiwali Maxamd Saalax oo ka mid ah odayaasha degmada Bargaal ee gobolka Bari ayaa Ergo u sheegay in magaalada imaadeen 20 qoys oo xoolihi intii badnayd kaga le’deen abaarta, qoysaska qaarkood ayaa lahaa ari gaaraya  200 oo neef balse iminka waxaa u soo haray 70 neef oo aan waxba u gayn, dhanka kale degmada Qandala ayaa laga soo sheegayaa xaalad aad u liidato, qiimaha booyadda biyaha waa $400 dollar halka fuustada lagado $25 Dollar.

Cawil Maxamed Xirsi ayaa sheegay inay ku soo ogaadeen kormeer ay ku tageen tuulooyinka Laq-laajis iyo Qalaanqal oo ku yaal hawdka u dhexeeya mudud iyo Nugaal in booyada biyaha la iibinayo $300 oo Dollar halka bishi July ay ahayd $70 Dollar, dadkuna ma awoodaan qiimahaas waayo noolasha dadku waxay ku tiirsanayd xoolaha wayna le’deen abaaraha awgood ayuu yiri.

Wuxuu intaa raaciyey in ay deegaannada qaar ay ka da’een roobab aan badnayn oo aan waxba ka badalin nolasha dadka reer miyig ah, oo u baahan biyo, cunto iyo daawo intaba, mana jirto wax gacan ah oo aan ka helnay hay’adaha caalamka, Puntland horay ayay u sheegtay in in ka badan 350 kun oo qoys ay u baahan yihiin gargaar kuwaasoo ay saameeyeen abaaraha ka jira dalka.

Cabdiraxman Xaaji/FO

Previous Post

XOOLLAHA KA DHOOFAYA DEKADAHA SOOMAALIYA XILLIGAAN XAJKA

Next Post

Biyo-la’aan ka jirta tuulooyin ka tirsan gobolka Hiiraan

Related Posts

Jalalaqsi: Xoolo dhaqato-beeralay abaartu saamaysay oo nolol adag ku wahajaya xeryo ku yaalla magaalada
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Cunno xumo, biyo yari iyo hoy la’aan isku biirsaday qoysas soo maciin bidday xeryo ku yaalla Jowhar

January 8, 2026
Soomaaliland: Xoolo-dhaqato kireeya geel irmaan si ay cunno ugu helaan carruurtooda
Cunto-Yaraanta

Hargeysa: Nolol xumo soo wajahday qoysaska ka ganacsada caanaha geela saamaynta abaarta darteed

January 7, 2026
Cunno xumo iyo go’doon ka dhashay fatahaad uu gaystay webiga Shabeelle
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Cunno xumo iyo go’doon ka dhashay fatahaad uu gaystay webiga Shabeelle

November 5, 2025
Awdal: Daymo ay qaateen beeraleyda tuulada Ruqi oo sababay in ay xirmaan goobo ganacsi
Beeraha Iyo Xoolaha

Awdal: Daymo ay qaateen beeraleyda tuulada Ruqi oo sababay in ay xirmaan goobo ganacsi

April 25, 2025
Galgaduud: Nolol-xumo ka dhalatay daad barakiciyay qoysaskii ku noolaa tuulada Docolley
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Galgaduud: Nolol-xumo ka dhalatay daad barakiciyay qoysaskii ku noolaa tuulada Docolley

May 26, 2024
Dab kale oo burburiyay qayb ka mid ah suuqa Bakaaraha kaas oo sababay burbur dhaqaale
Arrimaha Bulshada

Dab kale oo burburiyay qayb ka mid ah suuqa Bakaaraha kaas oo sababay burbur dhaqaale

May 21, 2024
Next Post
Biyo-la’aan ka jirta tuulooyin ka tirsan gobolka Hiiraan

Biyo-la'aan ka jirta tuulooyin ka tirsan gobolka Hiiraan

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo