Dekedda Berbera ayaa mashquul ku ah dhoofinta xoolaha aadaya xilliga xajka, hadda shirkadaha Aljaabiri iyo Deero group ayaa ku jira sayladaha xoolaha ee Somaliland, Muuse Aadan ducaale oo ah madaxa iibka xoolaha ee Deero ayaa sheegay in wakhtigaan ay si wanaagsan u socdo iibka xooluhu, dhoofiyeen 480,000 oo neef oo adhiya a, dirayaanna maalmahaan soo socda 300,000 oo adhiya, ayna bangiga Islaamkana ka haystaan dalabka 780,000 oo neef, maalin kastana ay iibiyaan 20,000 oo neef.
Cabdirisaaq Maxamed Bulaale oo isna ah wakiilka shirkada Sucuudiyaanka ee Aljabiri ee sayladda Burco ayaa Ergo u sheegay in 22 maalmood ee la soo dhaafay ay dhoofinayeen xoolaha, ayna wadayaan dhoofintoodda ilaa 30ka bisha Sebteembar, habeen walbana markab ayaa baxa, iyadoo kii ugu dambeeyey uu xalay shiraacday isagoo sida 35 kun oo neef.
“Waxaa noo diyaarsan inaan dhoofino 800 oo kun oo neef oo adhiya xilligan xajka, sayladda Burcana neefkii wuxuu marayaa muunadda koowaad ee adhiga ah $85.”
Qiyaas guud ee adhiga xajka ka aadaya dekedda Berbera xajkaan 2014 ayaa shirkaduhu isu geyn ku sheegeen 1,580,000.00 oo neef oo adhiya.
Gudoomiyaha maxajaradda Boosaaso Maxamed Faarax Maxamuud ayaa sheegay in wakhtigaan ay maxjaradda ku jiraan lo’o iyo adhi, xoolaha tiradooda iyo tayadooduba wakhtigaan waa fiicantahay, inkastoo tiradii la rabay aysan helin oo goboladda oo abaaro ka jiraan ay tahay dhibaatadu.
Axmed Muuse Cayib oo ah madaxa shirkada Daawad ee xoolaha u dhoofinaysa Xajka ayaa sheegay in sanadkii 2013 ay tiraday dhoofiyeen ka badnayd tan sanadkaan, sanadkii hore 1,700,000 ilaa 2 milyan oo neef ayaa dhooftay, sanadkaanse waxaan rajaynayaa inaan dhoofino 1,500,000, waxayna sabab uga dhigeen lo’di iyo geelii aadi jiray Sucuudiga oo sanadkaan joogsaday.
Adhiga xajka aadaya sanadkaan ayaa lakala siisanayaa markuu maxjarka Boosaaso soo gaaro muunadda koowaad $115.
Cabdulqaadir Cali Gaab oo ka mid ah guddiga maamula maxjarka Muqdisho ayaa Ergo u sheegay in sanadkii hore ay dhoofiyeen xoolo badan, sanadkaanse aysan dhoofin xoolo, Cabdulqaadir ayaa intaas ku daray in Geela oo ugu badnaa xoolaha ka dhoofa Dekeda Muqdisho isagiina istaagay bishii Abriil ee sanadkaan oo Sucuudigu sheegay in viruska Mers uu xiriir la leeyahay hilibka geela.
Cabdulqaadir ayaa sheegay in kharashaad badan oo la saaray xoolaha iyo jidgooyooyin badani in iibka xooluhu is bixin waayo, waana arrimaha guud ahaanba yareeyey in xoolo ka dhoofaan dekedda Muqdisho sanadkaan, ayna u wareegaan ganacsatadii dekeddaha Boosaaso iyo Berbera oo iyagu uga dhow socod ahaan iyo kharash ahaanba wadamadda khaliijka.
Ganacsatada xoolaha waxay isla qirayaan dhamaan in kaabayaasha dhaqaalah oo xun, abaaraha iyo jidgooyooyin kala gedisani yihin dhibaatadda ugu daran ee haysatada ganacsiga xoolaha, Axmed Mukhtaar oo gobolka Hiiraan xoolaha uga dhoofiya dekedda Boosaaso ayaa Ergo u sheegay inuu gaariga xoolaha u sida cashuur ka siiyo maamulka Hiiraan, maamulka Ahlu suna ee Dhuusamareeb iyo Guraceel, Maamulka Ximan iyo Xeeb, Maamulka Galmudug iyo Maamulka Puntland.
Sarkaal ka tirsan waaxda cashuurta dekedda kana gaabsaday magaciisa inaan xusno ayaa Ergo u sheegay “Neefka geela ah in lagu cashuuro 5 dollar, hawlaha kale ee dekeddana waxaa laga qadaa 3 dollar, neefka adhiga ahna 1 dollar, hawlaha kalena 2.5, lo’da 3.5 dollar hawlaha 2 dollar.”
Cabdilqaadir Cali gab ayaa isna sheegay markuu u soo wado xoolaha Muqdisho in qolyaha jidgooyo kastaa ka qaadato lacag 2 milyan oo shillin ah una dhiganta 100 dollar, wuxuuna intaas ku daray in dhoof la’aanta xoolaha sanadkaan ee dekedda Muqdisho ay saamaysay 130 qof isugu jirta takhaatiir, xamaali iyo maamulka maxjaradda oo ku shaqo waayey.
Mohamed Hassan









