Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Sheekada Jibriil Maxamed oo laba goor u tahriibay Sucuudiga

admin by admin
September 25, 2014
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter
blank
Photo | Dhalinyaro ka shaqaysanaysa wadankooda Sawir/kaydka/Ergo

Dhalinyarta Soomaaliyeed ayaa sanado badan ku jirta tahriib ay u gelayaan wadamadda Khaliijka iyo Waqooyiga Afrika oo ay uga sii talaabaan qaaradda Yurub, iyagoona mara safar aad u halis badan, meesha ugu horaysa ee ay ka bilaabaan socodka ayaana ay ka bilaamataa xuquuq la’aanta tahriibayaasha iyo tacaddiyadda kuwa wax tahriibiya.

Jibriil Maxamed waa 26 jir laba goor u tahriibay Sacuudi Caraybiya, wuxuu hadda joogaa deegaankiisii oo ah degmada Leego gobolka Shabeelaha Hoose, Fowzia Omar ayaan ka waraystay xaaladiisa iyo tahriibkii uu horay u galay.

S. Goormaad Tahriibta?
J. Waxaan tahriibay laba goor

S. Xagee ka tahriibtay xagese aaday?
J. Waxaan ka tahriibay labada goorba Gobolka Shabeellaha Hoose, mar waxay ahayd 2009 dhinaca Jabuuti ayaan maray,  marka kalena waxay ahayd 2011kiina waxaan maray Boosaaso, labada goorba Sucuudiga ayaan rabay inaan galo.

S. Maxaa kugu dhaliyey inaad tahriibto?
J. Walahay dadka been bay sheegaan, waxaa lagu sheegayaa in aad helayso shaqo fiican haddii aad tagto Sucuudiga, labadii goorba waa la i soo qabtay annigoon dhaafin xuduudka.

S. Safarkaagii hore sidee ku bilowday?
J. Leego gaadhi ayaan ka raacay, goboladda Dhexe ayaan sii maray, Hargeysaan sii maray, Lawyacaddo ayaan tegey oo ah xuduudka Jabuuti iyo Somaliya , hadaadan sharci haysan ma gudbi kartid, marka waxaa jira dad xuduudka ku dhaafinaya oo 10 dollar kaa qaadanaya, markay ku wadaanna oo buuraha ku geeyaanna way ka dhumanayaa si aan loo qaban iyaga, waxayna danta kugu khasbaysaa inaad keligaa si dhuumasho ah ku gashid Jabuuti.

Jabuuti markaan tegey waxaan u tegey kuwo wax tahriibiya, lacagtii doonta ayaan ku heshiinay, caawa ayaa la idin qaadayaa ayey dhaheen, kadib gaari ayey na saareen, caasimada Jabuuti lagama tahriibo, gobolka Obokh ayey na geeyeen.

S. Imisay lacag idinka qaateen?
J. Waxay qofkiiba ka qaateen 150 dollar, ninkii lacagta naga qaatay Jabuuti ayuu ku haray, ninkii na waday markuu Obokh na geeyey ayuu isagiina yiri hadaydaan lacag i siinayn halkaas dhaafi maysaan, lacag kale ayaan qoysaskeenii ka dalbanay oo naloo soo diray, sidaas ayaan doontii ku raacnay oo ku gaaray Yemen.

S. Sidee doonta ku raacdeen marka?
J. Markaan tagnay meeshii doonta laga raacayey, dadka toban toban qof ayaa loo saareyey, waxaa iigu naxdin badnayd hooyo 5 carruur ah wadata ayaa nala socotay, markii doonta la fuulayey dadkii saf ayaa la geliyey, 3 ka mid ah carruurteedii ayey hor mariyeen oo doontii saareen, laba iyo hooyadiina way ka tageen, doontii intay buuxsantay ayay degdeg u dhaqaaqday intay dareemeen cabsi ciidan, waxayna ka tageen hooyadii iyo laba carruur ah, markaan Yemen tagnayn waxay dantii nagu khasabtay inaan carruurtii xambaarno si aan u gaarno goob laami ah oo si aan u gaarno xeradda qaxootiga ee Alkharas.

S. Carruurtii xaggee geyseen?
J. Jabuuti ayaan dib ula xiriirnay, kadibna qoys xeradda ku ahaa qaxooti ayey tiri iigu geeya,iyadii iyo labaddii carruurta ahaydna doon dambe ayey soo raaceen oo ugu yimaadeen.

S. Xagee marka aaday?
J. Waxaan tagnay Alkharas, habeen ayaan ka baxnay xeradii Alkharas, annagoo la helshiinay mukhalasiin Yemeniyiin oo qofkiiba ka qaadanaya 300 oo dollar si ay noo dhaafiyaan xuduudka sucuudiga, markii aan tagnay bartii ugu horaysay ee xuduudka ayaa askartii Sucuudigu na qabteen hal bil iyo bar ayaanan ku xirnaa xabsi ku yaal Jidda kadibna dib ayaa la iigu soo tarxiilay Muqdisho.

S. Yaa kaa caawiyey lacagta tahriibta aad ku gashay?
J. Makrii hore xogaa yar oo aan haystay baan ku socdaalay, markii dambese waalidkii ayaan u soo qayshaday, haddee walidkii ilmahoodii oo dhiban kama aamusi karaan.

S. Lacag intee dhan ayaa tahrbii kaaga baxday?
J. Saddex kun oo dollar ayaa igu baxday, dhibaatadu waxay tahay waxaa lagu oranayaa dhib ma maraysid taaso runtii ah been qofka lagu gelinayo khatar waxad ku dhex lugaynaysaa dad aadan af garanayn, lacag ma haysatid, runtii waa waxa niyadii aan tahriib u qabay ka dhigay mid aan run ahayn, hadda waxaan ka shaqaystaa ganacsi yar oo aan ku leeyahay Leego, waana guursaday oo wadankaygaan degey.

S. Dhalinta hadda rabta weli inay tahriibaan maxaad oran lahayd?
J. Waxaan u sheegi lahaa in sida tahriibta loogu sheegayaa ay tahay been, boqolaal dhalinyaro ah oo ku waashay baan arkay, naftoodiina kuwo kale oo badan ayaa ku waayey, kuwo xabsiyo ayey ka buuxaan, marka wadankiina meel idin dhaanta ma lahan ee isaga aamina ayaan oran lahaa.

FO/MH

Previous Post

Qunsulka Soomaaliya ee Cadan oo sheegay in 700 qof oo qaxooti Soomaali ahi doonayaan inay dib ugu noqdaan wadankooda

Next Post

XOOLLAHA KA DHOOFAYA DEKADAHA SOOMAALIYA XILLIGAAN XAJKA

Related Posts

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo

September 3, 2026
Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo

August 28, 2026
Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

August 27, 2026
Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda

August 24, 2026
Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo

August 10, 2026
Mandheera: Qoysas ka soo kaban waayay fatahaad baabi’isay beerahooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluunka laga jillaabto webiga oo badbaado kumeel-gaar ah u ah beeralayda Baarsanguuni

August 6, 2026
Next Post
XOOLLAHA KA DHOOFAYA DEKADAHA SOOMAALIYA XILLIGAAN XAJKA

XOOLLAHA KA DHOOFAYA DEKADAHA SOOMAALIYA XILLIGAAN XAJKA

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 08-SEP-202

IDAACADDA 08-SEP-202 by Radio Ergo

IDAACADDA 08-SEP-202
Episode play icon
IDAACADDA 08-SEP-202
September 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-SEP-2026
September 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-SEP-2026
September 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-SEP-2026
September 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-SEP-2026
September 4, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo