Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qunsulka Soomaaliya ee Cadan oo sheegay in 700 qof oo qaxooti Soomaali ahi doonayaan inay dib ugu noqdaan wadankooda

admin by admin
September 25, 2014
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter
blank
Photo | Sawir/qaxootiga Dhahaab/Sawir/Lafoole/Ergo

Wadanka Yemen oo ay ku nool yihiin qaxooti Soomaaliyeed oo tiradooda UNHCR ku sheegtay 230,878 sanadkii 2014,  ayaa qaar badan oo ka mid ahi wakhtigaan waxay quud daraynayaan sidii ay dib ugu noqon lahaayeen, iyagona arrintaas codsigeeda u soo gudbiyey qunsulka Soomaaliyeed ee Cadan Axmed Cabdi Xasan Suudaani.

Qunsulka oo u waramaya weriyaha Ergo ee Yemen Maxamed Koronto ayaa sheegay in dawladda Soomaaliyeed wadday qorshe ah in dadka Soomaaliyeed ee ku jira qaxootiga dib loogu celiyo wadankoodii, wuxuuna sheegay in 21kii bishaan ay shirku kula yeesheen Cadan madax ka tirsan UNHCR ee Yemen si loo qiimeeyo xaaladda qaxotiga Soomaalida ee ku sugan Yemen.

Arrimaha ugu waaweyn ayuu qunsulku ku sheegay inay jiraan boqolaal qof oo Soomaali oo qunsuliyadda keensaday codsiyo ay ku doonayaan inay dib ugu noqdaan wadankoodii, iyagoona sheegaya inaysan haysan tansiilaadkii ay ku noqon lahaayeen, arrimahaasna waan wargelinay UNHCR iyo dawladda Soomaaliya si ay ugu diyar garoobaan.

S. Marka laga soo tago dadka iskood kuugu yimid, maxaa ka qorshe ah guud ahaan dibu celinta dadka?

J. Runtii muddo dheer ayey dadku xeryaha ku noolaayeen, duruufo badan ayaana ka soo maray,  noloshay ku jiraan hadda way adagtahay, waxaana jirta rajo deganaansho ah oo Soomaaliya ka socota, arrimahaas oo dhan ayaana hadda khasbaya inay dadka dib u noqdaan, waxana socda la tashiyo badan oo ah sida laga yeelayo mustaqbalkooda, welina baaritaankii iyo darasaddii waa socotaa marka la soo dhamaystiro ayaana go’aan la qaadan karo.

In hal mar la celiyo qaxootiga oo dhan suurto gal ma tahay?

Waxaa horta fiican in la derso dadka goobahay ka kala yimaadeen, iyo xirfadahay lahaayeen si noloshooda ay dib ugu bilaabaan sida beeralay ama kalluumaysato ama xoolo dhaqatao.

Kaararka aqoonsigii qaxootiga waa dhacsan yahay muddo hal sano ka badan arrintaas ma ogtihiin?

Dawladda Yemen ayaa shuruudo soo gudbisay kaasoo ah in qofka intaan sharciga loo cusboonaysin la marsiiyo imtixaan caafimaad si dadka loo ogaado, dadkiina dhaqaalo ma haystaan ay ku helaan baaris caafimaad, marka dadaal ayaan wadnaa dhowaana dawladdii Yemen way ka noqotay hawshii caafimaadka, hadda dhinacii dawladda iyo UNHCR inay soo dhamaatay ayaad moodaa, Octobarna in dib loo cusboonaysiiyo ayaan filaynaa.

Waxaan  sugaynaa hadda in guddiga qaxootiga qaranka Soomaaliya inuu yimaado Yemen dhowaan si ay u qorshayaan, ulana kulanmaan qaxootiga Soomaalida.

S. Qaxootigu aad bay ugu dhiban yihiin nolosha magaalooyinka, dagaalo ayaana hadda Sanca ka socda, arrimahaas sidee u sameyeen Soomaalida wadanka ku nool?

J. Runtii qaxootiga Yemen ku nool 85% waxay ku nool yihiin goboladda koonfurta Yemen, culays badan oo amaanna kama jiro hadda goboladaan, welwelka ugu weyni waa arrinta ka taagan Sanca, iyana waxaan filayaa inaysan xaaladda faraha ka sii baxi doonin.

S. Bishii August bilowgeedii ayaa wakaaladda wararka ee Yemenpress oo fadhigeedu yahay Sanca ay qortay maqaal ay ka soo xiganayso ciidamada booliiska sanca iyo dad shicib ah ay qabteen dad Soomaali ah oo ka barbar dagalamaya Xuutiyiinta, ayna lug leeyihiin dagaaladda socda, taas maxaad ka leedahay?

J. Ma jirto cid Soomaali ah oo ku lug leh dagaalka, dawladda iyo dhamaan qaybaha kale ee hirdanku u dhexeeyo oo na soo gaarsiisay ma jirto, cid hadda wax ku noqotay dagaladdana ma jirto, waana been abuur arrimahaas.

Previous Post

Sheekada Dahabo Ahmed iyo qaxii dagaallada

Next Post

Sheekada Jibriil Maxamed oo laba goor u tahriibay Sucuudiga

Related Posts

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo

September 3, 2026
Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo

August 28, 2026
Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

August 27, 2026
Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda

August 24, 2026
Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo

August 10, 2026
Mandheera: Qoysas ka soo kaban waayay fatahaad baabi’isay beerahooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluunka laga jillaabto webiga oo badbaado kumeel-gaar ah u ah beeralayda Baarsanguuni

August 6, 2026
Next Post
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Sheekada Jibriil Maxamed oo laba goor u tahriibay Sucuudiga

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 08-SEP-202

IDAACADDA 08-SEP-202 by Radio Ergo

IDAACADDA 08-SEP-202
Episode play icon
IDAACADDA 08-SEP-202
September 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-SEP-2026
September 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-SEP-2026
September 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-SEP-2026
September 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-SEP-2026
September 4, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo