Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Masiibooyinka

Cunto-yaraan ay keentay abaarta oo ka taagan gobolka Gedo

Radio Ergo by Radio Ergo
October 17, 2014
in Masiibooyinka
0
Cunto-yaraan ay keentay abaarta oo ka taagan gobolka Gedo
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Gudiga gurmadka abaaraha ee degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ayaa ka digaya xaaladda abaareed ee ka sii daraysa ee ka jirta deegaanno dhowr ah oo hoostaga degmadaas, oo sababtay dhimashada lix ruux inta la ogyahay.

Faarax Macalin Bishaar oo ah gudoomiyaha gudiga gurmadka abaaraha degmada Ceelwaaq  ayaa Ergo u sheegay inay ay jiraan dad badan oo la jiifa macaluul iyo nafaqo darro, deegaannada qaar oo aan ka samaynay biyo dhaamin waxaan ku soo aragnay dad la suuxsan oon iyo gaajo oo aan tabar lahayn, waliba waxaa deegaannada qaar ka jira cudurro”  Ayuu yiri.

Wuxuu intaa ku daray in ka  badan 20 deegaan oo hoos taga degmada Ceel-waaq ay ka sameeyeen biyo dhaamin walina ay wadaan, waxaana ka mid ah Faafax-dhuun, Gariley, Qurac-joome iyo kuwa kale.

Warbixin ay soo saartay hay’adda la socoshada haqab-beelka cuntada ee FEWSNET, ayaa lagu sheegay in xoolo dhaqatada iyo beeraleeyda waqooyiga gobolka Gedo ay saamayn xooggan ku yeesheen abaaraha iyo kulaylka oo sababay inay le’daan xoolo badan.

Cabdullaahi Khalaiif oo ah madax FEWSNET ee Soomaaliya ayaa Ergo u sheegay degaanka uu wakhtigaan ka jiro kulayl daran oo ka kormaray intii caadiga ahayd 4 degree, xoolo dhaqatadii haysatay xoolo u dhaqaaqi karaana ay  u guureen gobollada Baay iyo Jubooyinka si ay u heelaan jawi ka duwan kan ka jira deegaannadooda, nolsha dadku hadda waxay ku tiirsan tahay xoolaha oo aan la hayn iib qiimaha leh balse waxay ku nool yihiin dayn dayn ku gaar oo la rajaynayo marka uu roob da’o oo xooluhu daaqaan iibna yeeshaan inay iska bixiyaan daymaha.

Wuxuu sidoo kale sheegay inay jirto cabsi ah haddii roobku da’o in xooluhu dhamaadaan taasoo uu sabab uga dhigay cimilada oo isbadalaysa maadaama hadda uu jiro kulayl daran roobkuna uu keenayo qabaow.

Gudoomiyaha gudiga gurmadka Abaaraha Degmada Ceelwaaq ayaa sheegay in intii abaartu ka jirtay deegaannada hoostada degmada Ceel-waaq ee gobolka Gedo ay ku dhinteen ilaa lix qof oo la xaqiijiyey balse waxaan la soo koobin karin tirada xoolaha ku dhimatay abaarta oo ay ku cayroobeen qoysas aan la qiyaasin karin cadadkooda.

Salixi/MH

Previous Post

BEERALEYDA BUURDHUUBO OO AY KU ADAGTAHAY HELITAAN SHIDAAL AY KU QOTAAN BEERAHA

Next Post

SAYLADAHA XOOLAHA OO WAKHTIGAN U BADAN KUWO AYSAN XOOLO JOOGIN KADIB XILLIGII XAJKA

Related Posts

Jalalaqsi: Xoolo dhaqato-beeralay abaartu saamaysay oo nolol adag ku wahajaya xeryo ku yaalla magaalada
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Cunno xumo, biyo yari iyo hoy la’aan isku biirsaday qoysas soo maciin bidday xeryo ku yaalla Jowhar

January 8, 2026
Soomaaliland: Xoolo-dhaqato kireeya geel irmaan si ay cunno ugu helaan carruurtooda
Cunto-Yaraanta

Hargeysa: Nolol xumo soo wajahday qoysaska ka ganacsada caanaha geela saamaynta abaarta darteed

January 7, 2026
Cunno xumo iyo go’doon ka dhashay fatahaad uu gaystay webiga Shabeelle
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Cunno xumo iyo go’doon ka dhashay fatahaad uu gaystay webiga Shabeelle

November 5, 2025
Awdal: Daymo ay qaateen beeraleyda tuulada Ruqi oo sababay in ay xirmaan goobo ganacsi
Beeraha Iyo Xoolaha

Awdal: Daymo ay qaateen beeraleyda tuulada Ruqi oo sababay in ay xirmaan goobo ganacsi

April 25, 2025
Galgaduud: Nolol-xumo ka dhalatay daad barakiciyay qoysaskii ku noolaa tuulada Docolley
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Galgaduud: Nolol-xumo ka dhalatay daad barakiciyay qoysaskii ku noolaa tuulada Docolley

May 26, 2024
Dab kale oo burburiyay qayb ka mid ah suuqa Bakaaraha kaas oo sababay burbur dhaqaale
Arrimaha Bulshada

Dab kale oo burburiyay qayb ka mid ah suuqa Bakaaraha kaas oo sababay burbur dhaqaale

May 21, 2024
Next Post
SAYLADAHA XOOLAHA OO WAKHTIGAN U BADAN KUWO AYSAN XOOLO JOOGIN KADIB XILLIGII XAJKA

SAYLADAHA XOOLAHA OO WAKHTIGAN U BADAN KUWO AYSAN XOOLO JOOGIN KADIB XILLIGII XAJKA

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 18-APR-2026

IDAACADDA 18-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 18-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-APR-2026
April 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo