
Cabdullaahi Cabdiraxmaan Axmed oo ah agaasimaha hay’adda Hadma ayaa Ergo u sheegay in degmooyinka Qandala, Baran, Isku-shuban, Xaafuun iyo tulooyinka hoostaga iyo miyiga ee gobolka Bari ay ka jirto biyo la’aantii ugu xumayd oo dad iyo duunyo saamaysay, balse ma jiraan wax u dhintay meelaha qaar ayaa laga sameeyey biyo dhaamin laakiin ma ahan mid dabooleysa baahida biyaha ee ay dadku u baahan yihiin.
Dadku waxay biyaha ku keydsadaan baraagaha oo marka uu roobku da’o ay biyo galaan balse deegaannada qaarkood laba sano wax roob ah ma helin,waxaa jira baraago ay biyo ku hareen laakiin dadka oo isugu yimid awgeed ay fuuqsadeen, hadda xaaladda ugu daran waa biyo la’aanta oo ay ka dhalan karaan dhibaatooyin kale,Cabdullaahi ayaa yiri.
Waxaa kalo jira cunna yari haddii raashinka la helo waa qaali oo lama iibsan karo waayo xooluhu suuq maleh maaddaama dadku yihiin xoolo dhaqato, abaarta iyo biyo la’aanta ayaa sido kale ka jira gobolka.
Xaliimo Sacdiyo/FO









