Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Caafimaadka

KISMAAYO: KAAMKA BARAKACA BARAAWE OO CODSANAYA ADEEG CAAFIMAAD

admin by admin
September 1, 2014
in Caafimaadka
0
KISMAAYO: KAAMKA BARAKACA BARAAWE OO CODSANAYA ADEEG CAAFIMAAD

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Haweenka uurka leh ee ku jira xerada barakacayaasha Kaamka Baraawe ee magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose ayaa ka cabanaya duruufo caafimaad xumo oo haysta gaar ahaan xilliga dhalmada.

“Waxaan umuley 20 maalmood ka hor, aniga oo fooshay xilli habeen ah oo aan haysan umuliso qalabaysan, daawo iyo cid i caawisa toona, aniga oo aad u xanuusan ayaa la ii keeney goor danbe haweenay umuliso ah, balse aan wadan wax qalab ah ama daawo ah, oo iga dhalisay ma jiro gaari la igu qaado oo cisbitaalka la igu geeyo,” sidaa waxaa tiri Maryan Maxamed Ibraahim oo la hadashay raadiyow Ergo.

Ruqiyo Maxamed Axmed, waa horjoogaha Kaamka Baraawe, waxay sheegtay in xerada ay ku nool yihiin in ka badan sagaal boqol oo qoys( 900) oo isugu jira dan yar iyo barakacayaal, waxaana haysta duruufo nololeed oo aad u liita sida hoy la’aan, cunno la’aan, caafimaad xumo iyo waxbarasho la’aan ma jirto wax gargaar ah oo ay helaan ahaba yaraadee.

“Waxaan codsanaynaa in nalaga  caawiyo sidii aan ku heli lahayn adeeg caafimaad oo asaasi ah iyo na loo sameeyo xarunta hooyada iyo dhallaanka si loo badbaadiyo hooyada umulayso, hadda anigu ma helo cunto igu filan waxaan dareemaa in aan ahay daciif  tabar daran,waxaa jira hooyooyin badan oo uur ah oo ka welwelsan dhalmada,”  Maryan ayaa tiri.

Waxaa jira qoysas aan wax hoy ah lahayn oo kal hore dab ka kacay kaamka ay kaga gubteen guryo ka samaysnaa cooshado. Waxaa sdoo kale laga dayrinayaa xaaladda dadka barakacayaasha ah ee ku sugan kaamamka kale ee magaalada Kismaayo.

Maxamed Sahal Cumar/FO

Previous Post

AFAR CARRUUR AH OO GAAJO UGU DHINTAY GURCEEL

Next Post

Biyo-la’aan ka jirta degmooyinka gobolka Bari

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Umulisooyin daryeel iyo talooyin caafimaad u sameeya haweenka ku nool Dhadhaab

January 13, 2026
blank
Caafimaadka

Nolol xumo iyo daryeel la’aan isku biirsaday qoys ku nool Shabeellaha dhexe

December 1, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dayac iyo nolol xumo haysata dadka qaba xaaladda dhimirka ee ku nool Dhadhaab

November 3, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhibaato ka dhalatay xarumo caafimaad oo ka xirmay dad barakac ku ah Baydhabo

September 8, 2025
Adeeg la’aan caafimaad oo ka dhalatay 20 isbitaal oo ku xirmay colaadda Hiiraan
Caafimaadka

Adeeg la’aan caafimaad oo ka dhalatay 20 isbitaal oo ku xirmay colaadda Hiiraan

September 4, 2025
Shabeellaha Hoose: Haweenka ku jira xilliga foosha oo wajahaya gargaar la’aan caafimaad
Caafimaadka

Shabeellaha Hoose: Haweenka ku jira xilliga foosha oo wajahaya gargaar la’aan caafimaad

July 21, 2025
Next Post
Biyo-la’aan ka jirta degmooyinka gobolka Bari

Biyo-la'aan ka jirta degmooyinka gobolka Bari

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo