Macluul iyo cunto-yari baahsan oo ka jirta deegaannada koofurta iyo Bartamaha dalka ayaa kordhisay tirada carruurta ay nafaqa-darradu heyso ee xarumaha caafimaadka la keenayo. “Waxeynu aragnay astaamaha cagaaran ee nafaqa-darrada. Waa in aynan sugin ilaa inta casaan ay isu baddasho markaas oo ay dhici karto masiibo la mid ah tii 2011,” ayey tiri dhakhtarad Deeqo Aaden Maxamed oo madax ka ah isbitaalka Xaawo Cabdi ee duleedka Muqdisho ku yaal.
Isbitaalka oo adeegyo caafimaad oo lacag la’aan ah siiya dadka deegaannadooda kasoo barakacay iyo qoysaska danyarta ah ayaa maalin walba toddobaad walba qaabila soddon carruur ah oo ay nafaqo-darro ba’an heysato. Carruurtaas oo ay da’doodu u dhaxeyso lix bilood ilaa lix sano ayaa badidood laga keenaa gobollada Shabeellada Hoose, Bay iyo xeryaha dadka deegaannadooda kasoo barakacay ee duleedka Muqdisho ku yaal. Adeegyada caafimaad ee deegaannadaas ka jira aad bey u hooseeyaan.
“Horraan waxeynu qaabili jirnay toban ilaa labaatan carruur ah toddobaadkii. Haddase, tiradu si deg deg ah ayey u kordheysaa,” ayey tiri dhakhatarad Deeqo oo la hadashay weriye Raadiyoow Ergo ka tirsan. Dhaqtraddu waxay ka digtay in xaalka carruurta ay nafaqa-darradu heysato sii xumaan karo haddii aanan si deg deg ah wax looga qaban. Waxay ka digtay in dalku dib ugu noqon karo abaartii 2011-kii oo dad ka badan 250,000 qof ay ku dhinteen.
Xarunta carruurta ee Xaawo Cabdi oo qaabili karta 80 carruur ah ayaa carruurta nafaqa-darradu ay heyso siisa cunto nafaqeysan, caano iyo dawooyin. Laakiin maamulaha isbitaalka ayaa sheegtay in carruurta si deg deg ah isbitaalka looga saaro kolka ay soo kabsadaan, si daryeel loogu bilaabo carruurta kale ee markaa la keenay. Hey’adda Dhakhaatiirta Aan Xaduudda laheyn ee MSF ayaa quudin iyo daweyn u fidi jirtay carruurta nafaqa-darradu ay heyso, laakiin mashaariicda hey’adda ay ka wadday Soomaaliya oo dhan baa joogsaday sanadkii hore. Ma jirto hey’ad kale oo booskaas buuxisay.










