Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Barakacayaal xoog looga saarayo dhisamaha safaaraddii hore ingiriiska

Radio Ergo by Radio Ergo
June 3, 2014
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter
blank
Photo | Hooyo la taagan caruurteeda ardaaga aqalkooda oo ku yaal xero barakacayaal gudaha Baydhabo/sawir/keyd/Yusuf Keynan

Dadka deegaannadooda kasoo barakacay ee ku nool dhismaha safaaraddii hore ee Ingiriiska ayaa lagu qasbayaa inay si deg deg ah uga guuraan dhismaha. Dad sheeganaya lahaanshaha dhulka ayaa boqol iyo kontan qoys oo ku nool xerada ku wargeliyay in labaatan maalmood gudahood ay ku guuraan.

Qoysaskaas oo abaaro iyo colaado uga soo qaxay guryahoodii ayaa xerada ku noolaa labaatan iyo dhowrkii sano ee lasoo dhaafay.  Hooyo agoonley ah oo la yiraahdo Faadumo Aweys Cabdi ayaa weriye Raadiyoow Ergo ka tirsan u sheegtay in lagu amray in labaatan maalmood gudahood ay uga guuraan xerada haddii kale xoog looga saari doono.

“Nolosheenna oo dhan baan halkan ku nooleyn, mana heysanno meel kale oo aan aadno,” ayey tiri Faadumo. Dadka barakacayaasha ah ee xerada ku nool oo ay Faadumo ka mid tahay ma awoodaan inay guryo kireystaan maaddaama horey ay ula daalaadhacayeen nolol maalmeedka ubadkooda.

Kirada guryaha magaalada Muqdisho ayaa sare u kacayay wixii ka dambeeyay markii kooxda Shabaab laga saaray magaalada ku dhowaad saddex sano kahor. Qurba-joogta dib u noqoneysa ayaana kordhiyay baahiyaha guryaha loo qabo, taas oo keentay in boqollaal barakacayaal ah laga raro xerooyin ay ku noolaayeen oo ku yaal dhul dowlo iyo kuwo gaar loo leeyahay.

Si kastaba, Guddoomiyaha degmada Xamar jabab Axmed Cusmaan Dhoorre ayaa Raadiyoow Ergo u sheegay in sharci darro ay tahay in dhulkaa laga saaro barakacayaasha.“Dhulka safaaraddii hore ee Ingiriiska waa dhul dowlo, mana jirto qorshe barakacayaasha looga rarayo halkaa,” ayuu yiri Axmed oo Ergo la hadlay maanta oo Talaado ah. Guddoomiyuhu wuxu ku eedeeyay dadka sheeganaya lahaanshaha dhulkaas inay wataan warqado been abuur ah oo aan jirin, isaga oo xusay in maamulkiisu uu si deg deg ah wax uga qaban doono arrinka.

Previous Post

Carruur miino ay kula qaraxday Balanballe

Next Post

Saddex carruur ah oo macaluul ugu geeriyooday degmada Waajid

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku xarooday xeryaha Baardheere oo la il-daran nolol xumo ka dhalatay dhaqaale la’aan

March 27, 2026
Next Post
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Saddex carruur ah oo macaluul ugu geeriyooday degmada Waajid

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 19-APR-2026

IDAACADDA 19-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 19-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-APR-2026
April 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-APR-2026
April 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo