Deegaannada Puntland ayaa u diyaar garoobaya tijaabada biyo-xireenno lagu kaydin doono biyaha roobka, si looga boxo baahida dad badan u qabaan in ay helaan biyo nadiif ah.Ceelal dhaadheer oo la qoto si adagna lagu helo biyahooda ayaa dadka gobolladan u ah isha keliya ee ay biyaha asaasiga ka helaan u yihiin, waa sababta keenta in xilliyo badan ay dhacdo baahi baaxad leh oo dhanka biyaha ah sida xilliyada jiilaalka oo kale.
Qorshahan ayaa billowgiisa lagu soo bandhigay Garoowe maalintii biyaha adduunka oo ahayd 22 Maarso 2014, tijaabooyinka ugu horreeya ayaa lagu wadaa inay xilliga gu’ga innagu soo socda ka bilaabato dooxooyinka Nugaal iyo Dharoor, iyadoona sahanku yahay sidii loo ogaan lahaa goobaha ku habboon biyo xireennada, siduu radio Ergo u sheegay madaxa qorshaynta ee hay’adda maarraynta biyaha iyo tamarta Puntland ee PSAWEN, Mukhtaar Cabdirahman Axmed.
Bankiga horumarinta Afrika ayaa Puntland kala shaqayn doona dhismaha biyo-xireennada.
Cabdiraxmaan










