Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Cunto-Yaraanta

DURUUFAHA KU QASBA BEERALLEYDA YAR YAR INAY KA HARAAN HAWLAHA TACABKA

admin by admin
March 27, 2014
in Cunto-Yaraanta
0
DURUUFAHA KU QASBA BEERALLEYDA YAR YAR INAY KA HARAAN HAWLAHA TACABKA

Kaydka sawirrada/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter
blankIsbeddelka cimillada oo keenay in roobabku yaraadaan iyo duruufa kale ee maamul la’aantu ugu horrayso, qiimaha ku baxaya hawlaha beerashada ayaa keenay inay lumiyaan fursaddoodii  beeralleyda yar yar.
Deegaanka Boocame ee gobolka Sool, ayaa ilaa 80 beerood oo ahaa kuwo yar yar  ayaa la iska daayey in wax lagu beerto, markii ay beeralleydu ka bixi waayeen shidaalka matoorrada, iibsashada miraha beeraha, daawada loo isticmaalo cayayaanka iyo baahiyo kale oo jira.
Haweenka deegaanka ayaa u badan beeralleyda lumiyay fursaddoodii afartii sano ee ina dhaaftay, sida uu Ergo u sheegay Maxamuud Xasan Faarax, wakiilka Boocame ee wasaaradaha beeraha iyo deegaanka ee maamulka Puntland.
“Beeraha la iska daayey in lagu shaqaysto waxaa u wayn saddex hiktar iyo badh, waxaa sidaas u Ergo u sheegtay Farxiyo Faarax, oo ka mid ah dadkaas, dhalinyaro badan oo ku tiirsanaa nolosha beeraha ayaa shaqo la’aan ah deegaanka dhexdiisa”.
Axmed Muuse Yuusuf oo u dhaqdhaaqa horumarka dhalinyarada Boocame ayaa sheegay “Tani waxay sahashay in dhalinyaradu ay tahriibaan, in ay dhirta gubaan oo dhuxul ka samaystaan si ay wax ugala soo baxaan iyo in ay shaqo la’aan noqdaan oo gidaarrada fadhiistaan.”
Boocame waxaa ku yaalla ilaa 100 beerood oo si wanaagsan u shaqeeya, waa tiro aad u yar marka la eego afar sano ka hor oo deegaanku lahaa 180 beerood oo dalagyada ka soo go’a loo iib-geyn jiray magaalooyinka Laascaanood, Garoowe iyo meelo kale.
In kastoo deegaanku leeyahay biyo dhow oo si fudud lagu heli karo xilli kasta haddana waxaa jira dad aan awoodin in ay qotaan ceel ilaa 15 mitir oo dhulka hoose ah, si ay ula soo baxaan biyo ay ku waraabiyaan dalagyadooda, Farxiya Faarax ayaa qabta in biyuhu ay yihiin sababta niyad jabka leh.
Yaan-yada oo ah qudaarta ugu badan ee beeralleydu ku faa’iidaan dhinaca suuq geynta, waxay qarka u saaran tahay in la iska dhaafo beerashadeeda cudurro aysan beeralleydu aqoon oo ku dhacay darteed, Boocame ma helin taageero wanaagsan oo ka timid maamul iyo hay’ado si ay dadka uga caawiyaan aqoonta, dhiirri-gelin dhaqaale iyo mid farsamo intaba.
Cabdiraxmaan
Previous Post

Isbitaal laga furay tuulada ceelhuur ee mudug

Next Post

Mashaariic dhinaca biyo xireennada ah oo Puntland laga hirgelinayo

Related Posts

blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Dalag biyo la’aan awgeed u qalalay oo hubanti la’aan cunno biday beeraleyda Afgooye

September 7, 2026
Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo

September 3, 2026
Qiimo kororka shidaalka iyo canshuur dheeri ah oo nolol xumo galiyay danyarta Hargeysa
Cunto-Yaraanta

Qiimo kororka shidaalka iyo canshuur dheeri ah oo nolol xumo galiyay danyarta Hargeysa

September 1, 2026
Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

August 29, 2026
Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo

August 28, 2026
Hargaysa: Nolol xumo ka dhalatay shaqo joojin lagu sameeyay dad ku tiirsanaa sarifka lacagaha
Cunto-Yaraanta

Hargaysa: Nolol xumo ka dhalatay shaqo joojin lagu sameeyay dad ku tiirsanaa sarifka lacagaha

August 25, 2026
Next Post
Mashaariic dhinaca biyo xireennada ah oo Puntland laga hirgelinayo

Mashaariic dhinaca biyo xireennada ah oo Puntland laga hirgelinayo

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 10-SEP-2026

IDAACADDA 10-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 10-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-SEP-2026
September 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-SEP-202
September 9, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-SEP-202
September 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-SEP-2026
September 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-SEP-2026
September 6, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo