Xirmaysiga dhulka oo sanadihii dambe aad ugu soo korortay deegaanada Ximan iyo Xeeb ee bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa ka dhashay caqabado badan oo dhinaca deegaanka ah, taas oo ay ka mid yihiin inay cariiri galiso daqaa xoolaha, iyo in si qorshe la’aan ah loo dago dhulka ama khilaafaadyo qasaaro dhaliyaa ay ka yimaadan.
Magaalooyinka waawayn oo faafaya iyo tuulooyin cusub oo abuurmaya ayaa xumeeyay daaqa iyo soofka xoolaha oo ah isha dhaqaalaha ee xilligan dalka ugu wayn, taas oo loo arko inay dhibaato horseedi haddii aan wax laga qaban.
“Dhibaatooyin ayaan kala kulannaa dhulka la iska cabiranayo, barinii aad dag istiraaba dad ayaa sheeganaya inay leeyihiin” sidaas waxaa yiri Cabdullahi Maxamed Shidane oo ka mid ah xoolo dhaqatada deegaanka Qoryocaddo oo ku dhaw magaalada Cadaado.
Waxaa jira khilaafaadyo soo laalaabta oo ka yimaada dhulka la xirmaystay kuwaas oo sababa qasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawacba, maadaama dadka sheeganaya ay yar tahay kuwa dukominiyo ka haysta waaxaha dhul bixinta.
Jaamac Xuseen Soocade oo ah 55-jir ku nool Cadaado waxa uu gacanta midig kaga naafoobay dab la qabadsiiyay sabab la xiriirta isku qabsi dhul. Khilaafadyada ka yimadda dhulka sida qorsha la’aanta ah loo cabirtay waxay keentay in dacwadaha ku saabsan ay ku batan maxkamadaha sidaas waxaa inoo sheegay Sh. Maxamed Guuleed oo ah xoghayaha maxkamadda darajada 2aad ee Ximan iyo Xeeb.
Cilmi kulane Cali waa wasiirka xannaanada xoolaha iyo khayraadka ee Ximan iyo Xeeb, waxa uu raadiyaha Ego u sheegay inay ka baaraan dagayaan samaynta xeerar lagu dhawrayo dhuka daaqsinta ah ee xoolo dhaqashada ku wanaagsan , si looga hortago nabaadguur deegaanka ka dhaca.
“Waxaan doonaynaa dhawaan inaan soo saarno xeer lagu ilaalinayo dhul daaqsimeedka, kaas oo aan dadka u oggolaanaynin inay magaaleeyaan dhulkaas xooluhu daaqayaan, kaas oo dhawaan baarlamanka Ximan iyo Xeeb la horgayn doono wasaaradaha qaarkoodna aan la kaashanaynayo” sidaas ayuu yiri wasiirka xannaanada xoolaha Ximan iyo Xeeb Cilmi Kulane.
Horay ayaa waxaa dhulka miyiga ah muddo badan laga cabanayay dhirta dhuxusha laga shidayo oo deeaano badan xaalufisay, tanina waa arrin kale oo caqabad ku ah daaqa xoolaha.
Maxamuud C. Dirrshe/MRS









