Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Cunto-Yaraanta

BEERALLEYDA BAYDHABO OO KEYDSANAYA BADARKA USOO GO`AY

admin by admin
February 26, 2014
in Cunto-Yaraanta
0
XAALADDA BEERALLEYDA ROOBKA EE BAYDHABO OO XILLIGAN GOOSANAYA DALAGGII DAYRTA
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankBeeralleyda biyaha roobka wax ku beerta ee magaalada Baydhabo ayaa dalagyada ay sanadkna goosteen keydsanaya, oo bakaar ahaan u duugaya, iyagoo aan badankood tacabkooda suuqa u iib-geyneynin.

Cali Aadan Axmed oo 73 jir ah, kana mid ah beeralleyda Baydhabo ayaa  sheegay inuu godad shamiindo ah u qoday dalagyada meseggada iyo galleyda ee ay sanadkan goosteen, si ay ugu baxsadaan ayna ugu gaaraan fasalka kale.

“Waxa ugu horreeya ee aan qabanno marka dalagyada lasoo gooyo waxay tahay inaan duugno badarka, lagana dhigo (Bakaar), sababta waxay tahay inaan annaga quudanno, sababtoo ah meel kale waxba kama helno cuntadeennana waa waxaan tacbanno, marka haddii ay abaar dhacdo waan ku badbaadi karnaa, tan kale, tacabka xilliga Guga oo bisha April ku aaddan ayaan u diyaar garoobeynaa si aan abuur uga dhiganno dalagyadaan hadda goosannayo, iyo haddii aan suuqa geyno oo aan qiimo fiican ku helyenin,”

Axmed ayaa sheegay in tacabka ka galay beerta iyo qiimaha haddii ay suuqa geeyaan laga siinayo aysan is lahayn, “Yaanbo dheer ayaan ku falannaa beeraha, malaha Dibi aan ku falanno, makiinado ma heysanno, xooggeenna ayaan isticmaalnaa,” ayuu yiri.

Axmed ayaa leh beer cabbirkeedu yahay 200 hiktar, oo ay ku beeran yihiin meseggada, galleyda, digirta, sisinta iyo khudaar noocyo kala duwan, wuxuu aaminsan yahay in haddii beertiisa uu u heli lahaa xoog fiican, khudaarta kasoo go`da ay anfici lahayd dhammaan magaalada Baydhabo, oo aan khudaar looga baahnaan lahayn meel kale.

“Mar baan isku dayay qodidda ceel-biyood, biyaha roobka oo nagu yaraa darteed, ceelkii markaan 20 mitir gaarsiiyay wuu dumay oo xoog baan u waayay, waan iska daayay kadib. Qof keligiis waxba ma qaban karo, hadduusan heysan qalabka beeraha.” Axmed ayaa sidaa yiri.

Malayka Cabdi oo ayadana beeralley ah, waxaa usoo go`ay galley, meseggo iyo sisin, waxay sheegtay in sanadkan ay goosatay dalag aad u wanaagsan ayna aad ugu faraxsan tahay, balse sida Axmed oo kale ma dooneyso in dalaggeeda ay suuqa u iib-geyso, sidoo kale ayay iyadana keydsatay.

“Badarka markaad keydsato faa`iido badan ayaa ku jirta, lacag waxba ma tareyso ee badarka xooggaaga ah ayaa ku anfacaya. Tusaale ahaan, abaartii sanadkii 2011kii ka dhacday gobolka, dadku waxay cunaan bey waayeen, taasoo kale ma aha inay markale dhacdo,” ayay tiri Malayka.

Malayka iyo Axmed ayaa ka codsanaya hay`adaha gargaarka inay caawinaad u fidiyaan beeralleyda Baydhabo, si ay u horumariyaan beerahooda.

Muxyaddiin Xasan Maxamed/FM

Previous Post

Dhibaatada dhul-xirmeysiga ee Ximan iyo Xeeb

Next Post

DAAWADA OO GABAABSI KA AH ISBITAALKA BALADWEYNE

Related Posts

Sanaag: Nolol xumo ka dhalatay dab baabi’iyay tuulada Milxo
Cunto-Yaraanta

Dab qasaare gaystay oo saamayn ku yeeshay boqollaal qoys oo ku nool Hargaysa

October 2, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Roob la’aan qalajisay beeraha oo barakicisay 300 qoys oo maciin biday Afgooye

September 30, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Afar boqol oo macalin oo shaqo la’aan noqday, markii ay xirmeen iskuullo ku yaalla Garowe

September 25, 2026
Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda
Cunto-Yaraanta

Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda

September 22, 2026
In kabadan 20,000 oo qoys oo saf u gala ceel sii guraya oo Buurxakaba u jira 8 km
Cunto-Yaraanta

In kabadan 20,000 oo qoys oo saf u gala ceel sii guraya oo Buurxakaba u jira 8 km

September 21, 2026
Duurjoog gaajaysan oo qasaare gaarsiiyay dalagyada beeraleyda Togdheer
Beeraha Iyo Xoolaha

Duurjoog gaajaysan oo qasaare gaarsiiyay dalagyada beeraleyda Togdheer

September 15, 2026
Next Post
DAAWADA OO GABAABSI KA AH ISBITAALKA BALADWEYNE

DAAWADA OO GABAABSI KA AH ISBITAALKA BALADWEYNE

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 02-OCT-2026

IDAACADDA 02-OCT-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 02-OCT-2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-OCT-2026
October 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-OCT-2026
October 1, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 30-SEP-2026
September 30, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 29-SEP-2026
September 29, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 28-SEP-2026
September 28, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo