Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Barakac xoog leh oo ka socda Xudur iyo Bakool

Radio Ergo by Radio Ergo
February 18, 2014
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankKadib markii dhowaan ciidamada dowladda Itoobiya ay si toos ah ay uga mid noqdeen howl-galka Midowga Afrika ee AMISOM islamarkaana ay soo buux dhaafiyeen deegaano ka tirsan goballada Bay iyo Bakool ee koonfurta Soomaaliya ayaa waxaa barakac xooggan ka bilowdey deegaanno ka tirsan gobalka Bakool.

Goobaha ugu badan ee xiisadaha colaadeed ee u dhaxeeyay ciidamada dowlada Soomaaliya, kuwa Itoobiya iyo Shabaab ay kasoo cusboonaadeen ayaa waxaa ka  mid ah oo barakaca uu ka socdo degmada xuddur ee xarunta u ah gobalkaasi Bakool, Waajid iyo deegaanno kale.

Maxamed Yuusuf Xasan waxaa uu ka mid yahay dad fara ku tiris ah oo hada ku harsan degmada Xuddur oo barakaca uu ka socdey labadii maalin ee la soo dhaafey, waxaa uu u sheegay raadiyaha Ergo isagoo degmadaasi jooga oo aan khadka taleefonka kula xariirey in magaalada badankeeda ay haawaneyso oo qoysaskii degganaa ay u kala firxadeen meelo kala duwan oo gobalkaasi ka mid ah, waxaana uu ii sheegay in barakaca uu keenay laba arrin mid u horreysa ay tahay Shabaab oo ku amrey dadka deegaankaasi iney magaalada ka baxaan maadama ay sheegeen in magaalada cadow uu kusoo wajahan yahay iyo dadka oo markii horeba dhegaha u taagayey xiisadaha gobalka maadama colaad laga baqayo.

“Waxaan joogaa degmada Xuddur, walaal meeshan waxaa ka socda barakac aad u weyn waxaana uu socdey barakacan saddaxdii maalin ee la soo dhaafay, qaar dadkii halkaan ka cararay waxaa ay gaareen, Waajid, Tiyeeglow iyo deegannada ku dhow dhow degmada xuddur, dadkana waxaa ay ku guurayaan gaari, qaar kalena waxaa ay ku guurayaan oo alaabtooda ku rarateen gaari dameerro, qaarna lugahooda ayay maalayaan sababta barakaca magaaladana waxaa ay tahay amar Shabaabka ay kusoo rugeen dadka deegaanka iyo xiisad dagaal oo la dareemayo”ayuu yiri goob jooge ku sugan degmada xuddur oo aan la xariirey.

Waxaa ii suura gashey in aan la hadlo mid ka mid ah dadkii ka cararay degmada xuddur oo gaarey degmad Waajid oo Xuddur u jirta 90km, oo la yiraahdo Cabdullaahi xasan xuseen  oo Ergo u sheegay in qoyskiisa oo ka koobnaa sagaal ruux ay degmada Xuddur kasoo baxeen iyagoo wata gaari dameer oo qaar ka mid ah alaabtii ay kusoo rarteen islamarkaana sida uu ii sheegay muddo saddax maalina ah wadadaasi ku sucdeen,iyadoo waliba xawaaraha kuleylka deegaannada ay ku safrayeen uu aad u kululaa.

“Waxaan ka barakacney degmada Xuddur saddax maalin ayaa waddada ku soo jirney, dhibaato weyn ayaa nagu dhacdey, waxaa ila socda sagaal qof kale oo qoyskeyga ah, sababta aan uga soo cararney waa amarka Shabaab, waa cabsaney alaabteena qaar waa kasoo tagney, marka dhibaato ayaa na soo gaartey, degmada Waajid aan soo gaarney cid nooga soo horreyso ma lahan”ayuu yiri Cabdullaahi.

Arrinta kale ee walwalka ay ka qabaan dadka ka tagey degmada Xuddur ee gaaraya meelaha kale ee Bakoolna waxaa maamula Shabaab, deegaannadaas xitaa waxaa la soo sheegayaa iney xiisado dagaal ay ka taagan yihiin.

Maamulka degmada Baydhabo ayaa markii ugu horreysay ka warramay barakac xooggan oo kasoo cusboonadey Bakool waxaa uu ugu baaqey shacabka Baydhabo ku dhaqan iney u diyaar garoobaan, qoysaska qaar ee gobalkaasi kasoo tagay ee ku soo wajahan Baydhabo sidii gurudmad dhankasta leh loogu sameyn lahaa. Sandheere Maxamed Iftiin oo ah guddoomiyaha arrimaha bulshada ee degmada Baydhabo ayaa isagunasheegay in qaar ka mid ah qoysaska gobalkaasi ka yimid ay soo gaareen Baydhabo.

Muxidiin Xasan maxamed/MRS

Previous Post

Isbitaalka haweenka dhimirka la’a ee Gaalkacyo oo xirmi raba

Next Post

Weriyeyaal u soo warrama raadiyo ERGO oo helay abaalmarin

Related Posts

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

April 21, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
Next Post
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Weriyeyaal u soo warrama raadiyo ERGO oo helay abaalmarin

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 21-APR-2026

IDAACADDA 21-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 21-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-APR-2026
April 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-APR-2026
April 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-APR-2026
April 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-APR-2026
April 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo