Xarunta haweenka dhimirka la’a ee Gaalkacyo ayaa qarka u saaran iney dhaqaale iyo daawo la’aan u xiranto kadib markii lacago tabarrucaad ah oo ay bixin-jireen dadka deegaanka, ganacsato iyo qurbo-joog hakad-galeen. Isbitaalka waxaa iminka ku sugan 25 haween ah, iyadoo ay 500 oo kalena oo bukaan socod ah ka qaataan dawooyin lacag la`aank ah sida ay sheegtay Hani Cabdikariim Xuseen oo madax ka ah xarunta.
“Bukaanada dhimirka la’ qaarkood waxaa noo keneay qoysaskooda oo danyar ah,” ayey tiri Hani oo la hadashay weriye Ergo ka tirsan oo Gaalkacyo jooga. Qaar ka mid ah haweenka xarunta lagu xannaaneeyo waxaa laga soo kaxeeyay waddooyinka magaalada. “Waxaan siinaa hoy, cunto iyo dawo lacag la’aan ah,” ayey tiri Hani.
Rag dhimirka la’a ayaa sidoo kale xarunta ka qaata daawooyin lacag la’aan ah. Xarunta daryeelka haweenka dhimirka la’ ayaa shaqeyneysa muddo saddex sanno ah, iyadoo wax taageero dhaqaale ah ka helin maamulka Puntland iyo hey’adaha gargaarka.
Agaasimaha Xaruntaas Hani Cabdikariim Xuseen ayaa ka codsatay maamulka deegaanka, ganacsatada iyo Soomaalida qurbo-joogta ah in ay xarunta ku caawiyaan siddii ay u caawin laheyn haweenka iyo hablaha dhimirka la’a ee ku nool gobolka Mudug.
Burhan/MRS









