Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Xaaladda barakacayaasha loo rararay duleedka Hargeysa

Radio Ergo by Radio Ergo
January 8, 2014
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter
blankXerada Barakacayaasha  ee Digaale oo qiyaas ahaan  4 Km dhanka koonfur  bari ka xigta magaalada Hargeysa, xarun cusub oo la dejiyey 700 qoys  oo dhamaantood laga soo raray  xerada  barkacayaasha Maxamed Mooge, goobtan oo marka loo socdo dhanka bari looga leexanayo jidka taga  gegida diyaaradaha ee Hargeysa, iyadoo la siimaraayo  jid raf ah oo dhagaxaan iyo tag taag kala duwan leh, ayaad markaad u sii socoto waxaaa   meel fog ka muuqanayaan guryo safan oo dhamaantood  ah sandaqado isla wada eg, waxaana sandaqad kasta horyaala  taangi kuwa biyaha lagu dhaamiyo ah,  labadii sanndaqadood ee is ku xigana waxaa ka dhexeeya  Musqul.
Dadka ku nool xeradan oo hada  qaarkood laba bilood ay deganaayeen, ayaa ah dad u badan dumar iyo carruur, Amina Cabdilaahi oo ka mid ah dadkii ugu horeeyey ee loo soo raray xeradan oo Ergo u waramaysa ayaa sheegtay  ” Waxaan kuu sheegayaa in aanu  nimcata Rabi ku jirno, halkii aanu kasoo guurnay waxay ahayd  meelaan lagaba sheekayn karin,  waxaana nalasiiyey gurigan aan hor taaganahay (Sandaqad hal qol ah) ‘saabuuntii dharka iyo taangigan biyaha, markii hore waxaanu kasoo guurnay meelaan lagaba sheekayn karin siday noloshu noogu adkayd,  waayo buul cidhiidhi ah  oo aanan wax  cunto ah ku haysanin ayaan ku noolayn, balse hadda baro iyo bayd hanti ah ayaan leenahay  “ ayey tiri Amina oo ka mid ah barakacaasha loo raray xeradani Digaale oo ku taal dhul ay dawladu sigaara u leedahay
Inkastoo ay  dadka badankoodu soo dhaweynayaan  halkan cusub ee loo  raray,  hadana waxay  sheeganayaan tabashooyin ay u qabaan baahiyaha aasaasiga ah, oo ay ka mid tahay  dugsiyo waxbarasho iyo jid ay u soo maraan magaalada,waxayna taasi  keentay in dad markii hore ka xoogsan jiray  suuqa Hargeysa ay  hada iska dhex joogaan xeradaasi. Xeradan waxay leedahay isbitaal kooban oo jiingad ah,taasi  iyada oo dadka caafimaadka aqoonta u lehna ay sheegeen in aan dawooyinka la dhigin  meelaha cadceedu kasoo gaadhayso.
Madaama aysan xeradani lahayn meel wax laga barto  ayaa  Sahra Cabdi oo iyadu ka mid ah hooyooyinka ku dhaqan xeradaasi sheegtay in intaan la soo rarin ay  ubadkeedu qaar wax u baran jireen,  taasi oo keentay in ay  kaga timaado hoygii hore ee ay  ka deganaayeen xeradii Maxamed Mooge si ay waxbarashada u sii wadaan  ”Wali ma dhammin waayo ubadkii qayb ayaan kaga imi magaaladii  inkastoo aan rajo kaqabo in  halkan nalooga dhisi doono dugsi wax barasho ” ayey tidhi Sahra oo la hadashay Radio Ergo.
Koronto ayaa ka shidan xeradaan, waana mid gaar loo leeyahay, waxaana isticmaala dad kooban oo iyagu dhaqaale ahaan u awooda, waxaa kaloo jira dad isticmaala korantada qoraxda laga dhaliyo oo qaar ka mid ah hay’adduhu ka hirgeliyeen xerada, arrimahaan ayaana qayb ka ah waxyaalaha nolosha dadkaan kor u soo qaaday.
Axmed Cabdi oo ah guddoomiyaha  xeradan  Digaale  ayaa xusay  baahi mudnayd intii aan dadkan la soo rarin ay ka fikiraan  dawlada Somaliland iyo hayadihii  fulinaayey   deegaamaynta xeradani ” Waxa weeye marka la raraayo barakacayaal in laga sii fekero waxay dadkani cuni lahaayeen ilaa 2 bilood  “ ayuu yidhi  guddoomiyaha  Xeradan Digaale oo isna ka mid ah dadkii laga soo raray  Maxamed Mooge.
Caasha waa  haweenay  9 carruur ah iyo saygeeda kula nool xeradani ayaa iyadu qabta cabsho kale oo dhinaca hoyga ah “ Naguma filna gurigan nala siiyey, waayo sagaal carruur ah iyo aabahood iyo waliba aniga ayaanu nahay,  markaa waa nagu cidhiidhi, waxaana nagu filaan kara  ilaa saddex qol “ ayey tidhi Caasha
Cumar Maxamed oo ah masuul ay wasaarada dib u dejintu u xilsaartay   xeradan ayaan hor dhigay  waxyaabaha uga qorshaysan  cabashoooyinkaasi ”waxbadan ayaan macquul noqon karin, waayo dadkii iyagu wali waa geedi  laakiin marka caadi loo dego, dawlada ayaa ku qasban in  xilkooda qaado oo ay ka masuul noqoto,  mana muuqato in hada wax kale dadkan loogu daraayo, waayo kuwii kale ayaan wali lasoo rarin oo hawshu ma dhama, waxaana kuwaasi hadda loo sii diyaarinayaa guryihii ay degi lahaayeen”
Iyada oo  uu masuulkani ii sheegay in  wasaarada  dib u dejinta iyo  hay’ado ay ka mid tahay NRC , DRC iyo xafiiska xiriiriya arrimaha bani’aadanimo ee OCHA ay u qorshaysantahay  qosaska  ku nool xeradan la gaadhsiiyo  ilaa sagaal kun (5000)  lagana dabakeeno  qayb  ka mid ah  qosas ku hadhay xerada Maxamed Mooge ayaa dadkani  waxay  sheegeen in ay sidoo kale baahiyahooda ugu waaweyn  ee ay  qabaan ay ka mid tahay,  helitaanka jid ay u soo maraan Hargeysa,  waxaaana  waqti aan boooqday xeradan dadku wel-wel weyn ka qabeen sidii cisbitaal loo gadhsiin lahaa haweenay markaasi foolanaysay.
Weriye Cumar Cali Xuseen Seerbiya oo isagu warbixintaan ka soo diyaariyey xeradda oo uu booqday ayaa sheegay in aysan lahayn goob suuq ah oo dadku ka adeegtaan, haddana wax laga iibsado dukaamo yar yar oo laga dhex furay guryaha, sidoo kalena ma lahan gaadiid dadweyne oo ku xira xerada magaladda, xeradaan ayaa ka mid ah  ilaa iyo lix  xero oo ay ku nool yihiin  qoysas dan yar ahi  magaalada Hargesa .
Cumar Serbiya/MH
Previous Post

Labo qof oo webiga ku haraqmay

Next Post

WARAYSI KUSAABSAN HELITAANKA MAADADA BIRTA (IRON) EE DHIIGA DHISTA

Related Posts

Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye

July 7, 2026
Colaad nolol xumo galisay kumanaan qoys oo ku barakacay Shabeellaha hoose
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Colaad nolol xumo galisay kumanaan qoys oo ku barakacay Shabeellaha hoose

July 2, 2026
Qoysas markii labaad barakacay sanadkan oo Jubbada hoose ku wajaha xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas markii labaad barakacay sanadkan oo Jubbada hoose ku wajaha xaalad nolol xumo

June 24, 2026
Dhadhaab: Haween ka soo kabtay ganacsiyo ka burburay markii la siiyay lacag amaah ah
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Haween ka soo kabtay ganacsiyo ka burburay markii la siiyay lacag amaah ah

June 19, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qiimo la’aanta ku dhacday lacagta dalka oo wiiqday rajada ganacsatada Baydhabo

June 18, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku nool Dhuusomareeb oo nolol xumo haysay uga baxay ka ganacsiga birta duugga ah

June 15, 2026
Next Post
WARAYSI KUSAABSAN HELITAANKA MAADADA BIRTA (IRON) EE DHIIGA DHISTA

WARAYSI KUSAABSAN HELITAANKA MAADADA BIRTA (IRON) EE DHIIGA DHISTA

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 09-JUL-2026

IDAACADDA 09-JUL-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 09-JUL-2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-JUL-2026
July 9, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-JUL-2026
July 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-JUL-2026
July 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-JUL-2026
July 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-JUL-2026
July 5, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo