Dadka Jowhar oo ku guulaystay shan bilood kadib inay xiraan buqdii webigu ka fatahayey iyadoo mudo ku dhawaad shan bilood ay ku jiraan biayaha wabiga Shabeele qeybo ka mid ah tuulooyinka ku xeeran Jowhar ayaa lagu guuleystay xiritaaanka buqda Baarreey oo ahayd meeshii ugu weyneyd ee buqdu ay ka fakatay.Waxaa haatan dadka ay bilaabeen inaay soo eegaan heerka biyaha ee beerahooda halka kuwa aysan biyaha saameeynta ku yeelan ee dagaalada barakiciyeen ay joogaan garoonka diyaaradaha ee duleedka jowhar kuwa qaarna ay ku sugan yihiin xerooyinka barkacayaasha iyo isla magaalada jowhar waxayna isagu jiraan kuwa ay barakiciyeen biyo iyo colaado.
Tan iyo sadex iyo 13 Agoosto 2013ka toban kun oo qoys ayaa ku barakacay fatahaadaha uu sameeyay wabiga shabeele kana sameeyay tuulooyin dhowr ah iyo tiro dad ah sida uu Ergo u sheegay guddoomiyaha degmada Jowhar Maxamed Amiin Cismaan Xaaji, iyadoona dadkaani faaruqiyeen sodan iyo sadax tuulo.
Waxaana rajo laga qabaa inay yaraadaan biyaha fatahadaha wabiga Shabeele maadaama la xiray buqdii ugu weyneyd ayna tahay xilli jiilaal ah iyadoo ay ku guuleeysteen gudigii loo saaray xiritaanka buqda iyo hey`adda ICRC Muuse Bariis Xayoow waa mid ka mid ah odoyaasha loo idmay kormeedida howsha waxa uuna sheegay in mudo saddex jeer ay ku guul darreysteen xiritaanka buqda hadase lgu guuleystay.
Guddoomiyha maamulka degmada Jowhar oo markale lasoo xiriiray xafiiska ay radiyow ergo ku leedahay jowhar ayaa ugu baaqay gudoomiyayaasha tuulooyinka wabiga jiinjiisa ay inaay xil iska saaraan oo aysan dhicin wixii ka dhacay tuulada baareey cidii ay kusoo cadaato arimahaasna sharciga lala tiigsan doono ayna xiraan faraha marka ay beerahooda kusoo waraabsadaan.
Iyadoo ay goob jog ka ahaayeen maamulka heer gobal iyo heer degmo qaar ka mid ah odoyaasha, guddomiyayaasha tuulooyinka ku dhaw Baarrey iyo guddiga maareynta masiibooyinka gobolka ayaa waxaa la sheegay cid Alla iyo cida aragta meel fakaneysa ama dad ay waxyeeleeynayaan in lasoo gaarsiiyo gudiga loo xilsaaray arimaha buqda.
Waxaana haatan ay bilaabeen qaar ka mid ah beeraleeyda ay beerahooda biyaha ka baxeen inaay abuuraan maadaama biyaha ay ahaayeen kuwa gaaray meelo aysan horey ugaari jirin oo burcooyin meelo doomo ahaa waxayna wali ku jiraan tuulooyin badan iyadsoo rajada biyahana laga qabo ay soo hagaageyso.
Maryan/MRS/MH











