Wasaaradda Caafimaadka Puntland, hay’adda, taranka iyo tirakoobka Qaramadda Midoobay ee UNFPA iyo xarunta caafimaadka Gaalkacayo ee GMC ayaa waxay iska kaashanayaan barnaamij lagu ciribtirayo isku furanka dumarka xilliga foosha, gaar ahaan kuwa ku fooosha meelaha aan lahayn adeegga caafimaadka.
Dumarka qalliinka lagu sameeyo ayaa inta ay isbitaalka jiifaan waxay helayaan adeeg lacag la’aan ah iyo cunto, biyo iyo nafaqo iyo marka ay bogsadaan in kharashka laga baxsho kuwa meelaha fog ka yimid, sidoo kalena la siiyo kharash ay ku arad tirtaan si ay guryahoodii ugu tagaan caafimaad iyo farxad.
Dr. Cabdulqaadir Maxamud Jaamac (Dr. dhagacade) oo ah madaxa isbitaalka GMC oo ah takhtarka fulinaya adeeggan ayaa raadiyo Ergo u sheegay inuu haween badan oo qaba dhibaatada iskufuranka u sameeyey qalliinno iyo daaweynba wuxuuna yiri “Haweenka aan sanadka 2013ka u sameeyey waxay yihin tiradoodu 60, hadda waxa jooga isbitaalka oo jiifa 23 haweena oo qaba isufuranka oo loo sameeyey qaliinno, kuwo kalana waxan samaynayaa maalmahaan waana lacag la’aan, waxana ugu baaqaya haweenka qaba dhibaatada iskufuranka inay yimaadaan isbitaalka GMC ee Gaalkacyo”
Siciido Cabdi oo ka timad magaalada Boosaso oo ah hooyo uu ku dhacay xanuunka iskufuranka ayaa qaliin lacag la’aanah loogu sameeyey isbitaalka GMC waxayna idaacadda Ergo u sheegatay sidii ay dhibaatadasi ugu dhacaday “
“Ilmaan dhalay markii uu nabarkaani igu dhacay siddeed sano kahor, ilmo dabena ma dhalin kadib, waxaanna ogaaday in xanuunkaani khatar yahay, halkaanaan imid waa lay soo dhaweyey, qalliin baa laygu sameeyey, haddana waxan dareemayaa caafimad, awalana xataa raggii baa naga carraray dhibaato awgeed”
Shugri Shire oo ka timid miyiga Shiilaabo ee dawlad deegaanka Soomaaliyeed Itoobiya oo loo sameeyey qalliin lacag la’aan ah ayaa Ergo u sheegtay inay xanuunka iskufuranka ay la ildaranayd mudo toodobo sano, sedex jeer oo horana loo sameeyey qalliin lakiin aysan dhibtii deyn hase ahaatee ay maanta dareemayso caafimaad.
” Toddobo sanadood baan qabay xanuunka iskufuranka waxan ku fooshay xilligaas meel miyi ah, waxaan foolanayey 12 saacadood, kadibna waxa igu dhacay xanuunkas iskufuranka maanta waxan dareemayaa inaan soo hagaagayo”
Hibaaq C/risaaq oo katimid tuulada Bursaalax oo katirsan degmada Galdogob ayaa iyana Ergo u sheegtay in qalliin loo sameeyey ayna qabto rajo wanaagsan.
Dr. Dhegacadde ayaa sheegay in dhibka ugu darani yahay xanuunka oo haweenka uu ku dhacay iyo dadka ehelka u ahiba aysan fahamsanayn, aysanna ka taxadarin, tan kale qoyska haweenta uu ku dhacay xanuunka ayaa iyana ku takoora tanoo sii disha niyadda bukaanka, takhtarka ayaana kula taliyey in dhamaan haweenka qaba isufuranka la keeno xarumaha caafimaadka si ay u helaan daaweyn, iyo in ragga qaba haweenka xanuunku ku dhacay ay garab istaagaan xilligaan adag oo aysan ku takoorin.
Burhan Cadeysay/MH/MRS









