
Cali Maxamuud Cali oo ka mid ah odayaasha dhaqanka iyo beeraleyda gobolka ayaa raadiyo Ergo u sheegay in jarista iyo dhuxuleynta dhirta ay aad ugu soo kordhayso deegaanno ka tirsan gobolka Gedo.
Cali Maxamuud Cali ayaa xusay in deegaannada Faafaxdhuun, Sidimo, Daar, Juungal, Kuraawe, Kotey, Qalaaliyow iyo Beerbadan oo ka tirsan Gedo ay ka socoto xaalufinta ugu balaaran ee dhirta iyo dhuxul-gubida.
“ Dhulkaas wuxuu isu badalay dhul banaan oo geed gaaban oo keli ah kusoo haray,” sidaas waxaa yiri Cali.
Dadka dhuxusha gubaya ayaa u badan kooxo dhallinyaro reer guuraa ah oo shaqo la’aan haysta, kuwaas oo doonaya inay deegaanno kale iyo dibadda u suuq-geeyaan dhuxusha si ay nolol maalmoodkooda uga helaan.
Aadan Warsame oo isna ka mid ah odayaasha dhaqanka iyo xoolo-dhaqatada gobolka ayaa sheegay in baahiyo iyo dalab dhuxuleedka kordhaya ee dalka Kenya oo gobolka xuduud la wadaago ay qeyb weyn ka qaadatay xaalufinta iyo dhuxuleynta dhirta.
Aadan wuxuu sheegay in dhuxusha laga isticmaalo gobolka Waqooyi Barri iyo deegaanno kale oo Kenya ka tirsan ba laga gubo gudaha gobolka Gedo kadibna halkaas loo dhooffiyo. Aadan wuxuu intaa ku daray in Kenya aysan ogoleen dhuxul laga gooyo gudaha dalkeeda.
Dadka ku nool gobolka Gedo waxa ay u badan yihiin xoolo dhaqato iyo beeraleey, waxa ayna ku tiirsan yihiin dhirta deegaanka.
Odayaasha dhaqanka waxay ka digayaaan in haddii aan la helin xal deg deg ah oo lagu joojiyo xaalufinta deegaanka in gobolka oo dhan nabaad-guuro oo xoolaha loo waayo daaq iyo biyo.
“Balad-xaawo ilaa Tubaalo-badan dhexdooda wax geed ah oo ku haray ma leh,” ayuu yiri Aadan Warsame.
Weriyaha raadiyo Ergo ee gobolka Gedo wuxuu soo sheegayaa in dhuxulaynta dhirta oo labaatankii sano ee lasoo dhaafay ka socotay gobolka Galguduud ay hoos u dhigtay daaqa iyo roobka xoolahu ka heli karaan deegaanka, dhul kaymo ah oo dhirta iyo daaqsinka ku caan ahaa ayaa dhirtii oo dhan laga gubay oo saxaro banaan isu badalay.
Omar Saalixi/MR/MRS









