Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Waxbarashada

60 KA MID AH ARDAYDA BARAKACAYAASHA GAROOWE OO HELAY WAXBARAHO DUGSI DHEXE OO LACAG LA’AAN AH

Radio Ergo by Radio Ergo
September 16, 2013
in Waxbarashada
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter
blank
Photo | Dugsiga Kulan waxaa sidookale wax ku barta dadka waaweyn/Sawir/Cabdiraxmaan/Ergo

Dugsiga Kulan IDPs wuxuu ugu weyn yahay goobo waxbarasho lacag la’aan ah laga helo oo ku yaalla meel ku dhow xeryaha dadka barakacayaasha ee Garoowe, waxaana markii ugu horreysay bishaan ka qalin-jebiyey 60 arday oo isugu jira carruurta iyo dadka waaweyn ee danyarta ah, kuwaasoo u gudbay waxbarashada dugsiyada dhexe iyo kuwa farsamada gacanta.

Tirada carruurta barakacayaasha aada iskuulada oo kordhay

Dugsiga hoose dhexe ee Kulan, waa dugsi ku yaal Garoowe, waxaana dhigta carruurta ka yimaada dadka barakacayaasha iyo kuwa qoysaska danyarta ka soo jeeda, maamulaha dugsiga Kulan Zam zam Maxamed Jaamac oo la hadashay Raadiyow Ergo ayaa tiri “2008 ayaa dugsigan la furay, wuxuu qaataa maaddooyinka manhajka dowliga ah ee wasaaradda waxbarashada, ujeeddada loo furay waa in lagu dhiirri-geliyo dadka danyarta ah, iyo kuwa barakacayaasha ah si kor loogu so qaado waxbarashadooda, haatan waxaa markii ugu horreysay ka gudbay 60 arday.”

Ardayda u gudbay dugsiyada dhexe kana baxay iskuulka Kulan IDPs ayaa isugu jira 34 gabdho ah iyo 26 wiil, kuwaas oo helaya waxbarasho lacag la’aan ah in kastoo ay ku qaadan doonaan dugsiyada dhexe iyo goobaha waxbarashada farsamada ee gudaha magaalada ku yaalla.

“Wax badan baa halkan ku barannay, weliba sida wax loo qoro iyo xisaabta, imtixaankii dhowaan ayaan ku guulaysannay hadda waxaa nala-geeyey fasalka shanaad ee dugsiga dhexe, haa weli lacag la’aan ayaan ku dhiganaa iskuulka aan joogno” ayuu yiri Axmed Jaamac oo ah 11 sano jir ka mid ah ardayda u gudbay dugsiga dhexe.

Maamulka dugsiga waxay sheegtay in qaar ka mid ah ardaydaas aysan geli karin dugsiyada dhexe da’dooda waaweyn, balse waxay xustay in ay waxbarasho lacag la’aan ah ku qaadan doonaan dugsiyada farsamada gacanta ee wasaaaradda meel-geliso.

“Dugsiga waxaa dhigan jiray 333 arday, way kordheen oo haatan waa 381 arday, waxay ku jiraan dhamaan fasallada afarta ah ee dugsigu ka kooban yahay, 240 ayaa ah gabdho inta badan dugsigan waxaa ka faa’iideystay gabdhaha dadka barakacay, markii ugu horreysay ayey arday u gudbeen dugsiyada dhexe, dhowaana kuwa kale ayaa gudbi doona” ayey tiri maamule Zam zam.

Docda kale dugsiga waxaa wax ka barta dadka danyarta ah ee waa weyn sida dumarka oo loo dhigo qoraalka iyo Quraanka, “ Qof weyn baan ahay oo waad u jeedaa ma jirin wax la arko oo aan aqrin karay, xataa qiimaha biyo-gelinta gurigayga ma sheegi karin, maantana qoraalka xisaabta iyo Af-Soomaaliga waan bartay, Quraan ayaan sidoo kale halkan dhigtaa, dumarka waxaan leeyahay waxbarashadu weynaan ma leh ee dugsiyada taga” sidaas waxaa tiri Xaalimo Faarax oo ah 73 sano jir waqti waxbarasho ku qaadatay dugsiga Kulan IDPs.

Mashruucan wasaaradda waxbarashada Puntland iyo hay’adaha horumarinta waxbarashada ee caalamiga ah ay ku caawiyaan carruurta danyarta ayaa ah mid faa’iido weyn ugu fadhiya barakacayaasha Jowle iyo dadka kale ee ka agdhow, ma jiraan goobo waxbarasho oo kale oo ku yaalla meel ku dhow xeryaha.

“Caruurta iyo dadka waaweyn ee waxbarta, xataa hooyooyinka iyo dadka xamaasha waxaan ku dhiirri-gelinnaa tababarro, sida xallinta khilaafaadka oo kale, carruurta waxaan ku ciyaarsiinnaa qalab xanaano ah, maaddama waalidkood magaalada u shaqo tagaan, waxbarashada dadka waaweyn ayaan sidoo kale halkan kor ugu qaadnaa” ayey tiri Zamzam.

Cabdiraxmaan Maxamed Xaaji/MH/FM

Previous Post

PUNTLAND OO WADDA QORSHE KU AADDAN WAXBARASHO GABDHAHA U GAAR AH

Next Post

XOOLO-DHAQATADA GEDO OO KA CABANAYA XAALUFINTA DHIRTA

Related Posts

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Dhadhaab: Danyar ku nool deegaanka Maleelay oo waxbarasho u la’ carruurtooda, macallimiin yari awgeed
Wararkii u Danbeeyay

Dhadhaab: Danyar ku nool deegaanka Maleelay oo waxbarasho u la’ carruurtooda, macallimiin yari awgeed

March 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Bay: Waxbarasho la’aan soo wajahday carruurta qoysas ka barakacay roob yarida

March 3, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas uu ka istaagay kab dhaqaale oo nolol xumo ku wajahaya Dhuusamareeb

February 12, 2026
Baydhabo: Arday waxbarasho la’aan noqday markii uu dab baabi’iyay iskuulkooda
Wararkii u Danbeeyay

Baydhabo: Arday waxbarasho la’aan noqday markii uu dab baabi’iyay iskuulkooda

January 12, 2026
Carruurta qoysas soo barakacay oo waxbarasho la’aan ku wajahaya Gaalkacyo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Carruurta qoysas soo barakacay oo waxbarasho la’aan ku wajahaya Gaalkacyo

November 19, 2025
Next Post
XOOLO DHAQATADA GOBOLLADA DHEXE OO KA CABANAYA DHIRTA OO DHUXUL LOO JARANAYO

XOOLO-DHAQATADA GEDO OO KA CABANAYA XAALUFINTA DHIRTA

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 23-APR-2026

IDAACADDA 23-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 23-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-APR-2026
April 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-APR-2026
April 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-APR-2026
April 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-APR-2026
April 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-APR-2026
April 19, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo