Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Caafimaadka

QAXOOTIGA XERYAHA DHADHAAB OO SOO FAHMAYA FAA`IIDADA XARUMAHA CAAFIMAADKA

Radio Ergo by Radio Ergo
September 18, 2013
in Caafimaadka
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter
blank
OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Qaxootiga ku dhaqan xeryaha Dhadhaab ee Waqooyi bari Kenya ayaa soo fahmaya faa`iidada ay leeyihiin xarumaha caafimaadka lacag la`aanta ah ee ka furan gudaha xeryahaas, iyagoo haatan yareynaya isticmaalka dawo dhaqameedyada.

Nuur Guure oo 73 jir ah kuna nool xerada qaxootiga Xagardheer waxaa xanuun kasoo wajahay lugaha, wuxuu isticmaalay gubniin, markaasoo xnauunku uu kusii batay, kadibna wuxuu yimid xarunta bukaan eegtada ee health post ee xerada  Xagardheer halkaasoo daweyn loogu sameeyay, isagoo sheegay inuu ka dareemay caafimaad.

“Isbitaalka iyo daawo dhaqameedka waxaa in badan wanaagsan isbitaalka, si fiican ayaa la ii daweeyay, waxaana iga degay xanuunkii badnaa, jilibka ayaa I bararsanaa laakiin hadda waan ka roonaaday.”

Abshiro Xuseen  oo canug yar uu ka xanuunsanayay ayaa sheegtay in wacyi gelinno badan kadib ay bilowday in dhammaan carruurta ka xanuunsata ay geyso isbitaallada, si loogu sameeyo baarid iyo daaweyn lacag la`aan ah, “Waxaan heystya wacyi gelinno iyo talooyin caafimaad oo ku saabsan faa`iidooyinka ay leeyihiin xarumaha caafimaadka, mar walba carruurteyda halkan ayaan keenaa.” Ayay tiri Abshiro.

Dhanka kale bukaanno badan ayaa marka ay xanuun isku arkaan aada farmashiyeyaasha kana soo gata daawooyin cabirkooda uusan qiyaasneyn, Xuseen Maxamed Jaamac oo ka mid ah bukaannada xaruntaas joogay ayaa sheegay in daawooyin uu dhowr jeer kasoo iibsaday farmashiyeyaasha aysan waxba u tarin taas beddelkeedana uu dhibaatooyin kale kala kulmay.

“Isbitaalka waxaan ka helay baaritaan, kadibna daawooyin tayo leh oo xanuunkaan ka sheeganayay uga caafimaaday ayaan ka helay.” Ayuu yiri Xuseen.

Dr  Cali Cabdullaahi Nasiib oo dhaqtar carruurta ah kana howlgala xarunta caafimaadka ee xaafadda E6 ee xerada Xagardheer ayaa raadiyo Ergo uga warramay sida ay dadka qaxootiga ah usoo fahmayaan faa`iidada xarumaha caafimaadka, “Ku dhowaad 200 oo qof ayaa maalin walba timaada halkan, waxay inoo sheegaan in daawooyinka isbitaalka ay aad ugu caafimaadeen carruurta.” Ayuu yiri Dr Cali.

Dr. Cali ayaa sheegay in sidoo kale bukananada ay u sameeyaan wacyi gelinno ku saabsan caafimaadka sida in hooyooyinka uurka leh ay isbitaalka yimaadaan, carruurta loo sameeyo tallaal iyo iyo naas nuujin ku filan la siiyo carruurta, taasoo dhiirri gelisay qaxootiga.

Guddiga caalamiga ah ee badbaadinta IRC ayaa bilowgii sanadkan bilaabay balaarinta qeybaha isbitaalka weyn ee xerada Xagardheer iyo xarumaha caafimaadka ee deegaannada dhexdooda ah, sababo la xiriira bukaannada soo aadaya oo kordhay.

Sidoo kale IRC ayaa gudaha xeryaha qaxootiga ka wadda wacyi gelinno caafimaad, Dahabo Cabdi Maxamed oo ka mid ah kooxdaas wacyi gelinta ayaa sheegtay in lixdii bilood ee ugu dambeysay ay kasoo reyneysay xaaladda nafaqo darro ee carruurta ku nool xeryaha qaxootiga, kadib markii wacyi gelinno badan ay u sameeyeen hooyooyinka.

Farxaan Lafoole/FM

Previous Post

XOOLO-DHAQATADA GEDO OO KA CABANAYA XAALUFINTA DHIRTA

Next Post

REER JOWHAR OO ISKA KAASHANAYA ISKA MOOSIDDA FATAHAADDA WEBIGA

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Umulisooyin daryeel iyo talooyin caafimaad u sameeya haweenka ku nool Dhadhaab

January 13, 2026
blank
Caafimaadka

Nolol xumo iyo daryeel la’aan isku biirsaday qoys ku nool Shabeellaha dhexe

December 1, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dayac iyo nolol xumo haysata dadka qaba xaaladda dhimirka ee ku nool Dhadhaab

November 3, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhibaato ka dhalatay xarumo caafimaad oo ka xirmay dad barakac ku ah Baydhabo

September 8, 2025
Adeeg la’aan caafimaad oo ka dhalatay 20 isbitaal oo ku xirmay colaadda Hiiraan
Caafimaadka

Adeeg la’aan caafimaad oo ka dhalatay 20 isbitaal oo ku xirmay colaadda Hiiraan

September 4, 2025
Shabeellaha Hoose: Haweenka ku jira xilliga foosha oo wajahaya gargaar la’aan caafimaad
Caafimaadka

Shabeellaha Hoose: Haweenka ku jira xilliga foosha oo wajahaya gargaar la’aan caafimaad

July 21, 2025
Next Post
Webiga Shabeelle oo deegaanno ku fatahay

REER JOWHAR OO ISKA KAASHANAYA ISKA MOOSIDDA FATAHAADDA WEBIGA

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 16-MAY-2026

IDAACADDA 16-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 16-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-MAY-2026
May 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-MAY-2026
May 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-MAY-2025
May 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-MAY-2026
May 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo