Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Masiibooyinka

REER JOWHAR OO ISKA KAASHANAYA ISKA MOOSIDDA FATAHAADDA WEBIGA

Radio Ergo by Radio Ergo
September 19, 2013
in Masiibooyinka
0
Webiga Shabeelle oo deegaanno ku fatahay

Photo| Keydka/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankDhallinyarada Jowhar ayaa bilaabay inay ka qeyb qaataan celinta iyo carro saarka biyaha daadadka uu dhaliyo webiga Shabeelle, oo dhowr jeer ooh ore khasaarooyin baaxad leg ka geystay gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dhallinyaradan ayaa xooggooda ku tabarrucaya baaldoosarrada ay ku deeqeen ganacsatada Jowhar ee carro tuurka loogu sameynayo meelaha godan ee daadadka webiga u nugul.

Inkastoo biyaha webiga ay ku wareegsan yihiin xaafadaha Jowhar, haddana waxaa ugu daran Xaafadda Hantiwadaag ee ugu weyn xaafadaha degmada Jowhar oo dhanka waqooyi iyo galbeedba ay biyuhu qarka u saaran yihiin inay kusoo fatahaan mar walbaa khatar fatahaad ay timaaddo. Waana meelaha howshacarro tuurka ay xooggeeda ka socoto, sida uu Ergo u sheegay guddoomiyaha xaafaddaas Cismaan Gaab. “

“Xaafaddan ayaan ku nool nahay, waxaan ku noolnahay xooggeenna, hantida ganacsatada ayaa halkan taalla marka ma qaxi karno, sidaas daraaddeed ayaan isku xilsaarnay inaan carro tuur ka sameyno xaafadda.” Sidaa waxaa yiri mid ka mid ah dhalinyarada ka qeyb qaadaneysay carrotuurka.

Ilaa 200 oo qoys oo xaafaddaas Hantiwadaag degganaa ayaa u barakacay deegaanno ka tirsan gobolka Jowhar, iyagoo ka cabsi qabay fatahaadda webiga. Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Dhexe Cabdi Jiinow Calasow ayaa ugu baaqay dhalinyarada gobolka inay ku daydaan dhalinyaradan ayna ka qeyb qaataan u diyaar garowga iyo iska moosidda biyaha.

“Ma aha in kaalmo shisheeye la sugo, wixii aan awoodno waa inaan ka qabannaa si aysan saameyn badan u keenin khataraha fatahaadda webiga, waxaa la idinka doonayaa inaad iskiin ugu tabaabusheysataan fatahaadda.” Ayuu yiri Cabdi Jiinow.

Dhanka kale, dhallinyaradan ayaa sheegaya inaysan keligood ku filneyn ka hortagga fataahadda uu sababo webiga Shabeelle oo awooddooda ay ka weyntahay, “Biyaha heer ka hortag iyo moosid way dhaafeen, fatahaadda waa kuwo xoog leh, hadda fatahaaddii ugu dambeysay waxay baabi`isay beerihii, keliyadii ugu waaweynaa magaalada ayay soo mareen, marka lama xakameyn karo.” Sidaa waxaa yiri Maxamed Cali Yuusuf.

12kii bishan September ayuu webiga Shabeelle markale ku fatahay magaalada Jowhar, waxaana ku barakacay boqollaal qoys, sida uu xaqiijiyay maamulka gobolka Shabeellaha Dhexe.

Maryan Sheekh Cabdi/FM/AM

Previous Post

QAXOOTIGA XERYAHA DHADHAAB OO SOO FAHMAYA FAA`IIDADA XARUMAHA CAAFIMAADKA

Next Post

BAAHIYO CAAFIMAAD OO KA JIRA DEEGAANKA GODINLABE EE GOBOLKA GALGADUUD

Related Posts

Jalalaqsi: Xoolo dhaqato-beeralay abaartu saamaysay oo nolol adag ku wahajaya xeryo ku yaalla magaalada
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Cunno xumo, biyo yari iyo hoy la’aan isku biirsaday qoysas soo maciin bidday xeryo ku yaalla Jowhar

January 8, 2026
Soomaaliland: Xoolo-dhaqato kireeya geel irmaan si ay cunno ugu helaan carruurtooda
Cunto-Yaraanta

Hargeysa: Nolol xumo soo wajahday qoysaska ka ganacsada caanaha geela saamaynta abaarta darteed

January 7, 2026
Cunno xumo iyo go’doon ka dhashay fatahaad uu gaystay webiga Shabeelle
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Cunno xumo iyo go’doon ka dhashay fatahaad uu gaystay webiga Shabeelle

November 5, 2025
Awdal: Daymo ay qaateen beeraleyda tuulada Ruqi oo sababay in ay xirmaan goobo ganacsi
Beeraha Iyo Xoolaha

Awdal: Daymo ay qaateen beeraleyda tuulada Ruqi oo sababay in ay xirmaan goobo ganacsi

April 25, 2025
Galgaduud: Nolol-xumo ka dhalatay daad barakiciyay qoysaskii ku noolaa tuulada Docolley
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Galgaduud: Nolol-xumo ka dhalatay daad barakiciyay qoysaskii ku noolaa tuulada Docolley

May 26, 2024
Dab kale oo burburiyay qayb ka mid ah suuqa Bakaaraha kaas oo sababay burbur dhaqaale
Arrimaha Bulshada

Dab kale oo burburiyay qayb ka mid ah suuqa Bakaaraha kaas oo sababay burbur dhaqaale

May 21, 2024
Next Post
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

BAAHIYO CAAFIMAAD OO KA JIRA DEEGAANKA GODINLABE EE GOBOLKA GALGADUUD

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo