Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Caafimaadka

BAAHIYO CAAFIMAAD OO KA JIRA DEEGAANKA GODINLABE EE GOBOLKA GALGADUUD

admin by admin
September 19, 2013
in Caafimaadka
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankBaahi dhanka caafimaadka ah ayaa ka jirta deegaanka Godonlabe ee gobolka Galgaduud, kadib markii uu gubtay isbitaalkii deegaankaas.

Isbitaalkii Godoinlabe oo ahaa isbitaalka keliya ee deegaankaas uu lahaa ayaa sanadkii 2012kii waxaa hirgeliyay qurba joogta deegaanka u dhalatay oo kaashanaya dadka deegaanka, bishan 3deedii ayuuna ku gubtay dab ka dhashay talaajad gaas, dabkaasoo gebi ahaanba baabi`iyay qeybihii isbitaalka.

Cusmaan Diiriye Faarax oo ah agaasimaha isbitaalkii gubtay ee Godinlabe ayaa sheegay inay si maalinle ah u qaabili jireen bukaanno gaaraya 40 qof, balse hadda bukaannadu ay adeegyada caafimaadka u doontaan degmada Cadaado oo 30km u jirta.

“Deegaankan waxaa hadda ka jira baahi caafimaad oo daran xitaa tuulooyin gaaraya 20 oo deegaanka ku xeeran ayaa adeeg caafimaad usoo doonan jiray, waxaa dhowaan dillaacay cudurka jadeecada kaasoo kusii baahaya deegaanka, sababtoo ah malaha meel lagu daweeyo carruurta uu soo rito cudurka.” Ayuu yiri Cusmaan Diiriye. “Waxaa ugu daran haweenka uurka leh, ilaa 9 haween ah ayaa isbitaalka ku umuli jiray maalin walba.” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Waxaa jira bukaanno qaar aan awoodin inay adeegyada caafimaadka u doontaan degmada Cadaado, Maxamuud Warsame Wehliye oo ah wiil dhalinyaro ah kana mid ah bukaannada soo aaday Isbitaalka Cadaado ayaa Ergo u sheegay in isaga iyo dad kale oo badan ay adeeg caafimaad soo doonteen, balse uu arkay dad deegaanka isaga xanuunsan oo aan awoodin inay Cadaado aadaan. “Waxaa qasab igu noqotay inaan halkan Cadaado imaado, laakiin dad waayeel ah, haween iyo carruur baa jira aan soo aadi karin, aad buu muhiim inoogu ahaa isbitaalkeenna.” Ayuu yiri Maxamuud.

Guddoomiyaha degmada Godinlabe Cabdiyare Macallin Qase ayaa sheegay in saamayn ballaaran ay yeelatay gubashada isbitalka Godinlabe, isagoo ka codsaday bulshada Soomaaliyeed iyo hay’adaha samafalkaba inay ka caawiyaan dib u soo celinta adeegii caafimaad ee Godinlabe. “Wuxuu ahaa isbitaal ay ku xirnaayeen deegaanno badan, dadkoo idil ma wada tegi karaan Cadaado, waxaa jira dad badan oo aan awoodin, xaaladaha degdegga ah sida dhalmada haweenka looma qaadi karo halkaas.” Ayuu yiri guddoomiyaha.

Isbitalka Godinlabe oo ay hirgaliyeen dadka deegaanka oo qurbajoogta kaashanaya sanadkii 2012-kii ayaa bixin jiray adeeg caafimaad oo lacag la’aan ah, waxaana taageeri jiray NGOyada arrimaha caafimaadka ee gobolka Galgaduud ka howl gala.

Maxamuud Cabdi Diirshe/FM/AM

Previous Post

REER JOWHAR OO ISKA KAASHANAYA ISKA MOOSIDDA FATAHAADDA WEBIGA

Next Post

XARUNTA QAAXADA BURTINLE OO HAY`AD CUSUB AY LA WAREEGTAY

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Umulisooyin daryeel iyo talooyin caafimaad u sameeya haweenka ku nool Dhadhaab

January 13, 2026
blank
Caafimaadka

Nolol xumo iyo daryeel la’aan isku biirsaday qoys ku nool Shabeellaha dhexe

December 1, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dayac iyo nolol xumo haysata dadka qaba xaaladda dhimirka ee ku nool Dhadhaab

November 3, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhibaato ka dhalatay xarumo caafimaad oo ka xirmay dad barakac ku ah Baydhabo

September 8, 2025
Adeeg la’aan caafimaad oo ka dhalatay 20 isbitaal oo ku xirmay colaadda Hiiraan
Caafimaadka

Adeeg la’aan caafimaad oo ka dhalatay 20 isbitaal oo ku xirmay colaadda Hiiraan

September 4, 2025
Shabeellaha Hoose: Haweenka ku jira xilliga foosha oo wajahaya gargaar la’aan caafimaad
Caafimaadka

Shabeellaha Hoose: Haweenka ku jira xilliga foosha oo wajahaya gargaar la’aan caafimaad

July 21, 2025
Next Post
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

XARUNTA QAAXADA BURTINLE OO HAY`AD CUSUB AY LA WAREEGTAY

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo