
“Nabaad guurka Gobollada Puntland gaar ahaan Mudug waxaa uu marayaa meel qaylo-dhaan ah oo anagana wuxuu noogu jiraa inuu marayo meel halis ah oo aad u sarreysa tusaale ahaan haddii aad baadiyaha ka dareentid inay ciiddu guuguureyso ama geedaha aad loo jarayo taas macnaheedu waxaa weeye inuu jiro nabaadguur”waxa kaloo aad loo jaray geedaha waaweyn sida Quraca, maygaaga, galoolka, kuwa qodxaha leh iyo geed gaabka ama geed miroodka sida Hohobta, dhafaruurta iwm”
”Mutaf waxaa kaluu sheegay inuu nabaad guurku si weyn u saameeyey deeganno markii hore lagu yaiinnaay geedka loo yaqaan Cows Duurka, “Geedka duurku waa geed cows oo ka weyn cowska caadigah isla markaasna qarin kara qof iyo laboba waxuuna celin jiray biyaha roobku ee xoogga u socda, isla markaasna wuxuu joojin jiray inay ciiddu guurta, geedkaasi Puntland waa ka dhamaaday waxana kaliya oo hadda lagu arkaa meelo ka mid ah buuhoodle”
Caaqil Cali Faarax Maxamed Ismaaciil waxa uu ku jiraa da’aadda 75jir wuxuuna ku hanaqaaday miyiga dooxooyinka Nugaal iyo Mudug wuxuuna Ergo u sheegay inuu si weyn u jiro nabaad-guur xoog leh wuxuuna tusaale u soo qaatay xoolaha duur joogta ah ee ku noolaan jiray miyiga gobolladaas iyo sida aan maanta looga heli karin wax ugaadh ah deegaaamaads.
“Seddex wax yaalood oo dhulka loo ilaalin jiray maanta looma ilaasho, waxan arki jiray dhulka oo aan la goyn geedaha qoyan, dadka oo iska cuna miraha ku yaalla geedaha iyo balliyada oo ay iska buuxaan Cowska iyo dureemada, maantana dhulkii dadkii buu eersaday, maanta hal libaaxa iyo hal ugaar ah midna lagama heli karo. Meeshii Libaax aad ka weydana dhir ha ka sugin, libaaxii waa guuray markii uu waayey geed uu galo, biciidkii waa guuray, goodirkii waa guuray, dhurwagiina waa guuray, dhirtii waa la jaray waana la gubay, waxaana arkeysaa ciddii oo guuraysa” ayuu ku cataabay caaqilku
Siciid Faarax Warsame waa khabiir mudda dheer u soo shaqeeyey wasaaradda xanaanada xoolaha Puntland horayna uga soo shaqeeyey wasaaraddiii xnaannada xoolaha uti wakaaladdii daaqa qaranaka ee Soomaalilya wuxuuna yiri” Nabaad guurku waa uu jiraa waxana arkeysaa dhul dhirtii ka dhmaatay oo sanado ka hor dhir lahaa oo aadan garaneyn maanta oo boholaah, waxana u sababa xoolaha oo ku batay, dhirta oo lajaro, roobka oo yaraaday iyo magaaleynta faraha badan, waxa kaloo qeyb ka qaata baraagaha, oo yaguna qeyb ka qaata dhir jiarista, barrigii hore lama oggolaan jirin in meel walba laga sameeyo magaalo iyo baraago midna”
Waxyaabaha kale ee aan arkay waxa ka mid ah jarista dhirta oo haddii aan si degdegah wax looga qaban saameyneysa xoolihii, ugaartii iyo nolosha dadka inataba ” sidaas waxaa yiri Siciid oo ah kahbiir yaqaanna deegaanka iyo xannaanaynta xoolaha intaba.
Burhan/MR/MH










