Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Caafimaadka

GEDO: 90 KUN OO CARRUUR AH OO DABEYSHA LAGA TALAALAY

admin by admin
August 27, 2013
in Caafimaadka
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankHay’adda caafimaadka adduunka u qaabilsan Qaramada Midoobay ee WHO ayaa sheegtay in carruur Soomaaliyeed oo ka badan sagaashan kun ay cudurka dabaysha uga talaashay gobolka Gedo.

Carruurtan oo da’doodu ka yar tahay tobanka sanno ayaa shantii maalmood ee la soo dhaafay lagu tallaalay degmooyinka Garbahaarrey, Luuq, Ceelwaaq, Dooloow, Baladxaawo iyo Geedweyne iyo sidoo kale tuulooyinka ku hareeraysan.

Maxamed Sheekh Cali oo ah isu-duwaha xafiis goboleedka Gedo ee hay’adda caafimaadka adduunka ayaa raadiyo Ergo u sheegay tallaalka laga fuliyay deegaannadaas uu qeyb ka yahay oleole la doonayo in cudurka dabeysha looga cirib-tiro Soomaaliya.

Howsha talaalka oo ay iska kaashadeen hay’adaha Qaramada Midoobay ee WHO iyo UNICEF waxaa fuliyay howl-wadeenno gaaraya 700 oo qof oo isugu jira shaqaalaha Qaramada Midoobay iyo tabarrucayaal ka kala yimid degmooyinka Gedo.

Barnaamijka tallaalka waxaa sidoo kale barbar socday oloole lagu wacyigalinayo waalidiinta ee la xariira faa’iidada tallaalku u leeyahay badbaadada carruurta iyo fayadhowrka guud ee bulshada.

Marwo Faadumo Muxumed oo ka mid ah hooyooyinka deegaanka ayaa raadiyo Ergo u sheegtay in wacyiga dadka ee la xariira tallaalka uu kordhay oo la fahmay faa’iidooyinka tallaalka, islamarkaasna bulshada diyaar u yihiin inay ubadkooda tallaalaan si ay uga badbaadiyaan cudurrada dilaaga ah sida dabeysha.

Shan ka mid ah carruurteeda ayaa qeyb ka ah sagaashan kun ee carruur ah ee laga tallaalay cudurka dabeysha gudaha gobolka Gedo.

Axmed Saalixi/MR

Previous Post

BOQOL KUN OO CARRUUR AH OO WAXBARASHO BILAASH AH HELI DOONA

Next Post

NABAAD GUURKA MUDUG WUXUU MARAYAA QAYLO- DHAAN

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Umulisooyin daryeel iyo talooyin caafimaad u sameeya haweenka ku nool Dhadhaab

January 13, 2026
blank
Caafimaadka

Nolol xumo iyo daryeel la’aan isku biirsaday qoys ku nool Shabeellaha dhexe

December 1, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dayac iyo nolol xumo haysata dadka qaba xaaladda dhimirka ee ku nool Dhadhaab

November 3, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhibaato ka dhalatay xarumo caafimaad oo ka xirmay dad barakac ku ah Baydhabo

September 8, 2025
Adeeg la’aan caafimaad oo ka dhalatay 20 isbitaal oo ku xirmay colaadda Hiiraan
Caafimaadka

Adeeg la’aan caafimaad oo ka dhalatay 20 isbitaal oo ku xirmay colaadda Hiiraan

September 4, 2025
Shabeellaha Hoose: Haweenka ku jira xilliga foosha oo wajahaya gargaar la’aan caafimaad
Caafimaadka

Shabeellaha Hoose: Haweenka ku jira xilliga foosha oo wajahaya gargaar la’aan caafimaad

July 21, 2025
Next Post
NABAAD GUURKA MUDUG WUXUU MARAYAA QAYLO- DHAAN

NABAAD GUURKA MUDUG WUXUU MARAYAA QAYLO- DHAAN

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo