Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Masiibooyinka

FATAHAAD LAGA BAQAYO INUU GEYSTO WEBIGA SHABEELLE

Radio Ergo by Radio Ergo
August 13, 2013
in Masiibooyinka
0
FATAHAAD LAGA BAQAYO INUU GEYSTO WEBIGA SHABEELLE
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter
blankBulshada ku nool deegaannada webiga ku dhow ee gobolka Shabeelada Hoose ayaa cabsi weyn ka qaba in webiga Shabeelle uu qaraarka jabsado ka dibna ku fataho deegaanka. Dadka deegaanka waxa ay sheegayaan in heerka biyaha webigu ay aad sare ugu kaceen soddankii maalin ee lasoo dhaafay.
Tuulooyinka Mareerreey, Sabiib, Canoole iyo Baladul Amiin oo ku dhow degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose ayuu wabigu qarqarrada jabsaday isagoo bilaabay inuu daad ku soo rogo tuulooyinkaas. Tuulooyinkaas oo dhan waxa ay caan yihiin tacabka iyo beeraha oo nolosha iyo dhaqaalaha dadka ku nool halkaasba ay ku tiirsan yihiin.
Jeelle Maxamed oo ka mid ah dadka deegaanka Mareereey ayaa raadiyo Ergo u sheegay in daadadka webiga Shabeele ee kusoo rogmaday tuulada ay bannaanka joogaan ilaa 20 mitir. Jeelle wuxuu intaa ku daray in dadka deegaanka ay haysto cabsi xoogan oo ay u qabaan naftooda iyo dalagyada ay beerteen sanadkan oo ay daadadku halis galinayaan.
Mayoow Cabdi Xasan oo ah beeraleey ku nool tuulada Sabiib oo 8km galbeed ka xigta Afgooye ayaa isna raadiyoow Ergo u sheegay in webigu biyo kasoo rogay labo dhexda tuulooyinka Sabiib iyo Caanoole. Mayoow wuxuu ka digay in haddii wax yar  ku kordhaan heerka biyaha webiga labada tuulada biyo galeen noqon doonaan.
“Taas halis ku noqonaysaa nolosha dadka ku nool tuulooyinkaan oo aan gabbaad ka heli doonin biyaha xoogan ee webiga,” sidaas waxaa raadiyo Ergo u sheegay Mayoow Cabdi Xasan.  Mayoow wuxuu intaa ku daray in daadku ay sidoo kale baabi’in karaan  dalagyada beeraha ee sanadkan la tabcay, welina aan la goosan, iyagoo sidoo kale biya dhigi doono beeraha aan weli la tabcin.
Inkastoo dadka deegaanka ay wadaan dadaallo ay jawaano caro laga buuxiyay ku dhigayaan jiinka webiga si ay biyaha u celiyaan, Mayoow wuxuu aaminsan yahay in heerka biyaha xoogan ku hakan doonin jawaanada carada laga buuxshay, loona baahan yahay caro shub weyn oo laga dhiso qar qarada webiga.
Weriyaha raadiyo Ergo ee gobolka wuxuu sheegayaa in sidoo kale cabsi laga qabo in webigu biyo kusoo rogo deegaannada Afgooye, Awdheegle iyo Janaale, taas oo halis gelin karta nolosha kumanaan dad ah oo ku nool deegaannadaas oo ku qasbanaan doona inay qaxaan. Halista ugu badan waxa ay haystaa dadka ku nool jiinka webiga Shabeele.
Halistu kama jirto Shabeellada Hoose oo keli ah, laakiin mashruuca SWALIM ee saadaasha hawada u qaabilsan hay’adda cuntada iyo beeraha adduunka ee FAO ayaa sidoo kale ka digaya in haddii heerka webiga ShabeelLe sare u kaco ay daadad ku soo rogman karaan degmada Jowhar ee gobolka ShabeelLada Dhexe iyo deegaannada kale ee ku dhow.
Daadad kusoo rogmaday deegaanka jiida Janaale bishi Abril ee sanadkan ayaa barakiciyay boqolaal qoysas ah oo ku noolaa deegaankaas, iyadoo sidoo kale ay baabi’iin dalagyada beeraha.
Adan Dahir/ MR
Previous Post

150 OO CARRUURTA BARAKACAYAASHA AH HELAY WAXBARASHO LACAG LA`AAN AH

Next Post

PHILLIPE LAZZARINI: SOOMAALIYA WAQTIGAN WAY KA SOO RAYNEYSAA MACLUUSHII DHACDAY 2011KII

Related Posts

Jalalaqsi: Xoolo dhaqato-beeralay abaartu saamaysay oo nolol adag ku wahajaya xeryo ku yaalla magaalada
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Cunno xumo, biyo yari iyo hoy la’aan isku biirsaday qoysas soo maciin bidday xeryo ku yaalla Jowhar

January 8, 2026
Soomaaliland: Xoolo-dhaqato kireeya geel irmaan si ay cunno ugu helaan carruurtooda
Cunto-Yaraanta

Hargeysa: Nolol xumo soo wajahday qoysaska ka ganacsada caanaha geela saamaynta abaarta darteed

January 7, 2026
Cunno xumo iyo go’doon ka dhashay fatahaad uu gaystay webiga Shabeelle
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Cunno xumo iyo go’doon ka dhashay fatahaad uu gaystay webiga Shabeelle

November 5, 2025
Awdal: Daymo ay qaateen beeraleyda tuulada Ruqi oo sababay in ay xirmaan goobo ganacsi
Beeraha Iyo Xoolaha

Awdal: Daymo ay qaateen beeraleyda tuulada Ruqi oo sababay in ay xirmaan goobo ganacsi

April 25, 2025
Galgaduud: Nolol-xumo ka dhalatay daad barakiciyay qoysaskii ku noolaa tuulada Docolley
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Galgaduud: Nolol-xumo ka dhalatay daad barakiciyay qoysaskii ku noolaa tuulada Docolley

May 26, 2024
Dab kale oo burburiyay qayb ka mid ah suuqa Bakaaraha kaas oo sababay burbur dhaqaale
Arrimaha Bulshada

Dab kale oo burburiyay qayb ka mid ah suuqa Bakaaraha kaas oo sababay burbur dhaqaale

May 21, 2024
Next Post
PHILLIPE LAZZARINI: SOOMAALIYA WAQTIGAN WAY KA SOO RAYNEYSAA MACLUUSHII DHACDAY 2011KII

PHILLIPE LAZZARINI: SOOMAALIYA WAQTIGAN WAY KA SOO RAYNEYSAA MACLUUSHII DHACDAY 2011KII

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 18-APR-2026

IDAACADDA 18-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 18-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-APR-2026
April 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo