Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Masiibooyinka

XOOLO DHAQATADA GOBOLLADA DHEXE OO KA CABANAYA DHIRTA OO DHUXUL LOO JARANAYO

Radio Ergo by Radio Ergo
July 8, 2013
in Masiibooyinka
0
XOOLO DHAQATADA GOBOLLADA DHEXE OO KA CABANAYA DHIRTA OO DHUXUL LOO JARANAYO

File Photo|Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankWasiirka arrimaha gudaha ee maamulka Ximan iyo Xeeb Cumar Maxamed Diiriye ayaa raadiyo Ergo u sheegay in tuulooyin hoos yimaadda degmadaas ka socoto xaalufin ballaaran oo lagu hayo dhirka deegaanka ka baxdo oo dhuxul laga gubayo.  Cumar Maxamed Diiriye ayaa xusay in deegaanada Xiin Jilab, Biyo Gaduud iyo  Cado-Kibir oo galbeedka iyo barriga degmada Cadaado ee gobolka Galguduud ay ka socoto xaalufinta ugu badan ee dhirta ee dhuxul laga gubayo.

Dadka dhuxusha gubaya ayaa u badan kooxo dhallinyaro reer guuraa ah oo shaqo la’aan haysto, kuwaas oo doonaya inay deegaanno kale iyo dibadda u suuq-geeyaan dhuxusha si ay nolol maalmoodkooda uga helaan. Wasiirka arrimaha gudaha ee maamulka ee Ximan iyo Xeeb Cumar Diiriye ayaa sheegay dhalinyaradaas xariir la leeyihiin dad ganacsato ah oo kasoo horjeeda nolosha deegaanka kuwaasoo lacago ku siiya dhallinyarada inay dhirta dhuxul ka gubaan.

Dadka ugu badan ee ku nool gobolada Galgaduud iyo Mudug waa xoolo dhaqato, wasiirka arrimaha gudaha ee Ximan iyo Xeeb na wuxuu sheegay in xoolaha iyo dadka deegaankaba ay ku tiirsan yihiin dhirta deegaanka ka baxdo. Cumar Maxamed Diiriye wuxuu tilmaamay in dhirta oo la dhuxuleeyo ay halis ku tahay nolosha iyo mustaqbalka gobolada dhexe oo ah dhul aysan webiyo laheyn.

Weriyaha raadiyow Ergo ee degmada Cadaado wuxuu soo sheegayaa in dhuxulaynta dhirta oo labaatankii sano ee lasoo dhaafay ka socotay gobolka Galguduud ay hoos u dhigtay daaqa iyo roobka xoolahu ka heli karaan deegaanka, dhul kaymo ah oo dhirta iyo daaqsinka ku caan ahaa ayaa dhirtii oo dhan laga gubay oo saxaro banaan isu badalay.
Axmed Sheekh Xasan Jagejage oo badbaadada dhirta iyo deegaanka u olo-oleeya ah ayaa ka digay khatar noloshada dadka, deegaanka iyo xoolaha ba kusoo wajan haddii aan si deg deg ah loo meel-marin sharciyo adag iyo ciqaabo la dul-dhigo dadka ku lugta leh xaalufinta deegaanka.

Axmed Sheekh Xasan wuxuu intaa ku daray in qorshe weliba oo la doonayo in dhirta iyo deegaanka lagu bad-baadiyo muhiimad gaar ah laga siiyo shaqo u abuurista dhalinyarada iyo dadka kale oo laga yaabo in baahi shaqo la’aan ay u geysay inay dhuxusha ka ganacsadaan.

Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa horey xukumo xabsi iyo ganaax isugu jira ku riday dad ku eedeysanaa inay dhirta deegaanka dhuxul ka gubeen.  Bishii November ee sanadkii hore ciidamada ammaanka ee maamulkaas ayaa xiray dad ka badan 20-tan qof oo qaarkood la soo qabtay iyaga oo ku mashquulsan dhir jarid iyo gubid.  Dadkaas ayaa lagu xukumay afar ilaa lix bilood oo xabsi ah iyo lacag ganaax.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Ximan iyo Xeeb Cumar Maxamed Diiriye wuxuu sheegay inay hoos u dhaceen jaridda iyo dhuxul ka gubida dhirta deegaanka wixii ka dambeeyay xukunkaas. Cumar Maxamed Diiriye wuxuu raadiyow Ergo u sheegay in maamulku qorshaynayo mashruuc dhir abuurid ah oo laga hirgeliyo deegaanka.

M.Diirshe/MRoble

Previous Post

DADKA OO FAHMAY FAA`IIDADA TALLAALKA SAFNA UGU JIRA QAADASHADIISA

Next Post

MIDOWGA YURUB OO MALAAYIIN LACAG AH KU BIXINAYA HORMARINTA WAXBARASHADA XERYAHA DHADHAAB

Related Posts

Jalalaqsi: Xoolo dhaqato-beeralay abaartu saamaysay oo nolol adag ku wahajaya xeryo ku yaalla magaalada
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Cunno xumo, biyo yari iyo hoy la’aan isku biirsaday qoysas soo maciin bidday xeryo ku yaalla Jowhar

January 8, 2026
Soomaaliland: Xoolo-dhaqato kireeya geel irmaan si ay cunno ugu helaan carruurtooda
Cunto-Yaraanta

Hargeysa: Nolol xumo soo wajahday qoysaska ka ganacsada caanaha geela saamaynta abaarta darteed

January 7, 2026
Cunno xumo iyo go’doon ka dhashay fatahaad uu gaystay webiga Shabeelle
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Cunno xumo iyo go’doon ka dhashay fatahaad uu gaystay webiga Shabeelle

November 5, 2025
Awdal: Daymo ay qaateen beeraleyda tuulada Ruqi oo sababay in ay xirmaan goobo ganacsi
Beeraha Iyo Xoolaha

Awdal: Daymo ay qaateen beeraleyda tuulada Ruqi oo sababay in ay xirmaan goobo ganacsi

April 25, 2025
Galgaduud: Nolol-xumo ka dhalatay daad barakiciyay qoysaskii ku noolaa tuulada Docolley
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Galgaduud: Nolol-xumo ka dhalatay daad barakiciyay qoysaskii ku noolaa tuulada Docolley

May 26, 2024
Dab kale oo burburiyay qayb ka mid ah suuqa Bakaaraha kaas oo sababay burbur dhaqaale
Arrimaha Bulshada

Dab kale oo burburiyay qayb ka mid ah suuqa Bakaaraha kaas oo sababay burbur dhaqaale

May 21, 2024
Next Post
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

MIDOWGA YURUB OO MALAAYIIN LACAG AH KU BIXINAYA HORMARINTA WAXBARASHADA XERYAHA DHADHAAB

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 23-APR-2026

IDAACADDA 23-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 23-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-APR-2026
April 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-APR-2026
April 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-APR-2026
April 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-APR-2026
April 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-APR-2026
April 19, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo