Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

MIDOWGA YURUB OO MALAAYIIN LACAG AH KU BIXINAYA HORMARINTA WAXBARASHADA XERYAHA DHADHAAB

Radio Ergo by Radio Ergo
July 9, 2013
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankMidowga Yurub ayaa ku taageeraya horuumarinta waxbarashada xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab lacag dhan 3 milyan iyo bar yuuro. Mashruucan cusub oo socon doono saddex sano ayaa lagu kordhin doonaa fasallada dugsiyada wax lagu barto ee xerooyinka, iyadoo macallimiinta tababarro aqoon kororsi ah la siinayo.

Maamulaha mashruuca waxbarashada ee Soomaaliya u qaabilsan Midowga Yurub Maxamed Mahad Sabuul ayaa raadiyaha Ergo u sheegay in mashruucan oo la bilaabay horraantii sanadkan uu maalgelin doono dhismaha afartan iyo lix fasal oo lagu kordhiyo dugsiyada ku yaal xerooyinka iyo tababarka 240 ka mid ah macallimiinta wax ka dhiga dugsiyadaas.

Maxamed Mahad Sabuul wuxuu intaa ku daran in labo boqol iyo labaatan kun oo caruur iyo dhallinyaro gaartay da’da waxbarashada ah oo ku nool xeryaha Dhadhaab aysan wada helin fursado waxbarasho. Soddon boqolkiiba oo ka mid ah da’daas gaartay waxbarashada oo u dhiganta lixdan kun oo qof ayaa waxbarta. Hablaha ku nool xerooyinka ay dugsiyada waxbarashada aadana waxay tiradoodu ka hooseysaa labaatan boqolkiiba.

Maamulaha mashruuca waxbarashada ee Soomaaliya u qaabilsan Midowga Yurub wuxuu tiro yarida dadka dugsiyada taga u sababaynayaa dugsiyada xerooyinka ku yaal oo awoodin in arday badan qaataan, haysana agab waxbarasho oo ku filan iyo macalimiinta oo ay aqoontoodu hooseyso.

Xerooyinka qaxootiga Dhadhaab ee gobolka Waqooyi-Barri Kenya oo nus malyuun Soomaali ah ay ku nool yihiin waxaa ku yaal 30 dugsi oo ay taageerto hay’adda qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay. lix ka mid ah ayaa dugsiyo sare ah, sidaad sarteed arday badan oo dhameysay dugsiyada dhexe ayaan helin fursad ay waxbarashada dugsiyada sare ay ku siiwadaan.

Maxamed Mahad Sabuul wuxuu ku hanweyn yahay in mashruucan cusub ee hormarinta tayada waxbarashada xerooyinka uu dheerrigelin doono in kumanaan carruur iyo dhallinyaro ah oo waxbarasho la’aan haysto helaan fursado waxbarasho.

Mashruucan oo wuxuu sidoo kale dugsiyada xerooyinka Dhadhaab ugu deeqi doonaa shaybaarrada dugsiyada sare loo isticmaalo, buugaag, qalimo iyo agabyo kale. Mashruuca oo ay fulinayso hay’adda Badbaada Caruurta wuxuu sidoo kale tababarka cilmiga tennoolajiyada iyo kumbiyuutarada u fidin doonaa labo kun oo dhallinyaro ah, taas oo qeyb ka ah dadaallada xirfad u abuurista dhallinyarada qaxootiga ah.  Gabdho iyo wiilal kale ayaa iyana baran doono xirfado kale oo ay ku shaqeystaan.

Maamulaha mashruuca waxbarashada ee Soomaaliya u qaabilsan Midowga Yurub Maxamed Mahad Sabuul wuxuu kale oo uu raadiyaha Ergo u sheegay in mashruucu fulin doono deeqo waxbarasho jaamacadeed oo 10 ardayda dugsiga sare dhameysay ah u oggolaan doona inay iska diiwaan geliyaan jaamacadaha Kenya, Soomaaliya iyo dalalka kale ee gobolka.

Midowga Yurub waa deeq-bixiyaha lacagta ugu badan ku bixiya hormarinta Soomaaliya. Shan boqol oo milyan oo yuuro ayay Midowga Yurub ku bixiyeen houurmarinta waxbarashada, beeraha iyo xannaanada xoolaha iyo weliba hagaajinta amniga iyo adeegyada hay’adda dowliga ah ee Soomaaliya shantii sano ee la soo dhaafay sida uu sheegay Maxamed Mahad Sabuul.

Muhyadin Ahmed Roble

Previous Post

XOOLO DHAQATADA GOBOLLADA DHEXE OO KA CABANAYA DHIRTA OO DHUXUL LOO JARANAYO

Next Post

DEEQ DAWO AH OO LAGU WAREEJIYAY WASAARADDA ADEEGGA BULSHADA

Related Posts

Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye

July 7, 2026
Colaad nolol xumo galisay kumanaan qoys oo ku barakacay Shabeellaha hoose
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Colaad nolol xumo galisay kumanaan qoys oo ku barakacay Shabeellaha hoose

July 2, 2026
Qoysas markii labaad barakacay sanadkan oo Jubbada hoose ku wajaha xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas markii labaad barakacay sanadkan oo Jubbada hoose ku wajaha xaalad nolol xumo

June 24, 2026
Dhadhaab: Haween ka soo kabtay ganacsiyo ka burburay markii la siiyay lacag amaah ah
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Haween ka soo kabtay ganacsiyo ka burburay markii la siiyay lacag amaah ah

June 19, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qiimo la’aanta ku dhacday lacagta dalka oo wiiqday rajada ganacsatada Baydhabo

June 18, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku nool Dhuusomareeb oo nolol xumo haysay uga baxay ka ganacsiga birta duugga ah

June 15, 2026
Next Post
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

DEEQ DAWO AH OO LAGU WAREEJIYAY WASAARADDA ADEEGGA BULSHADA

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 09-JUL-2026

IDAACADDA 09-JUL-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 09-JUL-2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-JUL-2026
July 9, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-JUL-2026
July 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-JUL-2026
July 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-JUL-2026
July 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-JUL-2026
July 5, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo