Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

XAGGEE MARAYAAN HAWLIHII DIBU DEJINTA BARAKACAYAASHA MUQDISHO?

Radio Ergo by Radio Ergo
July 11, 2013
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankQaramadda Midoobay ayaa sheegtay in hawlihi dib u dejinta ee dadka barakacay loogu samanayey gudaha Muqdisho ay weli socoto, inkastoo dibu dhac aan badnayni ku imaan karo wakhtigii loo qabtay oo ahayd 20 bisha Agoosto.

Mustafe Muxumad Cumar oo ah u qaybsanaha arrimaha barakacayaasha Muqdisho ee xafiiska xiriiriya arrimaha bani’aadannimo ee Qaramadda Midoobay OCHA ayaa Ergo u sheegay in bisha ramadaan oo la guda galay, arrimo dhinaca amaanka oo soo kordhay iyo arrimo farsamo oo kale ay suurto gal ka dhigi karto dibu dhac aan waqti dheer ahayn, sidookale dadka la rarayo oo aad u badan iyo waqtigoo kooban ay tahay iyana arrin kale, hawshuse ay waqtigaan u socoto si xawli leh.

Mustafe ayaa sheegay in wejiga koowaadse waqtigii la qabtay lagu rarayo 13 kun oo qoys lana geynayo degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, oo dawladdu ka diyaarisay dhul 1.5 km ah, sarkaalka ayaa sheegay in waxbadan laga sugayo dawladda Soomaaliya sida, deegaamaynta iyo arrimaha ammaanka oo la’aantood aan tallaabo la qaadi karin.

Dawladda Soomaaliya ayaa la timid qorshaha dibu dejinta barakacayaasha, si loo sugo amaankooda iyo in si hagaagsan loo gaarsiiyo sahayda gargaarka iyo goobahay hadda deggan yihiin oo aan ku habboonayn degsiimooyin dhanka saxada iyo faya qabka.

Siday warbixintii ugu dambaysay ee UNHCR ka soo baxday sheegayso magaalada Muqdisho ayaa waxaa hadda ku sugan 369,000 oo barakacayaal ah, kuwaasoo durufaha ammaan iyo nololeed ee ay qabaan iska liitaan, ayna u sii dheertahay dhibaatooyin ku khasba inay noqdaan kuwo guurguura ayna ka mid yihiin dhulka oo laga kiciyo, si khasab ah oo loo celiyo, iyagoon haysan asaasiyaadkii nolosha iyo isku dhacyadda. UNHCR ayaa intaas ku dartay in 4,485 barakacayaal ahi ay  Muqdisho dib uga noqdeen iyagoo aaday goobihii markii hore uga soo barakaceen tan iyo bishii January ee sanadkaan 2013ka, iyadoo intaasna ku dartay xal waara ay u bahan yihiin dadka barakacayaashu si ay ugu noqdaan deegaannadoodii, iyagoo taas niyadda ku hayana ay la dhiseen dawladda federaalka Soomaaliya hab qeexaya arrintaan.

OCHA ayaa iyadu sheegtay in dibu celinta dadkaan ay ku xiranaan doonto haddba siday isu beddesho xaaladda waddanku, iyo dadka laftigoodu rabitaankooda ku aadan inay ku sii noolaadaan Muqdisho iyo inay dib ugu noqdaan guryahoodii, ayna tahay muhiimaddu in dadkaani aysan weligood ahaan dad ku jira xeryo ay ku sugaan taageero, xeryahaan hadda dibu dejinta loogu samaynayaana ay ka mid tahay talaabooyinka xal waara loogu helayo dadka barakacayaasha.
MH/AM

Previous Post

MAXAABIIS SOO DHAMEYSATAY XUKUNNO XABSI OO KA BILAABAY DHADHAAB INEY SHAQEYSTAAN

Next Post

BARAKACAYAASHA KISMAAYO OO KA CABANAYA DARXUMO IYO GAAJO

Related Posts

Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye

July 7, 2026
Colaad nolol xumo galisay kumanaan qoys oo ku barakacay Shabeellaha hoose
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Colaad nolol xumo galisay kumanaan qoys oo ku barakacay Shabeellaha hoose

July 2, 2026
Qoysas markii labaad barakacay sanadkan oo Jubbada hoose ku wajaha xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas markii labaad barakacay sanadkan oo Jubbada hoose ku wajaha xaalad nolol xumo

June 24, 2026
Dhadhaab: Haween ka soo kabtay ganacsiyo ka burburay markii la siiyay lacag amaah ah
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Haween ka soo kabtay ganacsiyo ka burburay markii la siiyay lacag amaah ah

June 19, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qiimo la’aanta ku dhacday lacagta dalka oo wiiqday rajada ganacsatada Baydhabo

June 18, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku nool Dhuusomareeb oo nolol xumo haysay uga baxay ka ganacsiga birta duugga ah

June 15, 2026
Next Post
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

BARAKACAYAASHA KISMAAYO OO KA CABANAYA DARXUMO IYO GAAJO

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 09-JUL-2026

IDAACADDA 09-JUL-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 09-JUL-2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-JUL-2026
July 9, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-JUL-2026
July 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-JUL-2026
July 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-JUL-2026
July 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-JUL-2026
July 5, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo