Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

MAXAABIIS SOO DHAMEYSATAY XUKUNNO XABSI OO KA BILAABAY DHADHAAB INEY SHAQEYSTAAN

Radio Ergo by Radio Ergo
July 10, 2013
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankDhalinyaro ku nool xerada qaxootiga Dhadhaab ee Waqooyi bari Kenya  oo soo dhammeystay xabsiyo dhaadheer oo ku yaalla gudaha Kenya , kadib markii falal dembiyeedyo lagu eedeeyay ayaa xirfadaha ay xabsiyada kasoo barteen uga shaqeysta gudaha xeryaha. Ayagoo bilaabay inay dhalinyarada ka wacyi geliyaan falal dembiyeedyada.

Sidiiq Ismaaciil Koosaar waa 27 jir, sanadkii  2004tii ayaa ciidamada Kenya ay kasoo qabteen xerada Xagardheer isaga iyo laba wiil oo saaxibbadiisa ah, kadib markii lagu eedeeyay inay nin dhaawac u geysteen, waxaana  maxkamad ku taalla Nairobi ay ku xukuntay 7 sano oo xarig ah, isagoo xariggaasna kusoo dhammeystay xabsiga Kamiti ee magaalada Nairobi. Sidiiq ayaa waxaa lasoo daayay sanadkii 2011kii, wuxuuna haatan ku shaqeystaa xirfado uu xabsiga kasoo bartay.

“Inkastoo xabsiga aan kusoo qaatay nolol adag, haddana waxaan kasoo bartay xirfado ay ka mid yihiin harqaanka, sameynta kuraasta iyo miisaska iyo bacriminta beeraha, hadda waxaan ku shaqeystaa harqaanka.” Ayuu yiri Sidiiq.
Farxaan Maxamed Ismaaciil oo isagana ah 20 jir ah sanadkii 2011kii, ayaa waxaa laga xiray xerada Xagardheer isagoo 16 sano jir ah, kadib markii lagu eedeeyay fal kufsi ah oo gabar deriskooda ah uu u geystay, waxaana lagu xiray qeybta carruurta ee xabsiga Shimo La Tewa ee magaalada Mombasa. Wuxuuna halkaas ku xirnaa muddo sanad iyo bar ah.

Farxaan ayaa ku dooday in falka lagu soo eedeeyay uusan ku lug lahayn, isla markaasna taas caddeynteeda lagu waayay, sababta keentay in xabsi la dhigo haddii caddeynteeda lagu waayay dembiga lagu eedeeyay ayuu Farxaan ku sheegay “Adigoo carruur ah mar haddii maxkamad lagu horkeeno xitaa haddii dembiga lagugu waayo way adagtahay sidaad uga baxsato, waxaa dib loo eegayaa noloshaadii hore, taas ayaana lagugu xukumayaa. Anigana wax ma baran jirin markaan Xagardheer joogay.” Ayuu yiri Farxaan.

“Hab dhaqankeygii aad ayuu isku baddalay, waxaan iska daayay waxyaabihii xumaa ee waqtiyada ay iiga lumi jireen. Waxaan xabsiga ka soo faa`iiday waxbarasho, ugu yaran ma garaneynin luqadda Sawaaxiliga, waxaan kaloo bartay harqaanka, haddana waan ku shaqeystaa oo shahaado ayaan ka qaatay.” Ayuu yiri Farxaan.

Sidiiq iyo saaxiibbadiisa ay muddada xabsiga isla soo dhammeysteen ayaa wacyi gelinno u sameeya dhalinyarada xeradaas Xagardheer, si ay uga feejignaadaan falal dembiyeedyada ay xabsiyada ku muteysan karaan.

“Qiimaha qorriyadda waxaad dareemi kartaa markaad xabsiga ku jirto, waxaan ugu baaqayaa dhammaan dhalinyarada inay ka digtoonaadaan falalka xatooyada iyo dhaca ah iyo dembiyada kale, ka badbaadi naftaada inaad xabsi gasho.” Ayuu mar kale yiri Sidiiq.

Dhalinyaro badan oo la mid ah Sidiiq iyo Farxaan ayaa falalka dembiyeedyada waxaa ku kallifa shaqo la`aanta ka jirta xeryaha qaxootiga Dhadhaab, iyadoo dhalinyarada soo dhammeysay dugsiyada sare ee lacag la`aanta ah ee xeryahaas ku yaalla ay yartahay fursadaha ay jaamacado ku aadi karaan amaba ay uga shaqeysan karaan gudaha Kenya, sida uu qabo Sidiiq Ismaaciil.

Farxaan Lafoole/FM/AM

Previous Post

DEEQ DAWO AH OO LAGU WAREEJIYAY WASAARADDA ADEEGGA BULSHADA

Next Post

XAGGEE MARAYAAN HAWLIHII DIBU DEJINTA BARAKACAYAASHA MUQDISHO?

Related Posts

Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye

July 7, 2026
Colaad nolol xumo galisay kumanaan qoys oo ku barakacay Shabeellaha hoose
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Colaad nolol xumo galisay kumanaan qoys oo ku barakacay Shabeellaha hoose

July 2, 2026
Qoysas markii labaad barakacay sanadkan oo Jubbada hoose ku wajaha xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas markii labaad barakacay sanadkan oo Jubbada hoose ku wajaha xaalad nolol xumo

June 24, 2026
Dhadhaab: Haween ka soo kabtay ganacsiyo ka burburay markii la siiyay lacag amaah ah
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Haween ka soo kabtay ganacsiyo ka burburay markii la siiyay lacag amaah ah

June 19, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qiimo la’aanta ku dhacday lacagta dalka oo wiiqday rajada ganacsatada Baydhabo

June 18, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku nool Dhuusomareeb oo nolol xumo haysay uga baxay ka ganacsiga birta duugga ah

June 15, 2026
Next Post
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

XAGGEE MARAYAAN HAWLIHII DIBU DEJINTA BARAKACAYAASHA MUQDISHO?

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 09-JUL-2026

IDAACADDA 09-JUL-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 09-JUL-2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-JUL-2026
July 9, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-JUL-2026
July 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-JUL-2026
July 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-JUL-2026
July 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-JUL-2026
July 5, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo