
Waxaa jira hay`ado iyaguna ku lug leh iney saadaal ka bixiyaan xilliyada webiyada iyo roobabku hase ahaatee aaney macluumaadkoodku gaari Karin dadkii loogu talagalay taasoo iyaduna is weydiin leh maxaa ugu wacan?
Radio Ergo wuxuu u diray qaar ka mid ah weriyeyaashiisa ku sugan meelaha ay badanaaba ka dhacaan fatahaadaha oo u badan, waxayna ka soo ururiyeen wareysiyo ay la yeesheen dadka ay dhibaatooyinka ka soo gaaraan fatahaadaha, waxaana ka mid ah gobolka shabeellada Dhexe iyo qaar ka mid Soomaaland.
Haddaba arrimo la xiriira xaaladahaas biyaha webiga iyo roobabka ayaan ka wareysannay khabiir la talilye u ah hay`adda FAO ee Qaramada Midoobay u qaabilsan cuntada iyo beeraha oo lagu magacaabo Prof. Muuse Shaaciye. Marka hore wuxuu warbixin yar oo kooban ka bixinayaa xaaladaha fatahaadaha Soomaaliya.
Prof. Shaaciye: Fatahaaduhu waxay ka dhashaan roobab xoog badan oo xad dhaaf ah, waxayna sababaan fatahaado soo noqnoqda oo dhibaato geysta. Fatahaadaha Soomaaliya ka dhaca waxaa loo kala qaadi karaa laba qaybood oo kala ah: Kuwo ka dhaca jiidda webiyada Jubba iyo Shabeelle qeybna waxay ka dhacaan dooxaha faraha badan ee ku yaalla qaybaha waqooyi ee dalka, sida Somaliland iyo Puntland. Dooxyadaas badanaa roobabka ay keenaan waqti yar ayay socdaan oo muddo gaaban ah, dhibaatooyinka ay geystaan uma dhigmaan kuwa webiyada ay geystaan. Fatahaadahaas Soomaaliya ka dhacaya hadda ma bilaaban ee weligoodba way dhici jireen, xiriir ma ahayn ee muddo kala fog fog ayay dhici jireen. Haddii la eego webiyada Jubba iyo Shabeelle waxaa la xusuusan yahay in deyrihii sanadaha soo socda ee 1961di, 1977dii, 1997dii iyo 2006dii ay fatahaado geysteen, waqtiyadaas oo idil waxay ahaayeen xilliyo deyreed.
Ergo: Maxay xilliyada deyruhu badanaa u dhacaan fatahaadaha?
Pro. Shaaciye: Fatahaadaha sidoo kale xilliga Guga way dhacaan, sida 1981dii, 2005tii iyo 2009kii iyo sanadkii hore 2012kii.
Ergo: Fatahaaduhu maxaa khasaaro ah oo ay geystaan?
Pro. Shaaciye: Waxay geystaan dhibaato xad leh oo xag dhaqaale ah, dhul beereed baaba`a, dhismayaal baaba`a, dhul daaqsin baaba`a, burburinta kaabayaasha beeraha waraabka sida kanaallada, biyo xireennada iyo waddooyinka.
Ergo: Sidey ku dhashaan fatahaadaha ay webiyadu sababaan?
Pro. Shaaciye: Fathaadaha Soomaaliya waxay u kala qeybsamaan laba qeybood, mid webiyadu ay sababaan iyo kuwo ka dhashan dooxooyinka. Marka koowaad waxay noqon karaan roobab mahiigaan ah oo dhulka sare ee webiyadu ka yimaadaan biyuhu ay kasoo rogmadaan oo xagga Itoobiya ayay biyuhu ka yimaadaan, waxaa biyahaas ku biiraya roobab mahiigaan ah oo gudaha Soomaaliya ka da`a kadibna waadiyaasha ayaa roobabkaas biyahooda u geynaya webiyada, webigu wuu buux dhaafayaa oo biyo tankiisa ka badan ayaa soo galaya, kadibna sidaas ayuu ku fatahaa. Tan labaad waa fatahaad degdeg ah oo ka dhex dhacda waadiyada gobollada waqooyi ku badan ama gobollada koofureed sida Gedo, ama gobollada Togdheer, Waqooyi galbeed, Bari, Awdal, Nugaal iyo Sanaag.
Ergo: Labadaas qeybood tee baa waxyeello badan?
Pro. Shaaciye: Marka Soomaaliya la eego waxaa badan fatahaadaha webiyada, taas ayaana khatar badan. Waxaa sababa magaalooyinka iyo deegaannada faraha badan iyo beeraha ku teedsan, biy xireennada, biyo aan la filayn oo imaan kara iyo dhulkooa oo ka hooseeya webiyada. Waadiyada qudhoodu si joogto ah biyo uma sidaan waqtigooduna lama ogaan karo, waxayna ku yaallaan deegaanno aysab roobab badan ka di`in laakiin marka ay ku da`aan roobab culus way sababaan daadad. Sida Boosaaso, Qardho, Garowe iyo magaalooyin yaryar oo laamiga ku teedsan. Magaalooyinka Burco, Arabsiyo iyo Hargeysa waxaa ku yaalla waadiyo geysan kara fatahaad, dhulalkaas waxaa ku yaalla silsildda buuraha ee Golis kana soo bilaabata xadka Soomaaliya ay Itoobiya kala leedaha galbeedka gobolka Awddal ee sii mara Waqooyi galbeed, Shiikh, Ceerigaabo, Bari ilaa Raascaseyr.
Ergo: Maxaa dhaliya fatahaadaha Soomaaliya?
Pro. Shaaciye: Fatahaadaha waxaa dhaliya roobab lixaad leh oo ku da`a dhulka sare una soo rogamada dhulka siman ama godan ee hoos soo jira, biyahaas oo fara badan ayaa waxaa soo qaada webiyada, waxayna dhacdaa marka ay roobab mahiigaan ah da`aan.
La soco qoraalka Talaadada dambe
Haddii aad u baahato wareysiyada dadka oo ka warramaya dhibaatooyinka ay kala kulmaan fatahaadaha qaybtooda 1aad ka dhegeyso barnaamijkeenna raadiyo Ergo ee Isniinta 15 Luulyo 2013.
Fatuma Maalim/Mr









