
Kumannaan qaxooti Soomaali ah oo ku nool dlka Koofur Afrika ayaa caqabado kala kulmaya siddii ay waxbarashadooda uga sii wadan lahaayeen dalkaas. Koofur Afrika oo kumaan dhalinyaro Soomaali ah ay halis ugaliyaan naftooda siddii au tagi lahayaaan ayaa waxaa tirada ku nool qaxootiga Soomaalida ah ee ku nool lagu qiyaasaa lixdan kun oo qof oo Soomaali.
Sideetan boqolkiiba Soomaalida ku nool Koofur Afrika waa dhalinyaro badidood ka qalin-jabiyay dugsiyada sare ee Soomaaliya. Laakiin lixdan Soomaali ah oo tiradaas ka mid ah ayaa wax ka dhigta saddex iyo labaatanka jaamacadood ee Koofur Afrika ku yaal. Tiradaas aad ayey u yartahay marka la eego Soomaalida ku nool dalkaas.
Laakiin weriyaha Ergo ee Koofur Afrika wuxuu leeyahay dhalinyarada soomaalida ah aad ayey u jeclaan lahaayeen inay jaamacadaha tagaan oo ay wax ka bartaan balse deeqaha waxbarasho ee ay heli karaan oo aad u yar ayaa niyad jabiyay.
Cabdiraxmaan Mustaf Maxamed oo ka mid ah ardayda tirada yar ee Soomaaliyeed, cilmiga daawaynta noolaha ka barta jaamacada Forte Hare ee Koofur Afrika ayaa raadiyoow Ergo u sheegay in dhalinyaro badan oo Soomaali ah oo dhibcooyin sare uga qalinjabiyay dugsiyada dalka, rajana ka qabay in Koofur Afrika waxbarasho jaamacadeed ay ka helaan ay hungoobeen.
Cabdiraxmaan Mustaf Maxamed wuxuu intaa ku daray in waxbarashada Koofur ay aad u qiimo sareyso islamarkaasna ay adag tahay in qof qaxooti ah oo aan haysan deeq waxbarasho uu iska bixiyo. Cabdiraxmaan wuxuu intaa ku daray in bulshada Soomaaliyeed ee Koofur Africa naftooda ay qeyb ka yihiin caqabadaha hor taagan in dhalinyaro badan ay jaamacadaha tagaan sababtoo ah buu yiri “ma jirto dheeri gelin iyo taageero midna”.
“Marka aad damacdo inaad waxbarasho jaamacadeed raadiso, qof walba oo soomaali oo aad wareystid wuxuu ku leeyahay meeshan xamaali baa loo yimid ee xamaalo,” sidaas waxaa raadiyow Ergo u sheegay Cabdiraxmaan Mustaf Maxamed oo cilmiga daawaynta noolaha ka barta jaamacada Forte Hare.
Laakiin tiro yar oo Soomaali ah ayaa deeqo waxbarasho ka hela hay’addo islaami ah oo Koofur Afrika ka howlgala iyo hay’adda qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNHCR. Axmed Cadnaan oo cilmiga Injineernimada ka barta jaamacada Johannesburg oo ka mid ah ardayda kooban ee deeqa waxbarasho helay ayaa raadiyoow u sheegay in sharuudaha kala xulashada ardayda ay aad u adag tahay, soomaalidana badi ay ku adag tahay inay helaan sababa la xariira luuqada ingiriiska oo aysan si fiican ugu baasin maadaama dalkooda aan looga hadlin.
Tiro ka yar labaatan Soomaali ah oo ka mid ah lixda wax ka barta jaamacadaha Koofur Afrika ayaa helay deeqo waxbarasho oo u badan in qeyb ka mid ah lacagta jaamacada iyo nolosha laga bixiyo.
Dhalinyarada Soomaaliyeed ee Koofur Afrika ku nool waxay weydiisanayaan dowladda Soomaaliya in deeqo waxbarasho ay u weydiiso Koofur Afrika. Cusmaan Suleymaan oo cilmiga dhaqaalaha iyo xisaabaadka ka barta jaamacada Johannesburg wuxuu raadiyoow Ergo u sheegay in dowladda koofur Afrika ay deeqo waxbarasho ay u fidiso ardayda dalalka ay xariirka dimlumaasiyadeed ay leeyihiin.
“Si fudud baynu deeq waxbarasho ku heli karnaa haddii dowladda Soomaaliya ay deeqaha waxbarashada ku darsato liiska waxyaabaha ay kala hadlayso dowladda Koofur Afrika,” sidaas waxaa Ergo u sheegay Cusmaan Sulaymaan. Si kastaba, soomaalida ugu badan ee ku nool Koofur Afrika waxay ka shaqeeyaan dukaamo ku yaal tuulooyinka ka fog fog magaalooyinka, iyadoo mararka qaar naftooda ku waaya weeraro burcad Koofur Afrikaan ah ku qaadaan.
Cabdinaasir Saxansaxo/MR








