
Ururka caawiya haweenka reer miyiga ee Pastoralist girls initiative ayaa isbitaalkan dhisay, waxaana ku baxday lacag dhan 5 milyan oo shilinka Kenya ah. Faadumo-kinsi Cabaas oo madax ka ah ururkan ayaa sheegtay in qiimeyn ay sameeyeen kadib ay ku ogaadeen in tuulada Dhiciso aysan isbitaal qabin isla markaana ay ka jiraan teendhooyin yaryar oo dadka lagu daweeyo.
“Mararka qaar daawooyinka loo keeno way ku halaabaan teendhooyinka, dhibka ugu badan haweenka ayaa la kulma sababtoo ah marka ay fool qabato haddii loo soo qaado isbitaalka Gaarisa waxaa laga yaabaa inay waddada ku geeriyoodaan daryeel la`aan darteed ama qaarkoodna ay guryaha isaga dhalaan taasoo aan wanaagsaneyn.” Ayay tiri Faadumo-kinsi.
Axmed Kuusow oo ah madaxa tuulada Dhiciso ayaa sheegay in isbitaalku uu faa`iido weyn u yahay haweenka iyo carruurta isla markaana ay ka helayaan daryeel caafimaad oo markii hore aysan heysan, haween badanna ay xilliga dhalmada u geeriyoodeen daryeel la`aan.
Faadumo Ismaaciil Shuuriye oo ka mid ah haweenka tuuladaas ayaa Raadiyo Ergo u sheegtay in haddii ay carruurta ka xanuunsadaan ay guriga ku daweyn jireen oo aysan awoodin inay magaalada Gaarisa usoo qaadaan, sidoo kalana ay joogaan carruur badan oo nafaqo darro ay heso, “Isbitaalka daawo iyo daryeel ayaan ka heleynaa, ma jiri doonto in guryaha lagu umulo ama Gaarisa inta loo sii socdo dhexda lagu umulo.” Ayay tiri Faadumo.
Samsam Cabdikariim/FM/AM








