Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Cabashooyin laga soo sheegayo wadooyinka isku xira Shabeellaha hoose iyo Muqdisho

Radio Ergo by Radio Ergo
July 17, 2013
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankWaxaa beryhanba ka jirtay cabashooyin ka imanayay waddooyinka isku xira shabeellada Hoose iyo Muqdisho, kuwaasoo  ka dhashay jidgooyooyin ay sameeyaan kooxo ku labbisan dareyska ciidamada dawladda.

Sida badan cabashadan waxay ka timid gaadiidleyda isticmaasha waddooyinkaas oo sheegay in laga qaato lacago badan taasoo ayan awoodin, haddii ayan dhiibinna ay ka dhalato dhibaato loo geysto dadka rakaabka ah, sida faraxumeyn loo geysto haweenka.

Isbaarooyinkan waxay ka soo bilowdaan meesha lagu magacaabo siinka dheer , deegaanka Ceelasha biyaha, deegaanka Lafoole halka loo yaqaan Shanta waxayna is daba yaalliin ilaa Afgooye sida uu idaacadda Ergo u sheegay weriye Maxamed Cabdi oo ku sugan degmada Afgooye.

Ciise Bariis oo ah guddoomiye ku xigeenka gaadiidleyda Afgooye ayaa  ku tilmaamay iney u adkeysan waayeen dhibaatada joogtada ah ee dhaqaale iyo amni oo ay ku hayaan jidgooyooyinka. “ Ma aha mid aan u sii dulqaadan karno in nalaka qaato wixii aan maanta oo dhan shaqeyneynay, waxaa bixinnaa in ka badan hal milyan iyo wax ka sii badan iyadoo ay taasi inoo dheer tahay amni darro, sidaas darteed ayaa kalliftay inaan gebi ahaanba joojinno shaqadeennii” ayuu yiri  Ciise Bariis.

Mar uu raadiyo Eargo weydiiyay inta ay sii wadi doonaan shaqo joojintooda wuxuu sheegay ee uu yiri”  Ma jirto xilli go`an ee waxaan ka war sugeynaa ballamadii ay qaadeen hay`adaha aminiga oo haddii ay ku guuleysan waayanna waan wadi doonnaa shaqo joojinta gaadiidka”

“ Isbaarooyinku sharci maaha, mid aan og nahayna maaah, waa wax aan innagu la yaabnay, waddo walba oo aan u marnana xal aan u waynay, waxaan  naga soo hartay uun keliya inaan dhahno Ilaah ummaddaas dhibka ha ka qaado” sidaasna waxaa yiri guddoomiyaha aminga deegaanka Afgooye Mahdi Xassan mar uu wareysi siinayay idaacadda Ergo.

Mar la weydiiyay Mahdi sababta keentay in wax looga qaban waayay arrintan maaddaama uu yahay guddoomiyihii amniga ee Afgooye, wuxuu ku jawaabay iney taasi la xiriirto iyadoo ayan dawladdu gacanta ku wada haynin hawlaha amniga ee deegaankaas, iyo ineyan ciidamadu qaadanin wax mushahar ah taasina ay keentay iney burcadda iyo kooxo kale oo dawladda ka soo horjeeda ay sidey rabaan ka yeelaan.

Wuxuu qiray guddoomiyaha amniga Afgooye oo kale iney jiraan dhibaatooyin kale oo la xiriira jidgooyooyinka oo ah in lagu faraxumeeyo haweenka, welibana ay halkaasi ka dhaceen dhowr fal oo ku  lug leh kufsi.  Falalkaas kufsiga lana xiriira jidgooyooyinkaas deegaanka Leega oo u jirta ilaa 30km degmada Wanla weyn, waxaana sidaas caddeeyay guddoomiyiaha degmada Leega Abuukar Cabdullaahi “Al caddaala oo sheegay in ilaa 5 haween ah oo mid uur leedahay lagu kufsaday deegaankaas sida uu ugu warramay weriye Maxamed Cabdi Afgooye.

Demada Marka ee Shabeellada Hose ayaa waxaa shalay lagu qabtay kulan weyn oo ay ka soo qaybgaleen gaadiidleyda Shabeellada Hoose iyo maamulka gobolkaas, waxayna ku ballameen in dhamaan laga qaado isbaarooyinka dhex yaal gobolkaas, layskana kaashado sii wax looga qaban lahaa. Hawlgalladan lagaga hortagayo jidgooyada ayaa marar badan ooh ore la qabtay hase ahaatee muddo ka dibba soo noqnoqda.

Previous Post

TUULADA DHICISO OO HESHAY RUG CAAFIMAAD EE DHALMADA HAWEENKA

Next Post

WAJIGA LABAAD EE TALLAALKA DABEYSHA OO KA BILOWDAY KISMAAYO

Related Posts

Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye

July 7, 2026
Colaad nolol xumo galisay kumanaan qoys oo ku barakacay Shabeellaha hoose
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Colaad nolol xumo galisay kumanaan qoys oo ku barakacay Shabeellaha hoose

July 2, 2026
Qoysas markii labaad barakacay sanadkan oo Jubbada hoose ku wajaha xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas markii labaad barakacay sanadkan oo Jubbada hoose ku wajaha xaalad nolol xumo

June 24, 2026
Dhadhaab: Haween ka soo kabtay ganacsiyo ka burburay markii la siiyay lacag amaah ah
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Haween ka soo kabtay ganacsiyo ka burburay markii la siiyay lacag amaah ah

June 19, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qiimo la’aanta ku dhacday lacagta dalka oo wiiqday rajada ganacsatada Baydhabo

June 18, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku nool Dhuusomareeb oo nolol xumo haysay uga baxay ka ganacsiga birta duugga ah

June 15, 2026
Next Post
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

WAJIGA LABAAD EE TALLAALKA DABEYSHA OO KA BILOWDAY KISMAAYO

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 09-JUL-2026

IDAACADDA 09-JUL-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 09-JUL-2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-JUL-2026
July 9, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-JUL-2026
July 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-JUL-2026
July 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-JUL-2026
July 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-JUL-2026
July 5, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo