Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

BARAKACAYAASHII MUQDISHO OO KA GUURAYA GUDAHA MAGAALADA

Radio Ergo by Radio Ergo
July 25, 2013
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankMudooyinkii la soo dhaafay waxaa jiray qorsho caalami ah  oo lagu doonayay in dadka barakacayaasha looga saaro magaalada Muqdissho  kaasi  oo iska kaasahanya an dowladda Soomaaliya iyo hay`adaha Qaramada midoobay marka loo gaaro bisha Agosto  arrintaan oo jirta ayaa boqolaal qoysas barakacayayaal ah oo ku noolaa gudaha magaalada Muqdisho ayaa dib u barakacay mar kale.

Dadkan ayaa lagu qasbay inay ka baxaan xeryaha ay magaalada ka daganaayeen oo isugu jira guryo dowlo iyo dhul si gaar ah loo leeyahay. Qoysas Soomaaliyeed oo ka badan 500 oo qoys ayey dowladdu labo toddobaad ka hor ka saartay xero agoon oo ku taal degmada Hodan ee magaalada Muqdisho. Dadkaas dowladda ma aysan siin deegaan kale oo hoy u noqda.  Waxaa ka sii horreeyay boqolaal kale oo ay dowladdu ka saartay xerada barakacayaasha Afisyooni oo burburka iyo colaadaha ka hor saldhig u aheyd ciidamada cirka.

Dowladda oo kaliya ma ahan cidda barakacayaasha ka saaraysa xeryaha laakiin amniga Muqdisho oo soo hagaagayey ayaa ku dhiirri geliyay in Soomaali badan dib ugu noqdaan magaalada Muqdisho si guryo ay lahaayeen oo labaatan iyo dhawr sano ka hor qaxeen dib ugu dhistaan, una dayac tirtaan. Qaar ka mid ah guryahaas waxaa degganaa dad barakacayaal ah, dhulalka dadkaasi lahaayeen ee xeryaha barakacu ku yaaleen waxaa ka mid ah xerooyinka, dugsigii 21ka Oktoobar oo sanadkii hore laga saaray, Afisiyooni oo bishii hore laga saaray, Boosniya iyo Ildalac oo ah degmada Hodan xeradii agoonta ee isbtaalka Digfeer bishii hore 500 oo qoys laga saaray, iyadoo goobahani isugu jireen xarumo dawladeed iyo dhul gaar loo leeyahay oo dadkii lahaa dhisme ku bilaabeen.

Barakacayaasha laga saaray xeryaha ay magaalada ka dagganaayeen ayaa bilaabay inay deegaan ka dhigtaan duleedka magaalada Muqdisho.  Dadkaas ayaa guryo cooshado ah ka dhisanaya deegaannada duleedka Muqdisho ku yaal ee Tabeellaha Sheekh Ibraahim, Sar-kuusta, xeradii hore ee ciidamada Asluubta, Ex-kaantarool Afgooye iyo dhulka bannaan ee duleedka magaalada dhaca,

Axmed Ibraahim wuxuu kamid yahay dadka laga saaray magaalada wuxuuna degganaa  guri ay lahayd dowladda Soomaaliya waxa uuna xilligan gaaray Tabeelaha Sheekh Ibraahim, isagoona raadiyo Ergo u sheegay  in ay yihiin dad garanwaayay meel u dhaanta meesha ay xilligan soo gaareen.”Waxaan soo gaarnay dhul bannaan mana jirto kaalmo aan helnay  habayaraatee, iyadoo ay noo dheertahay cabsi amaan maadaama ay goobtaan degnay tahay degaan cusub oo aysan ka jirin adeegyadii asaasiga ahaa”

Nuur Cali waxaa isna laga saaray dhul ay lahaayeen dad, isagoona hadda degsiimo ka dhigtay Tabeelaha Sheekh Ibraahim, isagoo Ergo la hadalayana wuxuu sheegay inay tahay markii saddexaad ee uu cooshad uu dhistay ka barakaco, inkastuusan xusin waqtiyada uu  hore u qaxay ayuuse intaas ku daray in uu leeyahay 5 carruur ah, xilligaanna uusan shaqayn, magaaladii uu ka xoogsan jirayna uu ka soo baxay, uuna ku gaari karo gaari uu raaco, mase haysto waxaan ku bixiyo gaadiidka aan ku tegi lahaa,  waxaanna u banahay gargaar caalamiya ayuuna hadalkiisii ku soo koobay.

Maariya waa mid kamida haweenka u ololeeya dadka barakacayaasha  waxa ayna kaam ku leedahay meel ku dhow xaruntii hore ee ciidamada Asluubta waxa ay u sheegtay Ergo in xilligan dadka ay ka soo baxayaan magaalada arrimo badan oo ay ka midyihiin in dowladad Soomaaliya ay ku celcelisay in dadku ay ka baxaan magaalada si loo soo celiyo bilicda magaalada.

Maariya waxay sidoo kale sheegtay in dadkan aysan haysan gargaar  dadkuna ay yihiin kuwa ka imaanaya magaalada gaar ahaan meelaha dowladdu lahayd waxay xustay in xilligan  ay kaamamka soo gaarayaan dad ka yimid Afsooyooni Waaberi iyo meelo kale oo dadka laga soo saaray. Marka laga hadlayo deegaanka dadku gaareen waa meel ka baxsan magaalada waxaa xilligan jiray in ay abuurmeen rugo ay gawaarida ka baxaan oo gaar u ah deegaannada ay deggan yihiin barakacayaasha waxaana xilliyada galabtii dadka ugu badan ee raaca ay yijiin kuwa barakacayaasha oo dib ugu laabanaya kaamamka ay ka soo qaraab tageen

Mustafe Muxumad Cumar oo ah u qaybsanaha arrimaha barakacayaasha Muqdisho ee xafiiska xiriiriya arrimaha bani’aadannimo ee Qaramadda Midoobay OCHA ayaa Ergo u sheegay in bisha ramadaan oo la guda galay, arrimo dhinaca ammaanka oo soo kordhay iyo arrimo farsamo oo kale ay suurto gal ka dhigi karto dibu dhac aan waqti dheer ahayn oo ku yimaada qorshihii la doonayey in looga raro barakacayaashii gudaha Muqdisho, isagoona intaas ku daray in hawshii raristu waqtigaan u socoto si xawli leh.

Abdulkadir/MH

Previous Post

MADBACAD CUSUB OO LAGA HIRGELIYAY MAGAALADA KISMAAYO

Next Post

NAAFADA CADAADO OO GARGAAR CODSANAYSA

Related Posts

Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye

July 7, 2026
Colaad nolol xumo galisay kumanaan qoys oo ku barakacay Shabeellaha hoose
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Colaad nolol xumo galisay kumanaan qoys oo ku barakacay Shabeellaha hoose

July 2, 2026
Qoysas markii labaad barakacay sanadkan oo Jubbada hoose ku wajaha xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas markii labaad barakacay sanadkan oo Jubbada hoose ku wajaha xaalad nolol xumo

June 24, 2026
Dhadhaab: Haween ka soo kabtay ganacsiyo ka burburay markii la siiyay lacag amaah ah
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Haween ka soo kabtay ganacsiyo ka burburay markii la siiyay lacag amaah ah

June 19, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qiimo la’aanta ku dhacday lacagta dalka oo wiiqday rajada ganacsatada Baydhabo

June 18, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku nool Dhuusomareeb oo nolol xumo haysay uga baxay ka ganacsiga birta duugga ah

June 15, 2026
Next Post
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

NAAFADA CADAADO OO GARGAAR CODSANAYSA

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 09-JUL-2026

IDAACADDA 09-JUL-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 09-JUL-2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-JUL-2026
July 9, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-JUL-2026
July 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-JUL-2026
July 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-JUL-2026
July 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-JUL-2026
July 5, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo