Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

AMNI DARRADA MUQDISHO OO SOO KORDHEYSA

Radio Ergo by Radio Ergo
July 24, 2013
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankIyadoo lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa labadii toddobaad ee ugu dambeeyay waxa aad u kordhay weerarrada ka dhaca gudaha magaalada muqdisho kuwaasoo isugu jira dilal, qaraxyo, bambaanooyin lala beegsanayo dadweyne iyo goobo ganacsi iyo dagaallo toos ah oo dhowaanahanba ay ka nasatay magaalada Muqdisho.

Dadka la dilayo waxay isugu jiraan shacab, askar, ganacsato iyo mas`uuliyiin, waxaana ugu dambeysay dilalkii loo geystay Raxmo Daahir Siyaad, guddoomiye ku xigeenkii maamulka degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir oo la dilay 17kii bishan xilli ay gurigeeda kusii jeedday iyo Dr. Cismaan Cabdiraxmaan Fiqi oo ahaa agaasimihii isbitaalka Daarul shifaa ee Muqdisho waxaana la dilay 19kii bishan.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa ku doodaya in weli ammaanka Muqdisho lagu tilmaami karo mid la isku halleyn karo. Maxamed Yuusuf Cismaan oo ah afhayeenka maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay, “Amniga Muqdisho waa mid 100% la isku halleyn karo, amniga dadka ayaa gacantooda ku keensaday waxayna kala shaqeeyaan hay`adaha ammaanka.” Ayuu yiri afhayeenka.

Cabdikaafi Hilowle Cusmaan oo ah xoghayaha maamulka gobolka Banaadir oo ka hadlayay isu soo bax ka dhacay Muqdisho loogana cabanayo amni darrada soo korortay ayaase qaba in amni darrada ay qeyb ku leedahay dowladda isagoo u sababeeyay in dadaka dilalka iyo qaraxyada geysta marka lasoo qabto inaan cadaaladda la marin xabsigana maxkamad la`aan looga soo daayo.

“Dhammaan degmooyinka ma oggolaan karno in lasoo daayo oo lagu soo celiyo qof dad dilay, waxaan ka codsaneynaa dowladda inay arrintan fiiro gaar ah u yeelato.” Ayuu yiri Cabdikaafi.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay si aad ah u dareensan tahay amni darrada ka jirta magaalada, balse ay ku kooban tahay xaafadaha qaar, isla markaana lagala xisaabtami doono maamullada ay hoos tagaan xaafadahaas.

“Maxaa Wada jir, Hodan iyo Yaaqshiida kala duway, maamullada degmooyinka way kala garan karaan dadka qaska wada, way aqoonsan karaan dadka kusoo kordhay xaafadahooda ee waa inay soo qabtaan.” Sidaa waxaa shir jaraa`id oo uu saxaafadda u qabtay ku sheegay wasiirka warfaafinta Cabdillaahi Ciilmooge.

Khubarrada ammaanka ayaa sheegaya in dowladda ay weysay inta badan saraakiishii ammaanka gacanta ku heysay sanadihii ugu dambeeyay, sidoo kalana qorshayaasha ammaanka iyo tallaabooyinka la qaado uu ka muuqdo jileec badan. Jaamac axmed siyaad oo ah khabiir falanqeeya arrimaha ammaanka oo Muqdisho ku sugan ayaa sheegay,

“Daldaloolooyinka ammaan darrada dhan waa furan yihiin, dowladduna wax buuran kama qaban ammaanka Muqdisho, magaalada waxa soo galaya iyo waxa ka baxaya cedna ma koontaroosho, waddooyinka soo gala Muqdisho ma lahan koontaroollo yaalla, Muqdisho waxay hadda u ektahay dukaan qofkii lahaa  inta uu albaabada u furay isga tegay oo qofkii doona uu galo wuxuu doonana ka qaato.” Ayuu yiri Jaamac.

Raysal waasaare Cabdi Faarax Shirdoon ayaa ballan qaaday in si deg deg ah wax looga qabanayo ammaanka magaalada Muqdisho, ayna jiraan qorshooyin ay waddo dowladda.

“Ammaanka waa walaaca ugu weyn ee ina heysta, waxaan ku hanweyn nahay inaan sameyno qorshey wax looga qabanayo, sida inaan guri guri magaalada Muqdisho u galno una hubinno ammaankeeda.” Ayuu yiri raysal wasaaraha.

Shacabka Muqdisho ayaa aad uga walaacsan sida ay wax u socdaan, iyagoo hadda ay dadka yareeyeen isu imaatinka meelaha qaar waxaa sidoo kale la adkeeyay ammaanka hoteellada, xarumaha dowladda iyo dhismayaasha ay hay`adaha deggan yihiin.

Yuusuf Keynaan/FM/AM

Previous Post

DAD CUDURKA DABEYSHA UGU GEERIYOODAY BELEDWEYNE

Next Post

MADBACAD CUSUB OO LAGA HIRGELIYAY MAGAALADA KISMAAYO

Related Posts

Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye

July 7, 2026
Colaad nolol xumo galisay kumanaan qoys oo ku barakacay Shabeellaha hoose
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Colaad nolol xumo galisay kumanaan qoys oo ku barakacay Shabeellaha hoose

July 2, 2026
Qoysas markii labaad barakacay sanadkan oo Jubbada hoose ku wajaha xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas markii labaad barakacay sanadkan oo Jubbada hoose ku wajaha xaalad nolol xumo

June 24, 2026
Dhadhaab: Haween ka soo kabtay ganacsiyo ka burburay markii la siiyay lacag amaah ah
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Haween ka soo kabtay ganacsiyo ka burburay markii la siiyay lacag amaah ah

June 19, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qiimo la’aanta ku dhacday lacagta dalka oo wiiqday rajada ganacsatada Baydhabo

June 18, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku nool Dhuusomareeb oo nolol xumo haysay uga baxay ka ganacsiga birta duugga ah

June 15, 2026
Next Post
MADBACAD CUSUB OO LAGA HIRGELIYAY MAGAALADA KISMAAYO

MADBACAD CUSUB OO LAGA HIRGELIYAY MAGAALADA KISMAAYO

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 09-JUL-2026

IDAACADDA 09-JUL-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 09-JUL-2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-JUL-2026
July 9, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-JUL-2026
July 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-JUL-2026
July 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-JUL-2026
July 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-JUL-2026
July 5, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo