Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Masiibooyinka

WAREYSI: GUDDOOMIYAHA URURKA ARRIMAHA DEEGAANKA EE SOMESHA

Radio Ergo by Radio Ergo
June 26, 2013
in Masiibooyinka
0
SAADAASHA HAWADA IYO ROOBABKA SOOMAALIYA
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Waxaan istuudiyaha raadiyo Ergo wareyski kula yeelannay wariye Daa`uud Cabdi Daa`uud oo ah guddoomiyaha ururka arrimaha warbaahinta deegaanka ka shaqeeya ee SOMESHA, Daa`uud ugu horreyn wuxuu ka warramayaa waxa uu ururku ka shaqeeyo.

Daa`uud: SOMESHA waa urur ka shaqeeya arrimaha warbaahinta deegaanka, beeraha, caafimaadka iyo sayniska, wuxuuna tababar siiyaa weriyeyaasha, waxaan la asaasay sanadkii 2010kii

Ergo: Xagguu ka howlgalaa?

Daa`uud: Uurka xaruntiisa weyn waa magaalada Muqdisho, waxaan xarumo ku leennahay Puntland iyo Somaliland.

Ergo: Sababaha ururka loo sameeyay waa maxay?

Daa`uud: Markaan aragnay in weriyeyaasha inay ku liitaan soo tebinta arrimaha deegaanka iyo kheyraadka dalka, ayaan go`aansannay inaan ururkan sameyno si aan weriyeyaasha ugu tababarno tebinta arrimaha beeraha, cimilada, deegaanka, caafimaadka iyo sayniska iyo tiknolojiyada.

Ergo: Maxaa u qabsoomay muddadaas ururuka?

Daa`uud: Bishii Nofembar sanadkii 2011kii ayaan tababarkii ugu horreeyay weriyeyaasha ugu qabannay magaalada Muqdisho gobol walbana hal weriye ayaa ka yimid, waxaana garab nagu siiyay ururka weriyeyaasha deegaanka ee EFEJ oo aan xubin ka nahay. Waxaana weriyeyaasha la baray sidii ay wax uga qori lahaayeen deegaanka, beeraha iyo is beddelka cimilada adduunka oo ah arrimaha ugu muhiimsan ee maanta dunida ka jira. Bishii Maarso ee sanadkan dhexdiisana waxaan xarunta ururka jilaayaasha aan dowliga ahayn ee SOSCIENSA  ku qabannay siminaar laba maalin ah oo ay kasoo qeyb galeen beeralleyda, takhaatiirta caafimaadka, ururrada bulshada rayidka ah iyo ardayda jaamacadaha, waxaana lagu gorfeeyay is beddelka cimilada.

Ergo: Waxaan ognahay in sanad walba dad Soomaaliyeed ay dhibaatooyin kasoo gaarto fatahaadaha webiyada iyo roobabka, sideed weriyeyaasha ugala shaqeysaan inay u soo tebiyaan?

Daa`uud: Run ahaantii weriyeyaasha waxaan siinnaa tilmaamo markay dhacaan fatahaado, tusaale ahaan fatahaadihii gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan waxaan weriyeyaasha ka caawinnay sidii ay u soo tebin lahaayeen, iyagana khibrad ayay u ahayd. Fatahaadahaas waxay u dhaceen iyadoo aysan dalka ka jirin hay`ado ka diga isla markaana xakameeya fatahaadaha, mana jiraan qorshe dowladeed oo loogu talo galay biyo xireenno lagu keydiyo biyaha si hadhow loo isticmaalo.

Ergo: Adinka haddaad tihiin ururka SOMESHA, yaa idinka taageera helitaanka khubarada ku takhasusay arrimaha deegaanka?

Daa`uud: Waxaan la wadaagnaa markey wax soo kordhaan hay`ad arrimaha degaanka ak shaqeysa oo lagu magacaabo ISIPPE , FAO, wasaaradda kheyraadka dowladda iyo UNODC, ayaga ayaa naga taageera arrimaha deegaanka.

Ergo: Yaa dhaqaale ahaan idinka caawiya tababarka weriyeyaasha?

Daa`uud: Ilaa hadda cid si rasmi ah noo caawisa malaha, marka laga reebo ururka arrimaha deegaanka ee EFEJ oo tababrkeennii ugu horreeyay aay kala kaashannay, waxaan ka codsan lahaa ced walboo arrimaha deegaanka ka shaqeysa inay nagala shaqeyso tababarka weriyeyaasha ee arrimaha deegaanka, beeraha iyo sayniska.

Mursal/FM

Previous Post

Barakacayaal ku dhibaateysan xerada Margaaga ee gobolka Mudug

Next Post

Barakacayaal ku dhibaateysan tuulooyin ku teedsan Ceelcadde

Related Posts

Jalalaqsi: Xoolo dhaqato-beeralay abaartu saamaysay oo nolol adag ku wahajaya xeryo ku yaalla magaalada
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Cunno xumo, biyo yari iyo hoy la’aan isku biirsaday qoysas soo maciin bidday xeryo ku yaalla Jowhar

January 8, 2026
Soomaaliland: Xoolo-dhaqato kireeya geel irmaan si ay cunno ugu helaan carruurtooda
Cunto-Yaraanta

Hargeysa: Nolol xumo soo wajahday qoysaska ka ganacsada caanaha geela saamaynta abaarta darteed

January 7, 2026
Cunno xumo iyo go’doon ka dhashay fatahaad uu gaystay webiga Shabeelle
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Cunno xumo iyo go’doon ka dhashay fatahaad uu gaystay webiga Shabeelle

November 5, 2025
Awdal: Daymo ay qaateen beeraleyda tuulada Ruqi oo sababay in ay xirmaan goobo ganacsi
Beeraha Iyo Xoolaha

Awdal: Daymo ay qaateen beeraleyda tuulada Ruqi oo sababay in ay xirmaan goobo ganacsi

April 25, 2025
Galgaduud: Nolol-xumo ka dhalatay daad barakiciyay qoysaskii ku noolaa tuulada Docolley
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Galgaduud: Nolol-xumo ka dhalatay daad barakiciyay qoysaskii ku noolaa tuulada Docolley

May 26, 2024
Dab kale oo burburiyay qayb ka mid ah suuqa Bakaaraha kaas oo sababay burbur dhaqaale
Arrimaha Bulshada

Dab kale oo burburiyay qayb ka mid ah suuqa Bakaaraha kaas oo sababay burbur dhaqaale

May 21, 2024
Next Post
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Barakacayaal ku dhibaateysan tuulooyin ku teedsan Ceelcadde

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 23-APR-2026

IDAACADDA 23-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 23-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-APR-2026
April 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-APR-2026
April 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-APR-2026
April 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-APR-2026
April 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-APR-2026
April 19, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo