Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kismaayo: Shacabka oo khasaaraha ugu badan kasoo gaaray dagaalka

Radio Ergo by Radio Ergo
June 10, 2013
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter
blank
Photo | Gabadh dhaawac ah oo jiifta mid ka mid ah qolalka isbitaalka dhexe ee Kismaayo/Khadar Maxamuud Xareed

Dhibaatada iyo khasaaraha ugu badan ee dagaalkii labada maalin socday ee Kismaayo ka dhacay ayaa soo gaaray dadka rayidka ah. Hubka ay isku ridayeen maleeshiyada ku dagaallamay magaalada ayaa ku dhacay guryo dad rayid ah ku nool yihiin oo ay ku dhinteen toban qof oo rayid ah, inta saraakiisha caafimaadka ay xaqiijiyeen.

Xabiibo Xooshoow Aadan oo deggan xaafadda Dalcadda ee Kismaayo oo dhaawac ah ayaa raadiyo Ergo u sheegtay in hoobiye kusoo dhacay gurigeeda uu dilay gabar yar oo ilmaheeda ka mid ah, dhaawacna u geystay iyada iyo labo carruur ah oo kale.

Xabiibo Xooshoow waxay sheegtay in hoobiyayaal dhowr ah kusoo dhaceen xaafadda oo dhibta soo gaartay ay tahay mid ay la wadaagaan dadka ku nool Dalcadda Kismaayo.

Mid ka mid ah howlwadeennada caafimaadka ee isbitaalka Kismaayo ayaa raadiyo Ergo sheegay in isbitaalka ay jiifaan lixdan qof oo rayid oo dhammaan kusoo dhaawacmay dagaalka labadii maalin ka socday Kismaayo. Dhaawacyada ugu badan ee isbitaalka jiifa waxaa laga keenay xaafadda Dalcadda ee degmada Kismaayo ee gobolka Jubbadda Hoose.

Dhakhtarka ayaa intaa ku daray in dhawaacyada isbitaalka jiifa ay u badan yihiin dhaawacyo halis ah oo magaalada gudaheeda aan wax looga qaban karin.

Dhaawacyadaas waxaa ka mid ah gabadh yar oo xabad wiifto ah kaga dhacday foodda hore ee madaxa oo ay maskaxdana daadanayso.  Howlwadeennada caafimaadka ee isbitaalka dhexe ee Kismaayo ayaa ehellada gabadha u sheegay inaysan waxba u qaban karin, kuna taliyay in si deg deg ah loogu qaado magaalooyinka kale ee dalka ee laga heli karo adeegyo caafimaad oo hormarsan.

Howl-wadeen caafimaad oo isbitaalka ka tirsan ayaa Ergo u sheegay in isbitaalka uusan haysan qalab iyo daawo ku filan oo lagula tacaalo bukaannada kusoo dhaawacmay dagaalka magaalada ka dhacay.  Isbitaalka oo ay ka dhaamatay xitaa faashadaha lagu duubo dhaawacyada ayaa bixinaya adeega gargaarka oo deg deg ah.

Sarkaal ka tirsan isbitaalka dhexe ee magaalada wuxuu ugu baaqay hay’adaha gargaarka in lala soo gaaro gargaarka dawo oo deg deg ah.

Khadar Maxamuud Xareed/MR/FM

Previous Post

Ururka curyaamiinta gobalka Sh/dhexe oo ka cabanaya kaalmo la`aan

Next Post

Cadaado: Dad indhoolayaal ah oo cabanaya

Related Posts

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo

September 3, 2026
Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

August 29, 2026
Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo

August 28, 2026
Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda

August 24, 2026
Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo

August 10, 2026
Mandheera: Qoysas ka soo kaban waayay fatahaad baabi’isay beerahooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluunka laga jillaabto webiga oo badbaado kumeel-gaar ah u ah beeralayda Baarsanguuni

August 6, 2026
Next Post
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Cadaado: Dad indhoolayaal ah oo cabanaya

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 10-SEP-2026

IDAACADDA 10-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 10-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-SEP-2026
September 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-SEP-202
September 9, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-SEP-202
September 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-SEP-2026
September 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-SEP-2026
September 6, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo