Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhibaatadii ay ku reebtay fatahaadda tuulada xawaadley

Radio Ergo by Radio Ergo
June 6, 2013
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter
blank
Photo | Mutadawiciin xiriya qarka webiga Jawhar/Sawir/kaydka/Maryan/Ergo

Sokorey: “ In xilligan qofkii aan dooni heli Karin uu xaalku ku adag yahay”

Dadka ku dhaqan tuulada Xawaadleey oo ka tirsan degmada Balcad ee gobolka Shabeelada Dhexe ayaa ka cabanaya dhibaatadii ay ku reebeen fatahaadihii ay roobabka iyo webiga u geysteen. Dadkan ayay dhibaato ka haysataa isu socodkii gaadiidka iyagoo ay ku kalliftay iney isticmaalaan doonyo yaryar  si ay u raadsadaan maciishaddooda. Tuuladan oo ay ku nool yihiin dadka ka badan 5000 oo qof afartan kiiloomitirna ka xigta demada Balacad  dhanka waqooyi ayaa iminka ka go`an muddo labaatan maalmood ah degaannada kale ee gobolka shabeellada Dhexe.

Yuusuf Xasan oo kamida ah dadka deegaanka oo la soo xariiray radio Ergo wuxuu sheegay in xilligan xaalka deegaanka uu yahay mid adag dadkuna ay aad u saamaysay dhibaatadan, iyadoo ay ka baaba`een dalagyadii ay goosan jireen “Waxaan ku baaqaynaa in codkayaga uu  radio Ergo gaarsiiyo inta kaalmeysa dadka dhibaatada hayso, waxaan u baahanahay in nalaga taageero nolosha xitaa ha ahaato qalab aan ku kaluumaysanee” ayuu yiri Yuusuf

Sokoreey Ibraahim waa hooyo ku nool tuulada Xawaadleey waxa ayna sheegtay in xilligan  ay nolosha ay adag tahay in dadka ay ku yimaadaan doonyo qofkii aan doon heli karin uu xaalka ku adag yahay, dadka qaarna ay u barakaceen Gaalkacayo iyo dhinacaas, qaar kalena Muqdisho iyo gobollada dhexe arrimahaasi.

Mid ka mid ah odayaasha deegaanka kana gaabsaday magaciisa ayaa yiri” Biyuhu waxay dhamaan tuulada ka go’doomiyeen wax kasta, in ka badan laba toddobaad ayey dhex qotomaan tuuladda, habka keliya ee lagu soo gaari karanaa waa doon, bulshada calamkana in naloo soo gurmado ayaan ka codsanaynaa” ayuu yiri odeygaas
Qaar ka mida dadka deegaanka ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in qiimaha raashinka oo daadka sida bariiska oo kale oo ahaa daadka ka hor 12 kun oo shillin hadda uu yahay 18 kun, dadkuna ay fara maran yihiin, goobihii ganacsigu waa xirmeen,  daligii beeruhu guud ahaan waxaa qaaday daadka.

Roobabkag Gu`ga ee waxyeellaada ka geystay degaanno badan oo webiyada ku teedsan ayaa soo bilowday bishii Maarso ee la soo dhaafay, waxayna kallifeen iney dhulbeereedyo iyo degaanno kaleba ay wax yeelleen. Dhibaatada fatahaadaha ayaa ka noqday Soomaaliya kuwo soo noqnoqda oo aan taxaddar loo yeelan xilliyada roobabka ka sokow, iyadoo welibana hay`adaha saadasha webiyada iyo roobabka sida SWALIM ay ka soo saareen digniino aanan sidii la rabay ayan dadku uga faaiideysan.

Abdulkaadir Abdulle/MH

Previous Post

HAWEENKA 13 DEGMO OO KA TIRSAN PUNTLAND OO LA GUDDOONSIIYAY QALABKA XAFIISYADA

Next Post

Ururka curyaamiinta gobalka Sh/dhexe oo ka cabanaya kaalmo la`aan

Related Posts

Qoysas markii labaad barakacay sanadkan oo Jubbada hoose ku wajaha xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas markii labaad barakacay sanadkan oo Jubbada hoose ku wajaha xaalad nolol xumo

June 23, 2026
Dhadhaab: Haween ka soo kabtay ganacsiyo ka burburay markii la siiyay lacag amaah ah
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Haween ka soo kabtay ganacsiyo ka burburay markii la siiyay lacag amaah ah

June 19, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qiimo la’aanta ku dhacday lacagta dalka oo wiiqday rajada ganacsatada Baydhabo

June 18, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku nool Dhuusomareeb oo nolol xumo haysay uga baxay ka ganacsiga birta duugga ah

June 15, 2026
Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda

June 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Waxbarasho la’aan iyo cunno xumo ka dhashay fatahaad ka dhacday Qalaafe

June 8, 2026
Next Post
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Ururka curyaamiinta gobalka Sh/dhexe oo ka cabanaya kaalmo la`aan

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 26-JUN-2026

IDAACADDA 26-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 26-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 26-JUN-2026
June 26, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 25-JUN-2026
June 25, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 24-JUN-2026
June 24, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-JUN-2026
June 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-JUN-2026
June 22, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo