Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Xarun caafimaad oo markii ugu horreysay laga hirgeliyay kaamamka jowle ee duleedka garoowe

Radio Ergo by Radio Ergo
May 10, 2013
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankXarunta caafimaad ee ay fureen ururka caalamiga ah ee muhaajiriinta IOM iyo wasaaradda caafimaadka Puntland ayaa noqoneysa tii ugu horreysay ee laga furay meelaha ay deggan yihiin  dadka soo barakacay ee duleedka Bari ee Garoowe, halkaasoo ay joogaan in ka badan 7,000 oo qof  oo aan horey u haysan goobo lagu daryeelo kuwooda xanuunsan, waxaana xusid mudan inay magaalada aad uga fog yihiin xeryahaasi oo loo yaqaan kamamka Jowle.

Huseen Xasan oo ka tirsan IOM mar uu arrintan ka hadlay wuxuu yiri “Baahi weyn ayaa jirtay oo aan dhowr jeer aragnay taas ayaa keentay in aan dadaal deg deg ah sameyno si loo helo xarun caafimaad oo dadkan lagu daryeelo, waxaa ka howl geli doona 7 shaqaale ah oo wasaaradda hoos tegeya, qorshaha IOM ayey ka mid tahay sidoo kale waxaan ku rajo weynahay in aan goobaha barakacayaasha Puntland aan ku baahinno oo aan adeeggan gaarsiinno”.

Ma jirin xarun caafimaad oo ku taallay goobaha dadka barkacay ee duleedka Bari oo ka kooban 13-kaam oo ay ku nool dadkaasi, goobta ay dhistay Hay,adda IOM ayaa waxaa ay hoostegeysaa wasaarada caafimaadka Puntland oo la socon doonta adeegyada caafimaad ee ay u baahan tahay iyo sida ay u socdaan howlaheeda shaqo, waana xaruun ka kooban laba qeybood oo ah kala gargaarka deg degga ah iyo weliba qeybta hooyada iyo dhallaanka kuwaasoo ah adeegyada ugu muhiimsan ee aad loogu baahnaa marka loo eego dadka degganaa xeryahaas.

“ Waa bilow wanaagsan oo aan soo dhoweynayno sababtoo ah waxay baahi beel u tahay waqti badanoo hooyo dhalaysa iyo cunug xanuunsan aan magaalada kula ordi jirnay, mararka qaar xilliyada dambe habeenkii lama heli jirin gaadiid dadka lagu qaado, meeshan waa wadda jiingad oo carruurta haddii ay wax yeesho waa loo baahnaa meel lala gaaro, waxaan rajo ka qabnaa in horumar caafimaad oo buuxa aan halkaan ku helno.” Ayuu raadiyo Ergo u sheegay Maxamed Cabdiqani guddoomiyaha xerada Shabeelle ee xeryaha Jowle.

Marwo Saynab Ugaas Yaasiin wasiir ku xigeenka caafimaadka Puntland oo xarunta u furtay dadkaan waxay sheegtay howshaan in ay tahay mid samafal isla markaasna ay ka war hayn doonaan howlaha caafmaad ee goobta, iyadoo sheegtay in ay adeegyo kala geddisan oo casri ah keeni doonaan, waxay kaloo dar daaran u jeedisay shaqaalaha caafimaadka oo ay ka dalbatay in ay dadkan ugu shaqeeyaan si hufan oo bini’adannimo iyo tixgelin ku jirto.

Saleebaan Maxamed Cali guddoomiyaha kaamka Banaadir oo ka tirsan kaamamka Jowle oo hadda ka hor la hadlay idaacadda Ergo wuxuu sheegay “Nadaafad darrada ayaa ah mida keenta baahida ugu weyn ee goobo caafimaad oo ay halkan helaan, muddo laba sano ah ayaan deggan nahay xeryahan balse ma helin adeegyo caafimaad xilli kasta oo gurrigaaga iyo qoyskaaga ay la soo deristo xaalad caafimaad waa in dhaqaale kaa baxaa taasna waa caqabad weyn”.

Kaamamka Jowle waxay Garoowe kaga beegan yihiin dhinaca bari ilaa 2km, waxaana deggan 1800 qoys oo u dhigma 7000 oo qof sidaasi waxaa Ergo u sheegay Saleeban Cali, barakacaashuna waxay adeeggan helayaan xilli ay aad ugu baahnaayeen oo ay waqti dheer sugayeen waxaa kaloo jirta in waqtigan oo kale ay dhashaan xanuunno badan oo ku dhaca carruurta kuwaasi oo ka dhasha biyaha dhulka fariista ee waqti roobaadka, kaamamka Jowle waa dhul u nugul cudurradaas haddii aan laga hortegin sababtoo ah ma leh nadaafad wanaagsan, haatanse arrintaani waxay wax badan ka beddelaysaa xaaladihii caafimaad ee dadkan haystay.

Cabdiraxman Maxamed Xaaji/MH/FM

Previous Post

DEGMADDA JANAALE OO AY KA TAGAN TAHAY ADEEG LA’AAN CAAFIMAAD

Next Post

KALLUUMEYSATO DIB LOOGU CELIYAY KENYA

Related Posts

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

April 21, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
Next Post
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

KALLUUMEYSATO DIB LOOGU CELIYAY KENYA

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 21-APR-2026

IDAACADDA 21-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 21-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-APR-2026
April 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-APR-2026
April 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-APR-2026
April 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-APR-2026
April 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo