Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Puntland: burcad-badeeda waa la cirib-tiray

Radio Ergo by Radio Ergo
May 28, 2013
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankMaamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa sheegay in kooxaha burcad-badeeda ah ee maraakiibta shisheeye ka qafaalata xeebaha gacanka cadmeed iyo kan bad weynta Hindiya laga cirib-tiray xeebaha iyo barriga deegaanada Puntland.

Agaasimaha guud ee wakaalada la dagaalanka burcad badeeda ee wasaarada dekaddaha iyo gaadiidka badda ee Puntland Cabdirisaaq Maxamed Dirir ayaa Ergo u sheegay in ciidamada badda ee Puntland ay burburiyeen saldhigyada kooxaha burcad-badeedda ahi ku lahaayeen degmooyinka Eyl, Garacad iyo Baargaal oo ka tirsan goboladda Mudug iyo Nugaal.

Mudane Dirir wuxuu intaa ku daray in burcad-baadeedda deegaanada Puntland ku sugnaa ay u kala baxeen saddex oo kala ah: kuwo lasoo qabtay oo xabsiyada deegaanada Puntland ku xiran, kuwo iskood isaga dhaafay burcad-badeeda oo kadibna dhaqan-celin loo sameeyay iyo koox yar oo burcad oo deeganada Puntland ka qaxay.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Maxamed Yusuf Jaamac ayaa isna sheegay in wacyigelin baalaran oo ay qaadeen dadka deegaanka, odayaasha, culimada iyo maamulka Puntland ay keentay in dhalinyaro badan howlaha burcad-badeednimada isaga haraan oo nolol caadi ah sameystaan.

Weriyaha raadiyaha Ergo Burhaan Maxamed Cabdi ayaa sheegaya in qaar ka mid ah dhalinyarada si iskood uga baxay burcad-badeeda lagu biiriyay ciidamada maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, qaarkood kalena loo tababaray xirfado kale sida farsamada gacanta iyo korontada oo ay ku shaqeystaan, iyo kuwo da’ yaraa oo iyana goobihii dugsiyada waxbarasho dib ugu noqday.

9 bilood ka hor ayaa saldhigii ugu dambeeyay ee burcad-badeedu ku laheed deegaannka Garacad ee Puntland ciidamada maamulka gobolka ay kala wareegeen burcad-badeeda. Muddo sanad ah lama sheegin wax weerar ah oo kooxaha burcad-badeed Soomaali ah ay ka geysteen biyaha ku dhow Soomaaliya.

Si kastaba weriyaha raadiyaha Ergo ee deegaanka wuxuu sheegay in weeraradii hore ee burcad-badeeda ay dhaawac u geysteen dhaqaalaha iyo nolosha dadka caadiga ah ee Soomaaliyeed. Cabsi laga qabo kooxaha burcad-badeeda awgeed, waxaa kordhay qiimaha gaadiidka badeecada keena dekada dalka lagu soo raro. Sidaas awgeed, qiimaha badeecada si gaar ah kuwo laga soo dhoofiyo dalalka carbeed ayaa kor u kacay.

Agaasimaha guud ee wakaalada la dagaalanka burcad badeeda ee wasaarada Dakadaha iyo Gaadiidka Badda ee Puntland C/risaaq Maxamed Dirir wuxuu raadiyaha Ergo u sheegay in hoos u dhaca weerarada burcad-badeeda ay ka dhisheen jariif sharci-daro ah oo maraakiib shisheeye ay ka bilaabeen xeebaha dalka.

Burhaan Maxamed Cabdi/MA

Previous Post

120 QOF OO INDHO FIIQID IYO DAWEYN LOOGU SAMEEYAY JOWHAR

Next Post

380 qoys oo ka qaxay dagaalo ka dhacay bay iyo bakool

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Dhallinyaro qaxooti ah oo hirgaliyay ganacsiyo beddelay noloshooda

May 20, 2026
Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 18, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Mudug: Dad roob yari ku cayroobay oo xeryo ku yaalla deegaan Xarfo ku wajahaya nolol xumo

May 15, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
Next Post
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

380 qoys oo ka qaxay dagaalo ka dhacay bay iyo bakool

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 25-MAY-2026

IDAACADDA 25-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 25-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 25-MAY-2026
May 25, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 24-MAY-2026
May 24, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-MAY-2026
May 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-MAY-2026
May 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-MAY-2026
May 21, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo