Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Caafimaadka

120 QOF OO INDHO FIIQID IYO DAWEYN LOOGU SAMEEYAY JOWHAR

Radio Ergo by Radio Ergo
May 27, 2013
in Caafimaadka
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankDad gaaraya 120 qof ayaa ka faa’iideystay mashruuc indho fiiqid iyo daweyn isugu jira oo si lacag la’aan looga fuliyay degmada Jowhar ee gobolka Shabeelada Dhexe.

Mashruuca oo socday saddex maalin ayaa waxaa ka faa’iideystay bukaano ka kala yimid degmada jowhar iyo deeganada ku dhow oo helay diiwaan gelin, baaritaan iyo daawo lacag la’aan ah.

Mashruucan daweynta iyo fiiqida indhaha ee lacag la’aanta ah oo lasoo gabo-gabeeyay 14 May ayaa waxaa fuliyay saddex dhakhtar oo ku takhasusay xanuunada indhaha iyo afar kalkaaliyaal ah oo wada Soomaali ah.

Dhakhtar Maxamed Salaad Kheyr oo ka mid ah dhakaatiirta howsha fulisay ayaa raadiyaha Ergo u sheegay in 25 ka mid ah bukaanada ay la kulmeen indhaha loo fiiqay oo uu aragu usoo noqday. Dhakhtar Maxamed Salaad Kheyr wuxuu intaa ku daray in 95 bukaan oo kale ay siiyeen dawooyin xanuunada indhaha iyo kuwo kaabaya araga qofka.

Gudoomiyaha Ururka Indhoolayaasha gobalka Shabeelada Dhexe Cali Sheekh Rashiid ayaa isna raadiyaha Ergo u sheegay in 17 ka mid ah bukaanada la kulmay dhakhaatiirta laga bixiyay caay indhaha uga jirtay oo araga ka qarisay. 17 kale ayaa qaliino lagu sameeyay looga guray hilib indhaha ka saarnaa.

Howsha indho fiiqida iyo daweynta oo lacag la’aan aheyd ayaa waxaa wadajir u fuliyay Hay’adaha Nacfi iyo Al-absaar, waxaana lagu qabtay xarunta dugsiga hoose iyo dhexe ee Buulo-Baleey ee degmada Jowhar.

2007-dii bukaanadii ugu badnaa oo gaarayay 947 qof ayaa adeegyo indho fiiqid ah oo lacag la’aan aheyd loogu fuliyay isbitaalka weyn ee degmada Jowhar.  7 jeer ayaa wixii sanadkaa ka dambeeyay laga fuliyay degmada  adeegyo indho fiiqid iyo qaliino noocaan ah. Laakiin mashruucaan waxaa uu ahaa midkii ugu horeeyay oo bixiya diiwaan-gelinta bukaanada oo lacag la’aan ah iyo weliba daawooyin bilaash ah.

Horey bukaanada waxaa looga qaadi jiray $10 oo diiwaan gelin ah si ay ula kulmaan dhakhaatiirta daweynta indhaha ee ka socota hay’adaha fulinayay adeegyada lacag la’aanta ah. Bukaanada ayaa sidoo kale iibsan jiray dawooyinka loo qoro.

Previous Post

AFAR MILYAN OO NEEF PUNTLAND LAGAGA TALLAALAYO CUDURRADA JADEECADA IYO FURUQA.

Next Post

Puntland: burcad-badeeda waa la cirib-tiray

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Umulisooyin daryeel iyo talooyin caafimaad u sameeya haweenka ku nool Dhadhaab

January 13, 2026
blank
Caafimaadka

Nolol xumo iyo daryeel la’aan isku biirsaday qoys ku nool Shabeellaha dhexe

December 1, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dayac iyo nolol xumo haysata dadka qaba xaaladda dhimirka ee ku nool Dhadhaab

November 3, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhibaato ka dhalatay xarumo caafimaad oo ka xirmay dad barakac ku ah Baydhabo

September 8, 2025
Adeeg la’aan caafimaad oo ka dhalatay 20 isbitaal oo ku xirmay colaadda Hiiraan
Caafimaadka

Adeeg la’aan caafimaad oo ka dhalatay 20 isbitaal oo ku xirmay colaadda Hiiraan

September 4, 2025
Shabeellaha Hoose: Haweenka ku jira xilliga foosha oo wajahaya gargaar la’aan caafimaad
Caafimaadka

Shabeellaha Hoose: Haweenka ku jira xilliga foosha oo wajahaya gargaar la’aan caafimaad

July 21, 2025
Next Post
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Puntland: burcad-badeeda waa la cirib-tiray

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 21-APR-2026

IDAACADDA 21-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 21-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-APR-2026
April 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-APR-2026
April 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-APR-2026
April 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-APR-2026
April 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo