Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Cunto-Yaraanta

AFAR MILYAN OO NEEF PUNTLAND LAGAGA TALLAALAYO CUDURRADA JADEECADA IYO FURUQA.

Radio Ergo by Radio Ergo
May 27, 2013
in Cunto-Yaraanta
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter
blank
Photo | Geel lagu talaalayo dooxada Nugaal/Sawir/kaydka/Kooshin/Ergo

Gobollada Mudug, Nugaal, Sool iyo Bari ee Puntland waxaa ka bilowday mashruuc ballaaran oo ay fulinayso wasaaradda xanaanada xoolaha ee maamulka Puntland, kaasi oo cudurrada Jadeecada iyo Furuqa  lagaga  tallaalayo 4 Milyan oo Neef iyadoo si la mid ah howlaha tallaalka la daaweyn doono 600 oo kun oo Neef oo iyana ka mid ah xoolaha gobolladaasi jooga.

“ FOA ayaa dhaqaale ku bixisay in uu hir galo tallaalkan oo ah mid muhiim u ah ilaalinta faya qabka xoolaha, annaga oo wasaaradda xanaanada xoolaha ah ayaa fulineyna waxaa la qorsheeyey in ay 4 Milyan oo neef tallaal helean gobolladaas afarta ah, kooxo takhaatiir xoolaha ah ayaan dirnay” ayuu yiri Cabdiweli Xirsi Nuur wasiir ku xigeenka xanaanada xoolaha.
20 kooxood oo takhaatiir ah ayaa bixinaya tallaalka, isla markaasna muddo laba bilood ah ka wadi doona gobolladaasi, madax ka tirsan maamulka oo ka qeyb galay munaasabaddii lagu sagootinayey kooxaha tallaalka fulinaya waxay kula dar daarmeen in si wanaagsan ay  u fuliyaan howshaasi adag, dhinaca kale  dhaqaatiirta ayaa wasaaradda iyo hay,adaha ka dalbaday  in lala socdo howshooda lagana caawiyo arrimo la xiriira habka qaboojinta tallaalka oo is beddel ku iman karo haddii aan lagu hayn goob qaboojiye la’aan ah.

Xoola dhaqata ayaa ah kuwa aan  fahan fiican ka heysan muhiimadda uu leeyahay tallaalka, taasina wa mid caqabad adag ku ah howlaha shaqo ee la xiriira tallaalka xoolaha. Axmed Cali oo ka mid ah takhaatiirta fulinaya wuxuu kooxdiisa kula dar daarmay in ay u dhabar adaygaan duruufaha adag  ee safarka iyo weliba kuwa ay kala kulmi karaan dadka reer miyiga ah.

Wasiir ku xigeenka xanaanada xoolaha Puntland Cabdiweli Xirsi ayaa yiri “Looma baahna in marka la idika diido tallaalka aad ka tagtaan dadka xoolahaas haysta ,ku cel celiya dadka oo fahansiiya, culimada diinta, iyo oday dhaqameedka deegaanka adeegsada si looga dhaadhiciyo dadka reer guuraaga ah xoolaha loogu tallaalo,  waxay la micno tahay reer baad xoolo u tallaalsheen balse reer kale ayaa xoolahoodii cudur qabaa taasna waxay la micno tahay in aydin guuleysan waa iga dar daaran”

Tallaalkan xoolaha oo sanadkiiba mar la fuliyo wuxuu  ku soo beegmayaa  xilligan oo bilihii la soo dhaafay  ay gobollada Mudug,Nugaal iyo Sool ka jireen cudurro dhibaato ba,an ku hayey xoolaha nool sida cudurka Furuqa oo raadkiisa aad looga dareemay dhulka miyiga ah ee gobolladaasi.
Cabdiraxmaan Xaaji/MH/FM

Previous Post

Dooloow: qoysas ka badan 500 oo agab guryo laga dhisto loo qeybiyay

Next Post

120 QOF OO INDHO FIIQID IYO DAWEYN LOOGU SAMEEYAY JOWHAR

Related Posts

blank
Cunto-Yaraanta

Qoysaska macalimiin shaqo la’aan noqday oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

May 22, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Mudug: Dad roob yari ku cayroobay oo xeryo ku yaalla deegaan Xarfo ku wajahaya nolol xumo

May 15, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Daad burburiyay gododka cusbada laga qodo oo saameeyay xoogsatada gobolka Afdheer

May 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 24, 2026
Next Post
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

120 QOF OO INDHO FIIQID IYO DAWEYN LOOGU SAMEEYAY JOWHAR

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 25-MAY-2026

IDAACADDA 25-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 25-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 25-MAY-2026
May 25, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 24-MAY-2026
May 24, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-MAY-2026
May 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-MAY-2026
May 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-MAY-2026
May 21, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo