
Muran badan ayaa wuxuu ka taagan yahay dhulalka dooxooyinka ee gobolka Nugaal, taasoo ka dhalatay dad iyagu ka sameystay xirmooyin dhulkii daaqsinka ahaa. Tani waxay keentay in xoolihii reer guuraaga ay waayaan dhul ay daaqaan. Arrimahan oo kale oo la xiriirta daaqsinka xoolaha waxay keentaa gacan ka hadal dhex mara dadka reer guuraaga iyo dadka ootay dhulka.
Kulanka waxaa qeyb ka ahaa, maamulka gobolka Nugaal, hay’adaha amniga, wasaarada Beeraha iyo odayaasha dhaqanka, waxayna isku raaceen iney sharci daro tahay dhulka laga xayirayo iney xooluhu daaqaan.
“Shan iyo toban ka mid ah dooxooyinka ugu waa weyn Nugaal baa ah meelo xermooyin ah, kuwaaso kala ah Jibaaxa, Lulumo, Sharax qab, Woow, Bixin, Carmaale, Barde Dawaxo, xalanley, Isu faruuran, Jillab, jibagale, Jidnugul, Xamur, salaxley iyo Ceel-wacayseed, dhamaantoodna waxay gacanta ugu jiraan dad xirmeystay” sidaasna waxaa yiri Bashiir Cabdi Cali oo ka mid ah waxgaradka deegaankaas.
Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdi Xirsi Cali oo kulanka ka hadlay ayaa isaguna arrintan ku tilmaamay dulmi laga gelayo dadlka iyo xoolaha, Waxaana uu ku dhawaaqay in tallaabo isku mid ah laga wada qaadi doono dadka arintaan ku shaqo leh oo dhan, wuxuuna guddoomiyuhu ugu baaqay nabaddoonnad in ay arrinta isha ku hayaan oo ay maamulka la soo socod siiyaan, si looga gudbo caqabadan dhanka deegaanka ah.
Dhibaatooyinka ku saabsan dhulalkan la xirmesyto ayaa ka jira meelo badan oo Soomaaliya ah, waxayna sabaabaan dhowr arrimooda oo ay ka mid yihiin xaalufka iyadoo markii dhulka la xirmeysanayo la jaro dhir badan taasoo keenta xaaluf. Sidaas oo kalena waxay sababaan in xooluhu waayaan dhul ay daaqaan, taasoo iyaduna keenta dagaallada dhex mara dadka reer baadiyaha ah.
Cabdiraxmaan Maxamed Xaaji/AM









