Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Xaaladda samafalka Soomaaliya oo meel fiican maraysa

admin by admin
April 17, 2013
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankAfhayeennka hay`adda gargaarka Qaramada Midoobay  ee OCHA Cabdi Yuusuf Nuur ayaa ku tilmaamay iney xaaladdii samafalka ee Soomaaliya tahay mid aad u soo kabatay. Sarkaalkan oo wareysi siiyay raadiyo Ergo ayaa ka warbixiyay in xaaladihii adkaa ee sanooyinkii 2012kii iyo 2013 si weyn hadda looga gudbay, isbeddel weyna laga sameeyo dhinacyo badan oo la xiriirta nolosha bani`aadamka.

“ Hay`adihii gargaarka bixin jiray weli waa joogaan, howshoodiina sidii bay u wataan, meel badan oo  aan wal la gaari jirinna hadda waxaa suurtowday in la gaaro karo oo gargaar la gaarsiin karo” waxaa yiri afhayeenka, wuxuuna intaas raaciyay iney hay`adaha caalamiga qaarkood ay gaareen oo ay ka shaqeeyaan meelaha ku dhowdhow Muqdisho oo ay shaqo fiican ka wadaan, hase ahaate ayan weli hay`daha Qaramada Midoobay weli saldhigan meelaha goobahaas.

Mar Cabdi Yuuf la weydiiyay sida uu iminka yahay xaalka dadka barakacayaasha ka dib markii warbixintii bishii Febraayo lagu sheegay in macluushii Soomaaliya ay dhamaatay wuxuu yiri” Barakac ma jiro hadda, lamana sheegin dad hor leh oo soo barakacay oo Muqdisho u soo raadsanaya gaargaarka, balse waxaaba jirta dad ku sugnaa xeryaha barakaca qaarkood oo dalbanaya in dib loogu celiyo deegaannadoodii hore oo ay ka yimaaddeen”.

“ Dadka barakacayaasha ee ku nool xeryaha magaalada Muqdisho waxaa lagu qiyaasaa ilaa 360,000 oo qoys, waana tiro badan, waa hubaal iney dhibaato badan qabaan, nolol fiican oo tayeysan oo la sheegi karana ma haystaan, inkastoo ay haddana gacanta ku hayaan hay`adaha samafalka haddana lama dhameystiro karo noloshooda, lagumana qiimeyn karo iney noloshan xeryaha ay ku jiraan ay u dhaanto meeshii ay ka yimaaddeen” sidaasna waxaa yiri Cabdi Yuusuf maruu ka jawaabayay  xaaladda ay ku nool yihiin barkacayaasha Muqdsisho.

Waxay idaacadda Ergo weydiisay Afhayeenka sida ay hay`adda gargaarka Qaramada Midoobay uga warqabto cabashooyinka ka imanaya dadka oo ah inaanu deeqaha raashinku aanuba gaarin wuxuuna Cabdi uga jawaabay “ Waa maqalnaa laakiin run ahaantii gargaarku waa noocyo badan yahay, cuntada, daawada, fayo-dhowrka iyo dhinacyo kale oo badan, wax kastana lama dhihi karo wax kasta dhib baa kaa jira, markii aan soo qaadanno xagga raashinka mana jiraan wax dhibaato ah oo ka taagan sidaan og nahayna ma jiraan” ayuu yiri Cabdi Yuusuf, wuxuu kaloo sheegay in goobtaan hadda dadka la dejinayo laftigeedu aysan ahayn meel rasmiya, dadkana loo raadinayo hab ugu dambayn dib loogu celiyo goobahay ka yimaadeen.

Afhayeenku waxaa kaloo uu ka hadlay arrimaha dib u dejinta sida ay ugu go`an tahay hay`adaha adduunka in dadkaas barakacayaasha ee ku nool Muqdisho loo diyaariyo meelihii la dejin lahaa, iyadoo ka hor loo gelayo tabaabusho iyo qiimeyn arrintan ku saabsan, ugu dambeynna waxaa loogu talagalay dadkan in raristooda lagu soo dhameeyo 20 Agosto ee sanadka 2012ka sida uu sheegay Cabdi Yuusuf.

Laba sano ka hor ayey aheyd markii barakacayaashii ugu badnaa ay soo gaareen magaalada  Muqdisho oo gaaraya 360,000 oo qof, kadib markii ay ku ceyrtoobeen abaartii xilligaasi iyo colaado is biirsaday. Iminka ayaa waxaa jira dadaal caalami ah oo ay wadaan hay`adaha caalamka oo ah  sidii wax looga qaban lahaa looguna  taageeri lahaa dawladda Soomaalida sidii ay dadkaas ugu sameyn lahayd dib-u-dejin , looguna habeyn lahaa nolol dhaanta midda ay haatan ku jiraan.

Radio Ergo

Previous Post

Waa sidee nolosha qoysaska Soomaalida?

Next Post

Muranka dhulka xirmeysiga ee Nugaal

Related Posts

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 15, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 24, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Next Post
Muranka dhulka xirmeysiga ee Nugaal

Muranka dhulka xirmeysiga ee Nugaal

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 16-MAY-2026

IDAACADDA 16-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 16-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-MAY-2026
May 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-MAY-2026
May 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-MAY-2025
May 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-MAY-2026
May 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo