Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Waa sidee nolosha qoysaska Soomaalida?

admin by admin
April 16, 2013
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankWarbixin  ay si wada jir ah maanta 16 Abril 2013 u soo saareen hay’adaha UNICEF,UNDP, WFP, WHO, FAO iyo UNFPA ayaa lagu sheegay  in saddex meelood meel  ay qoysaska maamulaan haween, halka haweenkasina aysan 70% helin tacliin, waxayna warbixintu tilmaameysaa in hooyooyinka hadda haysta caruurta ka yar 5ta sano aysan badi lahayn wax tacliin ah.

Warbixintu waxay rajo ka muujineysay  habka nololeed qoyska Soomaaliyeed gaar ahaan kuwooda ku nool Puntland iyo Somaliland waxayna tilmaameysaa iney jirto rajo ka soo kabasho ee dhinacyada tacliinta gabdhaha, helitaanka biyaha,  joojinta gudniinka fircooniga, ku shaqaynta carruurta iyo ka hor tegista cudurka HIV/AIDS.

Mar uu raadiyo Ergo ka wareystay warbixintan  Susanah Pirce oo ah afhayeenka  UNICEF ee xafiiskeeda Soomaaliya iney ka naga siiso fikrad waxa ay warbixintan ku qotonto waxay tiri” Sahankaan nolosha guryaha laga samaynayo  ee waddanka waa mid UNICEF ay ka fuliso dhammaan dunnida laguna ogaanayo habka wax haysi iyo awoodda nololeed ee qoyska, iyadoo u qaadanaysa tusaale dadka ku nool magaaloyinka, tuulooyinka iyo dhulalka miyiga ah, kuwa saboolka ah iyo kuwa qaniga ahba dhamaan dhinacyadda nololeed, waxaanan ka samaynay baadhitaankaan Puntland iyo Somaliland iyadoo duruufaha amaan ee koonfurta iyo bartamuhuna ay saamixi waayeen, waxaanan waydiinay su’aalaha aasaasiga u ah nolosha dhamaan carruurta iyo haweenka, si aan u ogaanno noloshay haystaan, xuquuq noocee ah oo ay haystaan, ee dhinacyadda caafimaadka, wax barashadda, saxadda biyaha iyo ilaalinta jawaabihii ka soo baxay ayaana sal u ah warbixintaan sahanka ah ee aan goboladaan ka samaynay”

Mar ay Susanah ka jawaabeysa su`aal la xiriirtay ilaalinta xuquuqaha waxay sheegtay “ Dhulkaan ka samaynay warbixintaan, waxaan raadinanay warbixinaha ku saabsan inay carruurta lagu shaqeeyo halkii ay ka aadi lahaayeen waxbarashadda, waxaanan aragnay in rubac caruurta ku nool Puntland iyo Somaliland ay shaqeeyaan ayna shaqeeyaan 80 saacadood todobaadkii, inkastoo xoogaa horumar laga sameeyey markaad fiiriso sahan kanoo kale ah oo la sameeyey 2006dii”

“Dhinacyadda kale ee ilaalinta carrurta ee aan raadinnay waxaa weeye dhinaca gudniinka fircooniga ah, waxaanan ku ogaanay sahankaan inay wax badan hoos u dhacday sidii dadku u samaynayeen hawshaan, oo warbixintii 2006kii waxay tusinaysay in hablaha 15ka ah 100% ay ahaayeen kuwo maray habkaan gudniinka fircooniga, haddase sahankaan wuxuu tusiyey mid taas ka roon oo rubuc ka mid ah 100kiiba ayaa noqday kuwo maray gudniinka fircooniga ah” ayay tiri afhayeenka.

Mar aan waydiiyey Sussan dhibaatadda hor taagan in dadka laga joojiyo  gudniinka fircooniga ah waxay sheegtay”  Dhibaatadda hor taagan in la joojiyo gudniinka fricooniga ah ayaa ah sidii loo bedeli lahaa dadka fikirkooda oo ay wakhti badan soo isticmaalayeen, waxayna rabtaa arintaani in dadka Soomaaliyeed qaybahooda sida hogaanka bulshada, culimadda haweenka iyo dhalinyaraduba kawada qayb qaataan, hay’addaha gargaarkuna helaan talooyin ay kaga caawin karaan arintaan”.

Wediin:  warbixintan waxaad ku sheegteen markaad ka hadlayseen waxbarashadda gabdhaha, in gabdhaha ka soo jeeda qoysaska qaniga ahi helaan fursado tacliin, laakiin kuwa saboolka ahi aysan helin, UNICEF maxay u haysaa qorshe hablaha ka soo jeeda guryaha saboolka ah si ay u helaan fursado waxbarasho?.

“Runtii waa wax wel wel leh, inkastoo qoysaska wax haysta gabdhaha ka soo jeeda ay 54% wax bartaan, taanoo iyaba iska liidata, haddana kuwa ka soo jeeda qoysaska saboolka ah waxaa ka aada tacliin 14%, waana arrin, waxanan aragnay haweenka ka soo jeeda qoysaska saboolka ahi wax ma akhrin karaan, ma qori karaan xitaa magacooda ma higaadin karaan, waxaanan doonaynaa hadaan nahay UNICEF inaan dhiiri gelino sidii habluhu u aadi lahaayeen goobaha waxbarashadda, annagoo in badan kala tashanay qaybaha bulshadda muhimadda ay leedahay iyo sababaha keenay in gabdhaha loo diri waayo iskuuladda, waxaanan u diyaarinay inaan u helno waxbarasho qaar dibaddaha ah, haween macalimiin ah iyo in la wanaajiyo saxadda goobaha waxbarashadda si gabdhuhu ugu helaan fursad ay ku yimaaddaan, intii dadaalkaan aan samaynayna waxaad arkaysaa gabdhihii oo tiro badan ku imanaya goobihii tacliinta haddana tiradoodu ku sii dhowaanayso kuwa wiilasha”

Wediin:  Ugu dambeyn maxay tahay fariintaadda aad is leedahay waad u sheegi lahayd hooyadda iyo gabadha Soomaaliyeed?

“Waxaan dhihi lahaa, waydiinna lahaa hablaha ma aadan iskuul, hooyada ma u heshaa carruurtaadda hab caafimaad oo wanagsan sida talaalka, gabdhuhu fursad ma u helaan tacliinta sida ta wiilashu helaan oo kale” Ayey ku jawabtay Susasanah.

MH/AM

Previous Post

Roobab mahiigaan ah oo guryihii ka saaray barakacayaal ku sugan Baydhabo

Next Post

Xaaladda samafalka Soomaaliya oo meel fiican maraysa

Related Posts

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 15, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 24, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Next Post
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Xaaladda samafalka Soomaaliya oo meel fiican maraysa

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 16-MAY-2026

IDAACADDA 16-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 16-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-MAY-2026
May 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-MAY-2026
May 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-MAY-2025
May 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-MAY-2026
May 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo