Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Roobab mahiigaan ah oo guryihii ka saaray barakacayaal ku sugan Baydhabo

admin by admin
April 16, 2013
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankBarakacayaasha degmada Baydhabo ayaa ka cabanaya dhibaatooyin ka haysta roobabka Guga oo maalmahan si xoog ah uga da`aayay magalaadaas. Robabkan oo watay daadad waaweyn ayaa sababay in guryihii jilicsanaa ee ay qoysaskan degganaayeen qaar badan la tageen.
Kamamka Yaasiin iyo Kormari oo ku yaalla waqooyiga magaalada Baydhabo in ka badan shan boqol oo qoysna ay ku nool yihiin ayaa biyihii roabakii da’ay iyo daadad aad u fara badan oo magaalada banaankeeda ka yimid aad u waxyeeleeyey ka dib markii bohosha weyn ee Baydhabo dhexmarta ay keentey biyo aad u fara badan waxaana Kaamamkaas guriyihii ku yaalley ay qaadeen biyuhu.

Ku dhawaad 10-guri oo ah buushashkii ay ku noolaayeen barakacayaasha Kaamamka Yaasiin iyo Kormari ee duleedka waqooyi magaalada Baydhabo iyo alaabtii maacuunka  ay biyiii xaaqeen.

Dadka qaarkood ayaa waxay iiga warrameen dhibaatooyinkii qabsaday, waxayna ii  sheegeen in iyagoo biyaha ku jira habeen horey Kaamka Kormari labo haween ay ay ku umuleen mid ka mid ahna ay dhashey labo canug oo mataano ah sida ay ii sheegeen haweenkii aan la kulmey qaarkooda oo ii waramey.

Gudoomiyaha degmada Baydhabo Xassan MacalinAxmed Biikole oo aan kula kulmey Kaamamka dhibaatadu ay ka jirto ee waqooyiga magaalada Baydhabo wuxuu ii sheegey  sidii loogu rari  lahaa dadkan   meel banana ah  loona dejin lahaa, isagoo sheegay inuu ka doonayo iney hay`adaha maxalligaa ay si wadajir ah isaga kaashan lahaayeen.

Dhanka kale ee dadweynuhuna waxaa ka socda dadaal iskaa wax u qabso ah oo lagu gargaarayo dadkan dhibaateysan, isla markaasna isug baaqay iney is garabsadaan oo ayan cid kale waxba ka sugin.

Degmada Baydhabo waxaa ku yaal 53 xero barakacayaal oo ku kala yaal daafaha  shanta xaafadood ee ay Baydhabo ka kooban tahay  waxaana ku nool dad tiradoodu lagu qiyaasay ilaa 6636 oo qoys. Dadkan ayaa iyagu dib uga soo laabteen gobollo ay hore ugu barakaceen oo ay ka mid yihiin Muqdishow, Doolow iyo maamul goboleedka Puntland sida  ay raadiyo Ergo u xaqiijiyeen horjoogayaasha xeryahaas.

Cabdiraxmaan/AM

Previous Post

HAWEENKA LUUQ OO WADA OLOLE NADAAFADEED

Next Post

Waa sidee nolosha qoysaska Soomaalida?

Related Posts

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 15, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 24, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Next Post
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Waa sidee nolosha qoysaska Soomaalida?

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-MAY-2026

IDAACADDA 15-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-MAY-2026
May 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-MAY-2025
May 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-MAY-2026
May 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo