Tacaddiyada ugu badan ee haweenka ku barakacay gudaha dalka ay la kulmaan ayaa waxaa ka mid ah kufsiga, oo ammaan darrada ka jirta dalka awgeed usii kordhaya.
Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug oo ay ku yaallaan xerooyin barakac, waxay ka mid tahay meelaha kufsiga uu ka dhaco, heerka kufsiga magaalada Gaalkacyo ka dhaca ayaa waxaa tilmaameysa Xaawo Yuusuf oo ah madaxa laanta arrimaha kufsiga, shaqo abuurka iyo waxbarashada haweenka ee xarunta nabadda, waxbarashada iyo horumarinta GECPD ee magaalada Gaalkacyo “Sanadkan kufsiga haweenka baracakayasha loo geysto Gaalkacyo aad ayuu u sarreeyaa, sanadkan 2013ka afartiisa bilood ee ugu horreysa waxaan diwaan gelinnay 32 kiis oo kufsi ah oo lagula kacay haween barakacayaal ah oo da`doodu u dhaxeyso 70 ilaa 10jir,”
Xarunta GECPD maxay u qabataa haweenka la kulma kufsiga? Xaawo ayaa sharraxaad ka bixineys “Waxaan gabdhaha ugu horreyn siinnaa meel ay ku noolaadaan, dhaqaalo, dhanka caafimaadka, booliiska ayaan ka diwaan gelinnaa si ay u raadiyaan ninka wax kufsaday ayna cadaaladda ula tiigsadaan,”
Xaawo ayaa sheegtay in kufsiga uu badanaa ka dhaco guryaha dayacan ee aan ammaankoodu sugney, marka ay haweenka iyo gabdhaha doonanayaan xaabo, amaba ay ariga la jiraan, markey habeenkii shaqada ka baxaan iyo gabdhaha yaryar ee guryaha looga tago.
Kufsiga ayaa raadad xun ku reeba maskaxda gabadha la kufsaday, “Gabdhaha yaryar kufsigu wuxuu ku reebaa sas, halka kuwa dhalinyarada ahna ay ka qaadaan niyad jab mustaqbalkooda ah, qaarkoodna ay isaga haajiraan magaalada si ay uga baxsadaan hadalheynta bulshada, waana meel ka dhac iyo tacaddi loo geysto qof bini`aadam ah.”
Cabdi jaamac Kilinbe oo ah abukaate ayaa sheegaya in ammaan darradu ay ugu horreyso waxyaabaha sii kordhinaya kufsiga “Dadka barakacayaasha ah ee markasta la kufsanayo lana dhibaataynayo waxay xaq u leyihiin in ammaankoda la ilaaliyo, haddii kale waxaa ku imaanayo dhibaato kasta, waa la kufsanayaa, waana la jirdilayaa marka waa in loo qabtaa abukaatayaal dabagal ku sameeya dhibaatada loo geysto” Ayuu yiri abukaate kilinbe.
Guddoomiyaha gobolka Mudug ee maamulka Puntland Maxamed Yuusuf jaamc (Tigey)
Oo ka warramayay waxa ay ka maamul ahaan ka qabteen kufsiyada ka dhaca xeryaha barakaca ee Gaalkacyo ayaa sheegay in haweenka iyo gabdhaha iyo haweenka la kufsado ay badanaa xishood dartiis soo wargelinnin booliiska, balse ay jiraan kiisas ay wax ka qabteen “Waxaa jira kiisas badan oo kufsi ah oo ay booliisku dabagal ku hayaan, rag loo soo qabtay oo la xukumayna way jiraan, waxaana ku dadaaleynaa intii karaankeenna ah inaan wax ka qabanno, waxaanse ugu baaqayaa bulshada inay booliiska kala shaqeeyaan cirribtirka kufsiga gudaha Gaalkacyo2 Ayuu yiri guddoomiyuhu.
Magaalada Gaalkacyo waxaa sanadihii ugu dambeeyay ku soo badanayey kufsiga loo geysanayo haweenka barakacayaasha ah.
Guuleed Warsame/FM/AM