
Khuburada biyaha iyo cimilida ayaa arrimahaas la xiriiriyay qorshe la’aanta ku saabsan in biyaha roobka loo samayn waayo meelo lagu keydiyo, waxaana tani ay keentay in biyaha roobka ay badi ku qulqulaan baddaha iyagoon laga faaíisaysan.
Inta badan labo ama saddex jeer ayaa sanad kastaba ay dadka reer guuraaga iyo beeralayda roobabka wax ku beerata ay ka cawdaan jiilaal iyo biyo la`aan. Xitaa xilliyada ay roobabka da`aan wax yar un ka dib waxaa meelaha qaar laga dareemaa biyo la`aan.
“Webiyada ka sokow waxaa dhulka Soomaaida mara sida puntland iyo Somaliland togag waaweyn oo aan ka dhicin wabi xilliyada roobabku ay da`ayaan, manajiraan cid ilaa hada kafaa’iidaysata biyaahas waxaana ka mid ah togga Qayaadsame, Togga dharooreed iyo Togga daaradoole, sidaas waxaa idaacadda Ergo u sheegey Inj. Xuseen Abuukar Xuseen “
Inkastoo ay jiraan shaqsiyaad ganacsato ah oo samystay goobo waro ah oo biyaha roobka ay ku kaydiyaan xilliyada roobabka, deedna uga faa’iidaysta sidii ay uga sii iibin lahaayeen dadka xiliyada jiilaalka.
“ Inaad samaysato ceelweyn oo matoor saran yahay waxaa ka faa’iido badan inaad samaysato war biyaha lagu keydsado oo si walba kaaga faa’iido badan ceelka sababtoo ah biyaha xareeda ah ee nadiifka ah waxad uga faa`iidaysan kartaa inaad wax beerato, in aad booyadaha ka iibsato iyo xoolaha oo aad siisato” ayuu yiri Inj. Yaasiin
Ka sokow abaaraha iyo jiilaalka waxaa iyana xusid mudan in waqtiyada aaranka oo ay da`aan roobab badan ay dadku ka cowdaan dhibaatooyin ay kala kulmaan biyaha roobka ee aan lahayn meelo ay gaalaan oo lagu kaydsado.
Burhan Maxamed Cabdi/MG










